Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kaddib Booqasho Rasmi Oo Uu Ku Joogay Dalka Uganda

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku joogay muddo afar cisho ah dalka Uganda ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa dalka Uganda waxa uu kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni, waxa ayna labada Madaxweyne si wadajir ah u shir guddoomiyeen Madasha Iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Uganda oo ku saabsnayd fududeynta maalgashiga, kobcinta wax-soosaarka, xaqiijinta is-dhaafsiga ganacsiga iyo badeecadaha ee labada dowladdood.
Sidoo kale, wafdiga heer wasiirro ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku wehelinayey safarkan ayaa dhiggooda dalkaas la saxiixday heshiisyo lagu dhaqan-gelinayo go’aannadii ka soo baxay kulanka labada Madaxweyne iyo Madasha Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda, si loo dardargeliyo qorsheyaasha hortebinta u leh labada dal ee shaqo abuurka dhallinyarada, xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, warshadaha iyo hannaanka maaliyadeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga amniga labada dal iyo nabadda Gobol, si loogu guuleysto dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Ugaandha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiir Fiqi oo ka qeybgalay kulan loogu gogol-xaarayo Shir Madaxeedka EAC-SADC

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed...

Hantidhowraha Guud ee JFS oo kulan la yeeshay Hantidhowrka Masar 

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise...

Madaxweynaha JFS oo xoojiyey baaqa Golaha Wasiirrada ee Dagaalka ka dhanka ah Daacish

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...