Home Blog Page 633

Kenya oo Facebook ugu hanjabtay inay dalkeeda ka mamnuuceyso

Hay’adda ilaalisa is-dhexgalka qowmiyadaha Kenya ayaa u qabatay shirkadda maamusha Facebook ee Meta muddo toddobo maalmood ah inay wax ka qabato waxa ay ugu yeertay hadallada nacaybka iyo kicinta ee la xiriira doorashada bisha soo socota, haddii kale laga mamnuucayo dalka Kenya.

Dalka ugu dhaqaalaha weyn Bariga Afrika ayaa ku jira ololihiisa doorashada kahor doorashooyinka madaxtinimo, sharci-dejinta iyo dowladaha hoose ee 9-ka Agoosto.

Kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Global Witness ayaa warbixin ay soo saartay Khamiistii ku sheegtay in Facebook ay aqbashay oo ay tallaabo ka qaadday in ka badan 12 xayaysiis siyaasadeed oo kahor imaanaya shuruucda Kenya.

Guddiga qaran ee isku dhafka iyo isdhexgalka ee Kenya (NCIC) ayaa sheegay in warbixintu ay xaqiijineyso natiijooyinkeeda gudaha.

“Facebook-gu waxa uu ku xad-gudbay shuruucda dalkeenna. Waxay isu oggolaadeen in ay noqdaan kuwa horseeda hadallada nacaybka iyo kicinta, war-xumada iyo wal-walgelinta,” ayuu yiri Danvas Makori, oo ah guddoomiyaha NCIC.

“SHirkadda Meta ee Facebook waxa ay qaaday “tallaabooyin ballaaran” si ay meesha uga saarto hadallada naceybka ah iyo waxyaabaha xanafta leh, waxayna sii xoojinaysaa dadaalladaas kahor doorashada” ayuu afhayeen u hadlay shirkadda u sheegay Reuters.

“Waxaan leenahay kooxo u heellan dadka ku hadla Sawaaxiliga iyo tignoolajiyad ogaaneysa si ay nooga caawiyaan in si deg deg oo ballaaran looga saaro waxyaabaha waxyeelada leh,” ayuu yiri afhayeenku.

Taageerayaasha musharixiinta caanka ah ee madaxweynaha, hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenka William Ruto, ayaa baraha bulshada u isticmaalaya in ay ku ammaanaan musharraxiintooda, kana dhaadhiciyaan dadka kale inay ku soo biiraan, ama ay ku eedeeyeen dhinacyada ka soo horjeeda dambiyo kala duwan.

Ciidanka Xooga Dalka oo deegaano hoosataga Degmada Bardaale ku dilay xubno katirsan Argagixisada Al-shabaab

MUQDISHO-30-7-2022-;Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta maamulka KGS ayaa Howlgalo ka dhan ah Kooxda Argagixisada Al-Shabaab kaas oo saacadihii la soo dhaafay ay ciidamada ka sameeyeen deegaanada hoostaga degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

[DHAGEYSO]Maleeshiyaad Hubaysan oo Xalay dil iyo dhaawac ugu geystay Magaalada dhabad shaqaale ka tirsan Hay’adda Miina baarista ee Hallo trust

MUQDISHO-30-7-2022-:Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhabad ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in  Maleeshiyaad  Hubaysan ay  Xalay xilli danbe  Weerar  ay ku qaadeen Shaqaale ka tirsan Hay’adda Miina barista ee Hallo trust   kana Howl Gasho Magaalada dhabad ee Gobalka Galgaduud.

[DAAWO]Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xaalada amni ee magaalada muqdisho

MUQDISHO-30-7-2022-:Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  ka hadlay arrimaha amniga magaalada Muqdisho ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay ciidamada la shaqeeyaan sharcigana garab siiyaan.

Reysul Wasaaraha Qaranka oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Wasiirkii Cadaaladdka KGS.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka argagixiso ee maanta lagu dilay Wasiirkii Caddaaladda Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed (AUN) Shiikh Xasan Ibraahim Lugbuur.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoyska wasiirka iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, isaga oo Alle uga baryay naxariistii janno inuu ka waraabiyo, ehelka iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Mudane Xamse waxa uu sheegay in falalka argagixiso aanay marna niyad jabin doonin dadaalka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu jiraan amniga iyo sidii loo heli lahaa nabad waarta.

Koofur Galbeed oo war kasoo Saartay Geerida Wasiirkii Cadaaladda Oo Qarax lagu Dilay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada Koonfur Galbeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Shekh Xasan Ibraahim (Lugbuur) Wasiirka Cadaalada Koonfur Galbeed oo maanta Argigixisada Alshabaab ay ku Dileen Qarax ka dhacay Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Lugbuur uu ahaa Halyeey waqti badan soo galiyay dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Koonfur Galbeed, isaga oo si gaar ah u xusay doorkii wanaagsanaa ee uu kulahaa inta uu Xilalka kala Duwan uu qabtay sida uu ugu Adeegay Bulshada Soomaaliyeed,hada oo uu ahaa Wasiirka Cadaalada Koonfur Galbeed uu si wanaagsan uga qeyb qaadanayey U-adeegida Bulshada Koonfur Galbeed

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariisto Marxuum Shekh Xasan Ibraahim (Lugbuur) oo ahaa Wasiir,aqoonyahan iyo samafale naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Koonfur Galbeed isaga oo kaalin mugleh kulahaa dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya si gaar ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed ayaa Door la taaban karo kulahaa Marxuum lugbuur.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo,inta ku dhaawacantayna Alle uga bariyey inuu ubooga dhayo

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Ka Warbixiyay Howl-galada Ka Socda Caasimadda.

Taliyaha Ciidanka Boliiska ee Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in ay socdaan qorshayaal kutalagal ah oo la doonayo in lagu xaqijiyo xasiloonida caasimadda iyo guud ahaan degmooyinka kale ee dalka.

Taliyaha Ciidanka oo ka qeybgalay kulanka todobaadka ee warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in meel wanagsan ay marayaan howlgalada ciidanka ee la dagaalanka muqaadaraadka iyo kan samakaab ee ka socda caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Taliye Xijaar ayaa caddeeyay in labadii bilood ee la soo dhaafay xoogga la saaray degmooyinka ay ku badan yihiin falalka xasilooni darada ah ,sidaa daraadeedna howlgaladii u dambeeyay lagu soo qabtay in ka badan 4-boqol oo ruux .

Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xusay in lagu guuleystay la dagaalanka  muqaaadaraadka,wuxuuna dhinaca kale codsaday in shacabka,gaar ahaan waalidiinta ay ciidanka kala shaqeeyaan amniga caasimadda iyo kan gobolada dalka.

Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa u mahadceliyay guddoomiyaasha iyo taliyaasha ciidanka ee degmooyinka gobolka Banaadir,isagoo uga mahad celiyay kaalintii ay ka qaateen sugidda amniga

Senetor Xuseen Maxamed Daahir oo deeq Dawo ah gaarsiyay Cisbitaalka Dhimirka Ee Magaalada Baydhabo

0

Senetor Xuseen Maxamed Daahir oo kamid ah senetorada aqalka sare ee dalka ayaa maanta gaarsiiyay deeq caafimad cisbitaalka dhimirka ee magaalada baydhabo.

Gudoomiye ku Xigeenka 2aad Golaha Shacabka Oo Isbitaalada Ku Booqday Dhaawacyadi Marka. (SAWIRO)

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshir (Abshirow) oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa maanta booqday qaar ka mid ah Isbitaalka Magaaladda Muqdisho oo ay ku jiraan dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxii shalay maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al shabaan ka geyateen Magaaladda Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha hoose.

Isbitaalada Daarul-Shifa iyo Digfeer ayuu Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka ku booqday bukaanadan oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Meelaha uu booqday guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Shacabka waxaa ka mid ah ICU-da isbitaalka Digfeer oo ah qeyb la geeyo dhaawacyada ay xaaladoodu darantahay,waxaana dhaqaatiirta isbitaalada uu booqday ka wareystay xaalada bukaanada ay qaabileen iyo qaabka ay hada ula tacaalaan.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa dhamaan ehelada bukaanada uu maanta booqday u muujiyay sida uu uga xunyahay dhibaatada soo gaartay,islamarkaana uu ku garab istaagi doono sidii xaaladooda wax looga qaban lahaa.

Ugu dambeyn Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacaba Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa alle uga baryay dhamaan bukaanada dhaawacyada kala duwan qaba bogsiimo deg deg ah.

 

Agaasimaha Sirdoonka Oo Isbadal Ku Sameeyay Mushaarka Nabad Sugidda.

Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad oo kor u qaaday Mushaarka Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqaalaha Hey’adda.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad oo la magacaabay 26-kii May 2022, ayaa durba kor u qaaday dhammaan mushaaraadka ay qaataan Saraakiisha, Ciidamada iyo howlwadeenada kale ee ka tirsan Hay’adda.

Agaasime Mahad oo goobjoog u ahaa duruufaha hareeyay Saraakiisha iyo Ciidamada NISA ayaa go’aansaday inuu kordhiyo xuquuqda si sare loogu qaado dareenka qeybaha ka hoos shaqeeya Hay’adda, iyadoo taasi looga golleeyahay in si hufan loo guto waajibaadka shaqo.

Markii ugu horaysay ayaa Mushaarka Saraakiisha iyo ciidanka Hay’adda NISA waxay la mid noqdeen mushaaraadka ciidamada kale ee Qaranka, halka markii hore ay ka hooseeyeen.

Hadaba eeg isbadallada lagu sameeyey Mushaaraadka Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqaalaha Hey’adda NISA:

1- G/le Markii hore waxa uu Mushaar u qaadan jiray 400$,halka hada laga dhigay 500$.

2- Jaamici waxa uu qaadan jiray 300$, halka hada looga dhigay 350$.

3- Qofka wata Shahaado Dugsi sare markiisii hore waxa uu qaadan jiray mushaar dhan 200$, hadana waxaa looga dhigay 300$.

4-Mudane ama shaqaalaha caadiga ah ee aan shahadada heysan waxa uu qaadan jiray 150$, waxaana iminka looga dhigay 200$.

5- Askariga dablaha waxa uu mushaar ahaan markii hore loo siin jiray 150$, balse hada waxaa looga dhigay 200$.

Sidoo kale Taliyaha Hey’adda NISA Mahad Salaad ayaa go’aamiyay in askarta iyo saraakiisha hey’adda ee geeriyooda ay qoysaskooda xuquuq ka heli doonaan dowladda, halka markii hore aysan laheyn wax xuquuq ah.

Mushaar kordhinta ciidanka, saraakiisha iyo howlawadeenada hay’adda ayaa ka danbeeyay kadib markii dib u eegis lagu sameeyay shaqsiyaad badan oo hey’adda aanan u shaqayn oo dhaqaale badan qaadan jiray iyo kuwa kale oo qaadan jiray xuquuq ka badan inta ay xaqa u leeyihiin.