Home Blog Page 624

Wariyaal ku dhaawacmay qarax ka dhacay Duleedka Magaalada Baladweyne

MUQDISHO-JUUN-27-6-2022-:Khaalid Maxamuud Cusmaan (Ilkacase) oo ah agaasimaha Idaacadda maamulka HirShabeelle ee Gobolka Hiiraan iyo Weriye Cabdikariin Shabeelow oo ka mid shaqaalaha Telefishinka HirShabeelle ayaa saakay lagu dhaawacay qarax miino oo ay la beegsatay argagixisada Al-Shabaab.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UGU HAMBALYEEYAY DOWLADDA IYO SHACABKA JABUUTI MUNAASABADDA XORNIMADA DALKAAS

Muqdisho, Juun 27, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u diray walaalkiis Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan sanad-guurada 45-aad ee xornimada dalkaas.

Xarunta gobolka Mudug ee galmudug oo dib u dayactir lagu sameeyey

Muqdisho-Juun-26-6-2022:Munaasabadan oo Daah fur u ahayd Dayactirka iyo Dib u hagaajinta Xarunta Maamulka Gobolka Mudug Ayaa waxaa ka qeybgalay xubnaha labada Golle dowladda Galmudug, Maamulka Gobolka, Kan Degmada Gaalkacyo, Saraakiisha laamaha amiga, iskuduwayaasha Wasaaradaha ee Gobolkaan, madaxda ururada Bulshada iyo qeybaha kale ee Bulshada.

Madaxweyne Ahmed madoobe oo gaaray Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaaladda Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo dhawaan golaha wasiirada maamulkaasi ay degmonimo u aqoonsadeen.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyay bulshada qeybaheeda kala duwan waxaana uu sheegay in uu la kulmi doono

Waxaan kala tashan doona dadka ku nool Degmada iyo deeganada hoos yimaada sidii ay usoo dooran lahayeen dadka maamulaya gaar ahaan golaha deegaanka. Waxaan fududeyn doona dhamaan adeegyada muhiimka u ah Degmada iyo deegaanada hoos yimaada.”

DAAWO:Guddoomiyaha golaha shacabka oo ubax dhigay taalada dhagaxtuur.

0
Muqdisho-26 JUNE 2022:Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa munaasabadda 26-juun awgeed ubax dhigay taalada dhagax-tuur, oo ka mid ah halgamayaashii Soomaaliyeed, waxaana uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo guddoomiyey shir looga hadlayay xaaladda amani ee gobolada Puntland.

Muqdisho-26 JUNE 2022:Taliyaha Ciidanka booliska Maamulka PL S/Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa maanta gudoomiyay shir looga hadlayay xaaladda amani ee gobolada Puntland.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, marti sharaf iyo qeybaha bulshada oo ka qeybgalay xuska 26 June oo Muqdisho lagu qabtay

MUQDISHO-JUUN-26-6-2022-:Munaasabad balaaran oo lagu weynayey 26 juun oo ah maalin ku weyn Ummada Soomaaliyeed waana taariikh ku xusan xiligii Gumeestaha Ingiriiska laga saaray gobolada Waqooyi  sidoo kalana ah markii ugu horeysay oo dhul Soomaaliyeed laga taago Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya 26/June/1960 ayaa xalay lagu qabtay xarunta gobolka Banadir ee fiisha gubeerno.

Puntland oo xariga ka jartay 200 oo guri iyo suuliyaashood oo loo dhisay barakacayaasha degmada magaalada Gaalkacyo,

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Gobaleedka Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa maanta xariga ka jaray 200 oo guri iyo suuliyaashood oo loo dhisay barakacayaasha degan magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo laga dhisay Deegaanka Jeexdin ee Degmada Gaalkacyo.

Guryahaan waxaa loo dhisay dadka barakacayaasha ah ee degan Degmada Gaalkacyo waxaana laga dhisay Deegaanka Jeexdin ee Degmada Gaalkacyo, waxaana maalgelisay hay’adda UNHCR.

Munaasabadda xariga jarka guryahaan oo ka dhacday Deegaanka Jeexdin ee Degmada Gaalkacyo waxaa ka soo qaybgalay ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo, Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo, Agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada ee Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Madaxa hay’adda UNHCR ee Soomaaliya, Madaxa UNHCR ee Puntland iyo Masuuliyiin ka socday hay’adda NRC.

Ugu damayntii dadkii loo dhisay guryahaan waxaa lagu wareejiyey furayaashii iyo sabraloogadii guryaha.

Sidoo kale markuu soo idlaaday xarig jarka masuuliyiinta uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa kormeer ku tagay goobaha adeegyada bulshada ee Deegaanka Jeexdin, sida iskuulka, ceelka biyaha iyo goobaha caafimaadka.

h

 

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KU BOGAADIYEY GOLAHA SHACABKA ANSIXINTA RA’IISUL WASAARAHA XUKUUMADDA

Muqdisho, Juun 25, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixinta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo 15-kii Bishan uu magacaabay Madaxweynuhu.

SAWIRRO:Golaha aqalka sare oo ansixiyay xubnaha guddiyada oo ka kooban sideed guddi.

MUQDISHO-JUUN-25-6-2022-:Golaha aqalka sare ee BJFS ayaa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana ay sameeyeen guddi hoosaadyada  golaha  aqalka sare.