Home Blog Page 633

Maxay ka wadahadleen madaxweyne Deni iyo safiirka UK?

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Madaxtooyada Puntland ee Garowe ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya Danjire Kate Foster.

Kulanka ayaa looga hadlay Nidaamka dimuqraadiyadda ee Puntland ka jira, xaaladda Covid-19 iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha socda oo doorashooyinku ugu horeeyaan.

War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Ingiriiska ay madaxweyne Deni la wadaagtay hambalyo ku aadan hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, waxayna muujisay in doorashadda hal qof iyo codka ah ee Puntland ka dhacaysa ay rajo wanaagsan gelineyso guud ahaan Soomaaliya.

Waxaa kulanka ka qeybgalay Wasiirada Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo shaqaalaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland.

Wafdi ka socda QM oo gaaray Dhuusamareeb, kulamana ka bilaabay

0

Waxaa maanta Magalada Dhusamareeb ee Caasimadda Galmudug  gaaray wafdi ka socda hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Caafimaadka Aduunka ee WHO, kuwaas oo u tegay indha-indheynta adeegyada Caafimaadka, gaar ahaan ogaanshaha waxyaabaha ka fulay mashaariicda loogu talagaley la tacaalida iyo ka hortagidda Xanuunka COVID-19.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Dr.Asmus Hammerich, Agaasimaha Cudurada aan la isu gudbin iyo Caafimaadka Dhimirka Hey’adda Caafimaadka Aduunka Xafiiskeeda Qaahira ayaa ugu horeyn Kormeeray Isbitaalka Xanaano oo ka mid ah xarumaha bixiya adeegyada ugu badan ee Caafimaadka Magaalada Dhuusamareeb, waxa ayna si gaar ah maamulka isbitaalka su’aalo uga waydiiyeen isbadalada la sameeyay tan iyo markii WHO bilaawday ka jawaabida baahiyaha ka jira Isbitaalkan

Kormeerkan oo ay ku wehliyeen Wafdiga WHO, Xubno ka socday wasaradda Caafimaadka dowladda Federaalka iyo Agaasimaha Guud ee wasaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayay si gaar ay ugu indha-indheeyeen qaybaha isbitaalka ee laga hirgaliyay Mashruuca Solar System-ka kaasi oo bukaano badan ka caawiyey in ay helaan oxygen kufilan, isla markaana suura-galiyey in adeegyada isbitaalku bixiyo noqdaan kuwo joogta ah.

Mas’uuliyiinta WHO oo ugu dambeyn la geeyay xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay wasiirka Caafimaadka Galmudug, Cabdiwali Cabdulahi Jaamac iyo  madaxda Xafiisyada Wasaaradda oo goobta kusoo bandhigey warbixin dhameystiran oo ku saabsan guulaha laga gaarey maareynta COVID19 iyo gaabisyada jira oo ay wasaraddu ka dalbatey WHO in ay ka soo jawaabto dalabaadyada hore loogu diray.

Madaxda WHO oo intii kulankan uu socday ka mahad celiyay soo dhaweynta loo sameeyay ayaa tilmaamey in ujeedka safarkoodan yahay qiimeynta howlaha socda iyo in laga jawaabo dhamaanba gaabisyada jira ee u baahan in la iska kaah-shado dhameystirkooda, iyagoo  si gaar ah u bogaadiyay hannaanka wacyigalinta iyo heerka qaadashada talaalka COVID19 ee Galmudug oo ay xuseen in juhdiga lagu bixiyay yahay mid muuqda.

Ururrada Taliban iyo Daacish oo ku dagaalamay dalka Afghanistan

0

Hogaanka ururka Taliban ayaa sheegay inay cagta mariyeen saldhigyo ay dalkaas ku lahaayeen ururka hubeysan ee Daacish iyo ururo kale oo hoos taga.

Afhayeenka Taliban Sabiixullaahi Mujaahid ayaa sheegay in hawlgalo gaar ahaa oo ciidamadooda ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolada Helmand iyo Masaara Shariif in lagu bur buriyay saldhigto ay lahaayeen ururada Daacish iyo ururka kale ee ISKP la yiraahdo kuwaasoo dhawr weerar ka gaystay dalkaas tan iyo markii talada wadankaas uu qabsaday ururka Taliban.

Afhayeenka Taliban waxaa uu sidoo kale sheegay inay jiraan dagaalyahano Daacish iyo ISKP oo dhankooda isku dhiibay. Warbaahinta gudaha Afghanistan ayaa baahiyay dagaal 5tii cisho ee lasoo dhaafay ka dhacay dalka Afghanistan ay Talibaaniyiintu tageen dhul buuralay ah oo Daacish iyo saaxiibadooda saldhigyo ku lahaayeen. Ma jiro wax war ah oo dhanka Daacish kasoo baxay.

Madaxweyne Farmaajo oo ka Tacsiyeeyey Geerida Cabdi Muriidi Dheere(Ajakis)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu ahaa jilaa, majaajilayste iyo Barnaamij Soosaare qeyb weyn ka soo qaatay nabadaynta iyo horumarka dalkeenna, isaga oo ummadda Soomaaliyeed u soo gudbin jiray sheekooyin faneed iyo barnaamijyo maandhis iyo madadaalo ah oo ka turjumaya jiheynta iyo wacyigelinta bulshada si looga gudbo caqabadaha iyo dhibaatooyinka nololeed ee bulshadeenna.

“Innaa lillaahi wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdi Muriidi Dheere oo ahaa Jilaa iyo majaajilayste weyn oo soo saari jiray barnaamijyo lagu kobcinayo wacyiga ummadda Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Madaxweynaha Puntland oo taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Kaah kala Qeyb galay isu soo baxa Koowaad ee ururk “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Deni, Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH oo safar shaqo ku yimi Qardho ayaa maanta taageerayaasha Ururka KAAH kala qeybqalay isu soo baxa koowaad ee maalmaha ololaha doorashadda.

Madaxweynaha ayaa markii uu Qardho soo gaaray qaatay kaarka codbixiyaha si uu u codeeyo doorashada goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomaysa Qardho, Ufeyn iyo Eyl , 25- October 2021.

Intaasi kadib, Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu taageerayaasha KAAH kala qeybgalay isu soo baxa koowaad ee ololaha doorashada Ururka.

Madaxweynaha oo fagaare kula hadlay taageerayaasha Ururka KAAH, wuxuu uga mahadceliyay sida ay cududooda u muujiyeen iyo in ay door muhim ah ka qaateen hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, oo ah marxalad cusub oo Puntland gashay.

Madaxweyne Deni ayaa la wadaagay bulshada isu soo baxday, in Golaha deegaanka ee ay si Qof iyo Cod ah ku doortaan uu noqon doono mid wax badan ka bedelan kuwii hore oo hurmar u horseedi doona, sidoo kale wuxuu xusay in KAAH ay fursad siisay dadka barakacayaasha ahaa oo hadda Ururku u soo sharaxay ka mid noqoshada  golaha deegaan degmada Qardho.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay, Golaha fulinta, xubnaha golaha dhexe ee Ururka KAAH iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Qardho, Iyadoo sidoo kale isu baxyo kan la mid ah uu Ururku maanta ka sameeyay magaalooyinka Eyl iyo Ufeyn.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo tacsiyeeyay geerida kutimid Allaha unaxariistee Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis)

0

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobalaeedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ka tacsiyeeyay geerida kutimid Alle ha unaxariistee jilaagii Soomaaliyeed Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

wuxuu ahaa shakhsi si’weyn looga yaqaanay dhulka Soomaaliyeed waxweynna kusoo kordhiyay suugaanta iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tacsida la wadaagay  dhammaan umadda Soomaaliyeed, Bahda Fanka Soomaaliyeed, ehelladii, qaraabadii, Asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, wuxuu Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, su’aasha qabrigana u sakhiro, sabir iyo iimaanna inaga siiyo.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay taliyaha ciidammada lugta Uganda “SAWIRRO”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha ciidammada lugta Uganda Gen.Muhorzi Kainerugaba oo booqasho ku yimid Muqdisho. Ayaa uga mahadceliyay kaalinta muhiimka ah ee ciidammada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM iyo wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidammada Soomaaliya.

Horjooge katirsanaa kooxda Argagixisada Al-shabaab oo isku soo dhiibay laamaha Amniga Hirshabeelle “SAWIRRO”

0

Horjooge katirsanaa kooxda Argagixisada Al-shabaab ayaa Maanta isu soo dhiibay laamaha Amniga hirshabeele,ee ka howlgala Magaalada jowhar.

Horjoogahaan ayaa lagu magacaabaa, Xasan Axmed Muxamuud oo ah magaciisa Afgarashada (Xasan dheere) ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ow ku qabay intow kamid ahaa iyo sida ay ugu suurta gashay inow gacantooda kasoo baxo.

Afayeenka Booliska Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Diini Rooble Axmed ayaa ugu baaqay dhallinyarada argagixisada, marin habaabiyeen in ay iskaga soo baxaan si ay u helaan adeegyadii kala duwanaa oo ay u baahnaayeen. Laguna soo dhaweeyn doono goobkasto oo ay joogaan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Guddiga doorashada xubnaha Somaliland oo shaaciyey dib u dhac doorasho

0

Qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka senatorrada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa lagu shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid doorashada xubnaha Aqalka Sare oo lagu balansanaa in berri ay musharaxiintu khudbadahooda jeediyaan, si maalinka xiga ee 28-ka bisha ay doorashadu u bilaabato.

“Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu.
Dib ayaan kasoo sheegi doonaa wakhtiga,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga.

Jadwalkii horay uga soo baxay guddigaan ayaa dhigayey in doorashadu ay bilaabaneyso maalinka Talaadada ah ee 28-ka bishan, lana soo gabagabeeyo 30-ka bishan September, balse waxay doorashadu hada dib u dhacday waqti aan la cayimin.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la yeeshay qaar kamida bulshada reer Garoowe “SAWIRRO”

0

Wasiirka Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa dad-weynaha kula hadlaya magaalada Garoowe ee xarunta maamul Goboleedka Puntland, kullanka ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiinta deegaanka, madaxda ururrada siyaasadda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada , iyadoo su’aallo laga waydiiyay wasiirka maamulka deeqaha dalka, horumarinta qorshaha Qaranka iyo xaaladda guud ee Dalka.