Home Blog Page 625

Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS oo si aqlabiyad leh codka kalsoonida u siiyay Ra’iisul Wasaare XamseAbdi bare

0

MUQDISHO-JUUN-25-6-2022-:Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa codka kalsoonida ah siiyay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxaana codka Haa ku ogolaatay 220-xildhibaan oo ah tirada guud ee xildhibaanada kulanka joogay,

 

Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa isla goobta ku dhaariyay ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.
May be an image of one or more people, people standing and indoor

Qaramada Midoobay oo sheegtay in ay raadineyso lacag dhan 993.3 milyan si loogu gurmado dadka abaraha soomaliya ku saameyeen.

0

MUQDISHO-JUUN-25-6-2022-:Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ayaa sheegtay Jimcihii in ay raadinayso 993.3 milyan oo doolarka Maraykanka ah si ay u bixiso gargaar naf-badbaadin ah si looga hortago abaaraha soo food saaray Soomaaliya.

Mareykanka oo maxbuus ku wareejiyay ururka Talibaan

Muqdisho-Juun-25-6-2022-:Ururka Taliban ee xukuma Afghanistan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in dawladda Maraykanku ay xabsiga Guantanamo Bay ee ku yaalla dalka Cuba ay ka sii daysay mid ka mid ah labadii maxbuus ee ugu dambeeyey ee u dhashay dalka Afghanistan kuwaas oo lagu hayey xabsigaas 15-kii sano ee ugu dambeeyey.

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta la filayo inay codka kalsoonida u qaadaan ra’isal wasaaraha cusub.

MUQDISHO-JUUN-25-6-2022-:Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS ayaa maanta oo sabti ah yeelanaya mid kamid ah kulamadooda kaas oo ah mid xasaasi ah.

Golaha Shacabka oo berri Codka kalsoonida u qaadayo Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban.

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in maalinta berri ah uu jiro Kulan-weynihii Golaha, kaasi oo ka qabsoomi doono xarunta Villa Hargeysa.

Ajendaha Kulankaan ayaa ah u codeynta kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban  Mudane Xamsa Cabdi Barre, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Golaha Shacabka.

“Beri oo Sabti ah 25 June waxaa jira kulan-weynihii Golaha Shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Ajendaha kulanka u codeynta kalsooni siinta R/Wasaaraha magacaaban.

Madaxweynaha JFS oo Laga Helay Covid-19.

Madaxwaynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta laga helay COVID-19.

Xaaladda caafimaad ee Madaxwaynaha JFS ayaa ah mid fiican isaga oo aan dareemayn wax qandho ah iyo dhammaan calaamadaha xanuunka tan iyo markii laga helay COVID-19.

Madaxwaynaha ayaa si nabad ah maanta dalka ugu soo laabtay waxa uuna sii wadan doonaa howlihiisa shaqo ee uu ugu adeegayo qaranka isaga oo raaci doona tilmaamaha caafimaad ee COVID-19.

 

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Dhageysatay Dacwo Loo Haysto Eedeysanayaal.

0
maxkamada darajada 1aad ee ciidanka Qalabka sida qeybta 27aad ayaa bilowday dhageysiga dacwad loo heystay 10 eedeysane oo lagu soo qabtay falal kala duwan.

Maxkamadda ayaa la horkeenay eedeysane dable ah Kamaal Cabdulle Maxamed iyo eedeysane dable Axmed Cali Qanyare, kuwaas oo lagu eedeeyay dilka marxuum Cabdirashiid Maxamed Cabdi Mahadalla.

Maxkamadda darajada 1-aad ayaa sidoo kale la horkeenay dambiilayaal ka tirsan ciidanka iyo kuwa kale oo isaga tagay ciidanka.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle  Aadan ayaa soo gabagabeeyay dhageysiga dacwadahaasi, waxaana  maxkamadda laga sugayaa go’aanka kama dambeysta ah.

Madaxweynaha Qaranka Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay ay ku joogeen dalka aan walaalaha nahay ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa dalkaas waxa uu kulamo la qaatay Madaxweyne Maxamed Bin Saayid oo ay ka wada hadleen kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta dal ku galka, isu socodka badeecadaha, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta bangiyada iyo xoojinta maalgashiga dalkeenna.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan is-xog wareysi ah la qaatay jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isagoo ka dhageystay warbixinno ku aaddan caqabadaha iyo tabashooyinka ay qabaan, waxa uu u sheegay in ay dowladdu dadaal ku bixineyso wax ka qabashada cabashooyinkooda.

 

 

Ergey ka socda Dowladda FS oo waraaqihii aqoonsiga u gudbiyay Xoghayaha Guud ee ururka Islaamka.

0
Ergeyga Dowladda FS u qaabilsan ururka Iskashiga wadmada Islaamka(OIC) Dr.Ibraahin Aadan Muuse,ayaa waraaqihii aqoonsiga u gudbiyay Dr.Xuseen Ibraahin Taah oo ah Xoghayaha Guud ee ururkaasi.

Kulankii dhinacyadaasi oo ka dhacay magaalada Jiddah,waxaa laga wadahadlay baahida loo qabo xaqiijinta siyaasadda dunida ee dalalka islaamka.

Ergeyga Dowladda FS u qaabilsan ururka Iskashiga wadmada Islaamka(OIC),Waxa uu ka mahadceliyay sida ldiiran ee loo soo dhoweeyay,isagoo ballanqaaday in uu ku dadaali doono ballaarinta xiriirka iyo wax wada  qabsiga.

Ururka Iskashiga wadmada Islaamka(OIC), waxaa la aasaasay 1969- kii,waxaana ku bohoobay 57 dal oo islaam ah .

Madaxweyna Qaranka Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Deggan Dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta+”SAWIRO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isaga oo la wadaagay dadaalka ay Dowladda Soomaaliya galineyso xoojinta xiriirka Imaaraadka, taas oo ka dulqaadaysa caqabadaha iyo tabashooyinka ay qabaan.
Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed uga xog warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha, horumarinta bangiyada, maalgashiga dalka, gaar ahaan dhinacyada beeraha, xoolaha iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah.
“Kulanka aan la qaatay Madaxweynaha waxyaabaha ugu horreeyey ee aan kala hadlay waxa ay ahaayeen fududeynta sharciyada, dal ku galka iyo guud ahaan isu-socdka muwaadiniinta, isla markiiba Madaxweynaha Imaaraadka waxa uu amray in Safaaraddooda magaalada Muqdisho ay dadka Soomaaliyeed si toos ah uga soo qaataan fiisaha. Sidoo kale, dhammaan caqabadaha kale ee jira waxaan isku raacnay in la xalliyo oo guddiyo farsamo ay ka shaqeeyaan fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, bangiyada, maalgashiga iyo sharciyada” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga war-bixiyeen xaaladda bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyaga oo sheegay xiriirka labada dal ee xumaaday sanadihii la soo dhaafay in uu saameyn weyn oo dhaqaale ku yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed, waxa ayna uga mahadceliyeen Madaxweynaha mudnaanta uu siinayo hagaajinta xiriirka muhiimka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xubnaha jaalliyadda kula dardaarmay xoojinta midnimadooda iyo in ay is-caawiyaan, isla markaana ay si wanaagsan kula noolaadaan shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka.