Xildhibaan Cabdi Samad Macallin Maxamuud oo Magaalada Kampala ee dalka Uganda uga qeyb galay dood cilmiyeed ku saabsan Daadajinta dowladnimada iyo federaaleynta

Date:

Muqdisho-26-7-2022-:Xildhibaan Cabdi Samad Macallin Maxamuud oo ka tirsan golaha shacabka BFS ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda uga qeyb galay dood cilmiyeed ku saabsan Daadajinta dowladnimada iyo federaaleynta kaas oo ay marti galiyeen Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku nool dalkaas.

Madasha oo ciwaan looga dhigay federalka iyo nidaamka daadajinta maamulka ayaa sidoo kae looga hadlay arrima amniga Somalia ayay dhallinyaradu su’aalo ka weydiiyeen xildhibaanka.

Xildhaan Cabdisamad ayaa si xeeldheer u sharaxay arrimaha federaalismka iyo hanaanka daadijinta maamulka, aqoonyahanadii ka soo qeyb galay ayaa sidoo kale is weydaarsaday ahmiyadda mowduucu leeyahay.

 

Gudoomiyaha Madasha Kasmaal ee Barnaamijka qaban qaabisay Shafici Ali Nugaal ayaa uga mahadceliyay xildh Cabdisamad sida uu ahmiyad u siiyay Barnaamijka waxaana ugu dambeyn ka soo baxay talooyin dhaxal gal u ah dowladnimada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...