Kullan ciyaareed kubadda cagta ah oo lagu soo dhoweynayay, looguna hambalyaynaayay wasiirka cusub ee dhallinyarada iyo ciyaaraha ee XFS oo lagu qabtay magaalada Istanbul

Date:

Kullan ciyaareed kubadda cagta ah oo lagu soo dhoweynaayay, looguna hambalyaynaayay wasiirka cusub ee dhallinyarada iyo ciyaaraha ee XFS, mudane Xildhibaan Mohamed Bare Mohamud ayaa lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Ciyaarta ayaa waxaa ka qeyb galay Laba koox oo isugu jirta Wariyayaal, Fannaaniin, Ganacsato, Siyaasiyiin iyo dhalinyarada caan ka ah baraha bulshada.

Qaar kamid ah ciyaartoydii kullanka ka qeybgalay oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa u hambalyeeyay Wasiir Maxamed Barre Maxamuud, iyagoo ugu baaqay in uu ka shaqeeyo Midnimada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiir/ Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa kamid ah Wasiirada cusub ee dhowaan uu magacaabay Ra’isul Wasaaraha XFS, mudane Xamse Cabdi Barre, isla markaana ay ansxiyeen Golaha Shacabka ee BFS, isagoo noqonaya Wasiirkii u horreeyay ee dhallinyaro ah oo loo magacaabo Wasaaradaan, waxaana laga rajeynayaa in heer sarre uu gaarsiiyo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee XFS oo muhiim u ah wasaaradaha dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO DAAH-FURAY MASHRUUCA DHALLINYARADA IYO NABADDA

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo...

Dood wadaag ku saabsan geedi socodka dimoqraadiyeynta iyo dagaalka khawaarijta oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirro, xildhibaano iyo ururada bulshada ayaa muqdisho uga qeybgalay...

‘Azerbaijan waa dal aan ka baran karno casharo horumar dhaqaale’ (WARBIXIN).

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay cutub...

Ra’isul wasaare ku-xigeenka 2-aad oo ka qeyb galay munaasabadda Bandhiga Geeddi-Socodka Tayeynta Baasaboorka Soomaaliga ah

Ra’isul wasaare ku-xigeenka 2-aad ee dalka Mudane Cabdisalaan Cabdi...