Kullan ciyaareed kubadda cagta ah oo lagu soo dhoweynayay, looguna hambalyaynaayay wasiirka cusub ee dhallinyarada iyo ciyaaraha ee XFS oo lagu qabtay magaalada Istanbul

Date:

Kullan ciyaareed kubadda cagta ah oo lagu soo dhoweynaayay, looguna hambalyaynaayay wasiirka cusub ee dhallinyarada iyo ciyaaraha ee XFS, mudane Xildhibaan Mohamed Bare Mohamud ayaa lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Ciyaarta ayaa waxaa ka qeyb galay Laba koox oo isugu jirta Wariyayaal, Fannaaniin, Ganacsato, Siyaasiyiin iyo dhalinyarada caan ka ah baraha bulshada.

Qaar kamid ah ciyaartoydii kullanka ka qeybgalay oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa u hambalyeeyay Wasiir Maxamed Barre Maxamuud, iyagoo ugu baaqay in uu ka shaqeeyo Midnimada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiir/ Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa kamid ah Wasiirada cusub ee dhowaan uu magacaabay Raโ€™isul Wasaaraha XFS, mudane Xamse Cabdi Barre, isla markaana ay ansxiyeen Golaha Shacabka ee BFS, isagoo noqonaya Wasiirkii u horreeyay ee dhallinyaro ah oo loo magacaabo Wasaaradaan, waxaana laga rajeynayaa in heer sarre uu gaarsiiyo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee XFS oo muhiim u ah wasaaradaha dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...