Home Blog Page 625

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland oo maanta kormeeray Banggiga Dhexe ee Puntland

0

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kormeeray Banggiga Dhexe ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Banggiga Dowladda, isagoo u kuurgalay sida shaqadu u socoto, waxaana uu warbixin ka dhegaystay Guddoomiyaha Banggiga Dowladda iyo madaxda kale.

Ugu dambeyn Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay mas’uuliyiinta Banggiga iyo shaqaalaha, wuxuuna faray in ay halkaasi kasii laba jiibaaraan adeega Banggigu u hayo dadweynaha .

LAFTAGAREEN OO XARUNTA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAKIILKA HAY,ADDA FCA EE SOOMAALIYA

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku-meel gaarka uah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo waxa uu ku qaabilay Wakiilka Hay’adda FCA ee Soomaaliya Ikali karvinen.

Ikali karvinen Wakiilka cusub ee Hay’aada FCA ee Soomaaliya iyo Xubnaha ku wehlinayey socdaalkiisa ayaa Madaxweynaha Warbixin ka siiyey socdaalkooda iyo Waxyaabihii uqabsoomay sanadihii lasoo dhaafay waxaana ay xuseen in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay kala shaqeynayaan Dhisida Gollaha Deegaanka Degmooyinka Koonfur Galbeed,Hormarinta Waxbarashada,Caafimaada iyo Daadejinta Adeegyada Dowlada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa U-mahadceliyey Wakiilka Hay,adda FCA Ikali karvinen iyo Madaxda ku wehlinaysa Socdaalkiisa waxaana uu xusay in ay bogaadinayaan shaqada wanaagsan ee Hay’adda ay ka wado deegaanada Koonfur Galbeed.

“waan idin kaga mahadcelinayaa booqashada aad iigu imaateen waxaan ku faraxsanahay shaqada amaanta mudan ee aad ka wadaan deegaanada koonfur galbeed ha ahaato dhisida gollaha deegaanka,waxbarashada iyo caafimaadka,dowlad goboleedka aan hogaamiyo ahmiyad gooni ah ayey noo leedahay dhismaha gollaha deegaanka degmooyinka koonfur galbeed guulaha hiigsiga leh ee aan wadno sida noogu garab siinaysaa waan idinkaga mahadcelinaynaa.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka mahadceliyey Dadaalka Hay’adda FCA ka wado Deegaanada Koonfur Galbeed.

Tababarka dib u howl-gelinta Maktabadda Qaranka oo Muqdisho ka furmay “SAWIRRO”

Waxaa maanta ka furmay xafiiska Maktabadda Qaranka Soomaaliyeed tababar ku aaddan hawl-gelinta Maktabadda Qaranka. Tababarka ayaa lagu baran doonaa aqoonta iyo hawlaha lama huraanka u ah dib u hawl-gelinta Makatbadda oo dhawaan la qorshaynayo in dib loo furo.Tababarrada ayaa ka kooban Dajinta Istaraatiijiyo, Samaynta Biblograafiyada, Hannaanka Kaydinta, Lanbaraynta Agabka iyo Buugaagta.

Agaasimaha Tacliinta Sare ee wasaaradda Waxbaraashada oo furay tababarka ayaa tibaaxay baahida loo qabo tababarkan, maadaama furitaankii Maktabadda oo soo dhawyahay, gabagabana marayo dayactiraka dhisamha maktabadda.

“Wasaaraddu waxa ay xoogga saaraysaa hawl-gelinta iyo soo celinta adeegga maktabadda qaranka, si muwaaddiniinta qaybahooda kala duwan u helaan adeeggii akhrinta iyo daalacashada, sidoo kale aradada Soomaaliyeed na helaan xarun ay ka heli karaan buugaag aqooneed oo ka saacidi kara cilmi-baarista “. waxaa yiri agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada mudane Ismaaciil.

Khubarada bixinaysa tababarka ayaa ayagana si guud uga hadlay muhiimadda ay u leeyahiin tababaradaan hawl-wadeennada iyo shaqaalaha Maktabadda Qaranka. Ustaad Cabdirraxiim Shaafici oo ah khabiir dhanka Horumarinta Hay’adaha (Insitutional Development) ayaa sheegay in baahida maktabadda ay u qabto horumarinta kaabayaasha maamul iyo maarayn ay yahiin kuwo aad u wayn.

“Hadduu gabagabo joogo dhismaha, waxaa isha lagu hayaa, waa furitaanka maktbadda iyo inay soo buuxiso kaalintii ay uga jirtay sare u qaadista aqoonta iyo wacyiga bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Ustaad Cabdiraxiin.

Ugu danbayntii Agaasimaha Maamulka Ustaad Cabdullaahi Saciid Faqi ayaa ka war bixiyay dadaalka dheer ay maktabadda ugu jirto inay abuurto dhamaan kaabayaasha loo baahan yahay oo ay ugu horrayso abuuritaan kaadir aqoon iyo karti u leh fulinta hawsha Maktabadda Qaranka.

Tababarka ayaa socon doonaa muddoo lix cisho ah, 16-21 bishan, iyada oo lagu diyaarinayo shaqaalaha Maktabadda sidii ay dusha ugu ridan lahaayeen hawsha ku soo fool leh ee furitaanaka iyo daaddihinta hawlaha Maktbadda Qaranka Soomaaliyeed.

Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo fasaxday shaqaalaha

0

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa gaarka ay fasax yihiin maalinta Isniinta ee ku aaddan 12 bisha Mowliid si loo weyneeyo dhalashada Rasuulkeenna Suubban (NNKH).

Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu hambalyeysay shaqaale weynaha Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta dhalashada nabigeena (SCW).

Soomaaliya oo ka Qeybgashay Munaasabad lagu soo Bandhigayay Dhaqanka”SAWIRRO”

0

Munaasabad ay soo qabanqaabiyeen Midowga Africa iyo UNESCO ayaa ka dhacday magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia, waxaana ka qeybgalay in ka badan 35 Dawladood oo ay ku jirto Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Warfaafinta, Safaaradda Soomaaliya ee Addis iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ethiopia ayaa madasha oo xalay ka dhacday xarunta arrimaha dhaqanka ee Addis Abeba waxay kusoo bandhigeen qeybaha kala duwan ee ciyaaro dhaqameedka, cuntooyinka iyo ganacsiga kala duwan ee Soomaaliya u gaarka ah.

Munaasabaddan oo sanad kasta lagu qabto dalalka Africa ayaa sanadka lagu qabtay Ethiopia, waana markii u horraysay oo ay Soomaaliya ka qeyb gasho.

Agaasimaha guud ee Waxbarashada oo daah-furay Kulanka wadatashiga Siyaasada Waxbarashada Carruurta

0

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta daahfuray Kulanka wadatshiga siyaasada Waxbarashada Xanaanada Carruurta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Caabi Xasan ayaa Magaalada Muqdisho ka daahfuray kulan looga doodayay Siyaasada Waxbarashadda Xanaadada Carruurta oo ay soo diyaarisay Waaxda Horumarinta Adeegyada Waxbarshadda, kaasi oo socon doono Muddo laba cisha ah,iyadoo ay kasoo qeyb galeen Bahda Waxbarashada qeybaheeda kala duwan.

Qarax miino oo lagu dilay duqii deegaanka  Feer-Feer

0

Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ayaa waxay sheegayaan in qarax miino lagu dilay duqii deegaanka Feer-Feer Khaliif Garaad Rooble iyo qof kale oo dumar ah.

Sidoo kale seddax qof oo Taliyaha saldhigga booliska ee magaalada Baledweyne Maxamed Qoorsheel uu ku jiro ayaa ku dhaawacmay qaraxaas.

Mas’uuliyiin ka tiran maamulka gobolka Hiiraan ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyey in qaraxaas ay Argagixisadu ku sii diyaarisay maqaayad lagu iibiyo Shaah oo ku taalla meel u dhaw saldhigga booliska magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Dhuusamareeb ka daahfurtay Shir wadatashi ah

0

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumairnta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka daahfurtay Magalaada Dhuusamareeb Shir wadatashi ah oo ku saabsan diyaarinta qorshe howleedka Istaarjiyada Xalka Waara 2021- 2022 ee Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Shirka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Galmudug, Mudne Cabdinaasir Cilmi Geele, Agaasimaha guud, Agaasimaha Xafiiska Xalka waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, qaar ka mid ah madaxda Wasaaradaha dowlad gobaleedka Galmudug, iyo Khubaro ka socda Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Soomaaliya

Wadatashiga waxaa uu socan doona muddo saddex cisho ah iyada oo lala tashanayo wasaaraddaha Ganactada, Ururrada bulshada rayidka, dadka barakaca uu saameyay iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimahan ee ka howl gala deeganada Galmudug.

Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara Marwo Zahra Cabdi Maxamed ayaa faah-faahisay ahmiyadda wadatashigan uu leeyahay.

“in la joogo xilligii dowlad goboleedka Galmudug xil adag iska saari lahayd fulinta Straregya Xalka waara (2021-2022). Ayadoo loo sii marayo diyaarinta qorshe hawleeda sanadka 2021-2022, ee ay yeelan doonto dowlad goboleedka Galmudug, kaas oo wax badan looga badali doono sidii xal waara ay u heli lahaayeen Barkacayaasha, Qaxootiga iyo dadka dalk dib ugu soo laabtay ee ku sugan dowlad goboleedka Galmudug” Agaasime Zahra.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta dowlad gobaleedka Galmudg Mudnae Cabdinaasur Cilmi Geelle ayaa sheegay in ay muhiim u tahay diyaarinta qorshe howlaadka 2021-2022 ee Istaarajiyada Xalka waara dowlad gobaleedka Galmudug.

“horay ugama aanan fikirin in la hormariyo Strategy lagula tacaalo xaaladaha barakacayaasha iyo qaxootiga, laakiin hadda waxaa ilaahay mahadiis ah in la xafiiska xalka waara ee Wasaaradda qorshaynta ay sameeyeen Strategy yad soconaysa 2021-2022 oo lagula tacaalayo waxna looga qabanayo duruufaha barakacayaasha, qaxootiga iyo dadka dibadda dalka ka soo laabanaya” ayuu yari Wasiir Geelle.

Ugu dambeyntii shirka wadatashiga waxaa laga rajeynaa in ay ka soo baxaan Qorshe howleedka dowlad gobaleedka Galmudug ee xoogga saarayo arrimaha barakaca iyo qaxootiga kaas oo la jiho ah Istaraajiyada Qaran ee Xalka waara.

Puntland oo qaba qaabineesa markii ugu horeesay doorasho Qof iyo cod ah

0

Waxay noqoneesaa markii ugu horeesay oo ay bulshada Puntland doorasho qof iyo cod ah ay ku soo doortaan matalayaasha masiirkooda siyaasadeed tan iyo aasaaskii Puntland lagumaguulaysan in awooda shacabka dib koogu celiyo oo ay soo doortaan cida ay doonayaan.

Waxaa laga sameeyay Degmooyinka Eyl Qardho iyo Ufayn oo furaha u noqonaya hirgalka hanaanka dimuqraadiyadeed ee Puntland tirakoob, Diiwaan galin ku salaysan hab casriya, wacyi galibn ku saabsan habka codaynta, kala doorashada iyo qaybinta kaararkii codadka ee codbiyaasha ku waasi oo kala dooran doona 9 urur siyaasadeed oo ka soo baxay shuruudihii ururnimo.

Soo jireenka iyo oday dhaqameedka oo culays badani soo wajihi jiray xilliyada doorashada ayaa u arka fursad cadalad lagu heli karo tilmaamayna inay tani tahay fursadi lagu heli lahaa matalaad shacab oo dhab ah.

Dhallinyarada ayaa dhankooda gacmo furan ku wajahay hirgalka hanaan doorasho qof iyo cod ah maadaama ay sanado badan tirsanayeen matalaad la aan siyaasadeed iyo inay banaanka ka joogeen guda galka maamulada kala duwan ee dalka.

Urur siyaasadeedyada kala duwan ee Puntland ayaa dhankooda degmooyinka Eyl, Qaedho iyo Ufayn ku soo bandhiyay isu soo baxyo ay taaageerayaashooda kula hadlayeen kuna soo bandhigayeen siyaasadahoda iyo wax qabadyadooda oo wada jira balse ogow go’aanka kala doorasho waxaa iska leh bulshada Dagmooyinkaas .

25ka October ee sanadkan ayey u asteeyeen Guddiga KGM ah ee Doorashooyinka Puntland inay dhacdo doorashada Golayaasha deegaan ee saddexdaasi degmo ahna mid siwayn looga dhursugayo natiijada ka soo baxda.

 

Masjid ku yaalla Afgaanistaan oo qarax lala beegsaday

0

Ugu yaraan 7 qof ayaa dhimatay 13 kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo ,kadib markii qarax lala beegsaday masaajid ay leeyihiin Shiicada oo ku yiillay Qandahaar, xilli maanta lagu jiray salaaddi Jimcaha.

Qaraxaan  oo ka dhacay masaajidka ugu weyn ee ay ku cibaadeystaan Shiicada ayaa la sheegay in aysan caddeyn waxa sababay balse waxaa la tuhunsan yahay in uu ahaa qarax ismiidaamin ah.

Ma jiraan cid illaa hadda sheegatay in ay ka dambeeyeen qaraxaasi.

Dhacdadan ayaa timid toddobaad kadib markii daraasiin qof la dilay in ka badan 100 kalena la dhaawacay markii masaajid ku yaal gobolka waqooyiga ku yaal ee Kunduz lala beegsaday qarax .