Home Blog Page 624

Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kuwait

0

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Kuwait ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kuwait Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah. Kulanka intii uu socday ayaa looga hadlay xariirka labada dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Dhanka kale Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Kuwait Dr. Axmed Nasser Al-Mohammed Al-Sabah. Labada dhinac ayaana ka wadda hadlay iskaashiga iyo xariirka labada, iyagoo dib u eegis ku sameeyay horumaraddii ugu muhiimsanaa ee ka dhacay fagaarayaasha Gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Duqa Muqdisho oo kormeeray qaar kamid ah wadooyinka Caasimadda

0

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray qaar kamid ah wadooyinka Caasimadda gaar ah ahaan wadada Biyaasa-Liibaro iyo Wadada Jaziira ee degmada Wadajir oo ay dowlada hoose Xamar ka wado howla dib u habeyn ah kaas oo lagu xoojinaayo bilicda magaalada.

Kormeerkan waxaa duqa magaalada Muqdisho ku wehlinaaye guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyada gobolka Banaadir Mudane Cabdiqaadir Maxamuid Maxamed, iyadoo ujeedka kormeerkan uu ahaa mid uu Guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Cumar Filish ugu kuurgalayay sida ay u socdaan mashaariicda dib-udhiska ah iyo arrimaha nadaafada.

Guddiyada doorashada SEIT Galmudug iyo FEIT oo gaaray Gaalkacyo (Sawirro)

0

Wafdi isugu jira guddiyada doorashada ee heer dowlad goboleed (SEIT) ee Galmudug iyo kan heer federaal (FEIT) ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, oo ah deegaan doorashada labaad ee xubnaha golaha shacabka ka soo gelaya deegaanada Galmudug.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Galmudug Maxamed Daahir Guuleed ayaa hoggaaminayey wafdigaas, waxaana lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, halkaas oo warbaahinta ay kula hadleen.

Guddoomiye Maxamed Daahir Guuleed ayaa warbaahinta u sheegay in Gaalkacyo ay u tageen dardargelinta Doorashada iyo diyaarinta goobaha lagu qabanayo doorashada xildhibaanada ka imaanaya Galmudug.

Sidoo kale waxa uu sheegay inta ay joogaan Gaalkacyo inay la kulamayaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaaladaas.

Xubnaha SEIT ee Galmudug ku sugan waxaa ka mid ah Xoghayaha Guddiga Maxamed Qaasim, Maxamed Soomaali iyo Axmed Bukhaari.

Xubnaha ka socda Guddiga Doorashada heer Federaal ee Gaalkacyo gaaray waxaa ka mid ah Axmed Aadan Dagaal Safiina, Liibaan Axmed Xasan, iyo Cabdijibaar Cabdullaahi Faarax.

Dhawaan ayaa lagu wadaa inay dalka ka bilaabayo doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad, waxaana gabagabo mareysa doorashada golaha Aqalka Sare oo lix xubnood oo kaliya ay ka dhimantahay.

Madaxweynaha dowlad degaanka soomaalida oo la loo doortay

0

Madaxweyne Mustafe Cumar ayaa loo doortay inuu hoggaamiyo Deegaanka Somalida Jigjiga shanta sano ee soo socota.,Madaxweyne Mustafe ayaa seddexdii sano ee lasoo dhaafay Deegaanka Madaxweyne ka ahaa.

Madaxweynaha  ayaa cod aqlabiyad ah oo gacan-taag ah waxaa ugu codeeyay xubnaha Barlamaanka Deegaanka Somalida.,waxana sidokale madaxweyne kuxigeenka dowlad deegaanka somalida loo doortay Ibraahim Cusmaan Faarax

Afganistaan:Gabdhaha oo loo ogolaaday in ay ku laabtaan dugsiyada sare

0

Wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan ayaa sheegtay in gabdhaha loo oggolaan doono inay dhowaan dib ugu laabtaan waxbarashada dugsiyada sare ee dalkaasi.

Qari Saciid Khosty oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa Axaddii warbaahinta u sheegay  in sidoo kale la ogolaaday in macalimiinta dumarka ah ay iyaguna ku laaban doonaan shaqooyinkoodii macalinimo ee dhanka waxbarasho.

Afhayeenka ayaa tilmaamay  in waqtiga saxda ah ee la bilaabi doono waxbarashada jaamacadaha,dugsiyada sare iyo kuwa kale ay ku dhawaaqi doonto maamulka wasaaradda waxbarashada.

Sanadkii 1990 –ki ayeey aheyd markii, haweenka iyo gabdhaha si sharci ah looga horjoogsaday waxbarashada iyo in ay shaqeeyaan .

Dhanka kale,waxaa jira cadaadis caalami ah oo la doonayo in Taalibaan lagu saaro ogolaanshaha in macalimiinta dumarka ah iyo gabdhaha ay ku laabtaan dugsiyada iyo shaqooyinka kale.

Hindiya: 24 ruux oo ku dhintay daadad ku dhuftay gobolka Kerala

0

Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhimatay fatahaado ku dhuftay koonfurta Dalka Hindiya, kadib markii roobab mahiigaan ah ay sababeen in wabiyadu ay buux -dhaafaan, isla markaana ay kala jaraan isu socodkii magaalooyin iyo tuulooyin dhowr ah.

Shan carruur ah ayaa ka mid ah dadka dhintay, waxaa jirta cabsi laga qabo in tirada dhimashada ay intaas ka sii badato maadaama  la’yahay. dad badan.

Dad badan ayaa ku xayiran  degmooyinka Kottayam iyo Idukki  ee gobolka Kerala,waxaana jira Dhowr guri oo ay la tageen daadadka.

Ciidamada Mileteriga Hindiya oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa wada howlgal lagu daadgureynayo dadka,waxaana la sameeyay boqol xero oo kuwa gargaarka ah,sida uu sheegay madaxa Kerala Pinarayi Vijayan.

 

Sawirro: Laftgareen oo la kulmay culumo u dhalatay Turkiga oo safar ku joogta Baydhaba

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa kulan la qaatay Culimo ka socday Dowlada aan Walaalaha nahay ee Turkiya oo Maalmahan Magaalada Baydhabo ujoogay Wacyigelinta Bulshada, Tababarida Culimaa’udiinka iyo Taakulaynta Dadka Danta yar.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Culimada ka socotay Dowlada Turkiga uga Mahadceliyey Booqashada ay ugu imaadeen iyo Dadaalkooda ku aadan sidii ay kaalin uga geysan lahayeen bulshada laga soo musaafuriyey Magaalada Laascanood ee Gobolka Sool.

“waan idinkaga mahadcelinayaa booqashada aad iigu imaateen caawa, shaqo wanaagsan ayaad qabateen wacyi-gelinta bulshada iyo taakulaynta dadka laga soo musaafuriyey magaalada laascanood waa shaqo mudan inaan idinkaga mahadcelino,dowlada iyo shacabka turkiga marwaliba qalbiyadeena waad ku weyntihiin waadna mahadsantihiin garab istaaga walaalihiina soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Hadiyad Kitaab Quraan ah ka Gudoomay Culi’mada ka socotay Dowlada Turkiga.

Wasaaradda  Maaliyadda Hir-Shabeelle oo dbowr Hay’adood Shaqa joojin ku sameeysay 

0
Wasiirka Wasaaradda  Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlad Giboleedka Hir-Sabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa shaqo joojin ku sameeyay 12 hay’adood oo ka howlgalla degaannada Maamulkaas.

Qoraal kasoo baxay Wasiirka Maaliyadda Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in hay’adahaas ay dhowr jeer la xiriireen balse ay ka waayeen wax jawaab ah.

Wasiirka ayaa faray Hay’addaha hoos ku qoray inay yimaadaan ama lasoo xiriiraan Wasaaradda Maaliyadda.

Kulan looga hadlayay kaalinta dhallinyarada Ku leeyihiin Amniga oo Muqdisho kadhacay

0

Kulanka ayaa Waxaa looga hadlayay kaalinta ay dhallinyarada Ku leeyihiin Amniga Iyo Doorashooyinka waxaana soo qaban qaabiyay Hay,adaha SWDC, SAFEWORLD iyo Ururka Dhallinyada Gobolka Banaadir waxaan ka soo qaybgalay  Dhallinyaro ka kala socotay dhamaan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Ururka Dhallinyada Gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan iyo Agaasimaha Hay,adda Hurumarinka Haweenka SWDC Sahro Maxamed Axmed ayaa sheegay in dhallinyadu ay qaataan kaalintooda ku aadan Doorashooyinka iyo Amniga.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere Cali yare ayaa kula dardaarmay Dhallinyada in ka fogaadaan Qabyaalada ayna ka faa’ideystaan fursadaha ay heystaan maadaama bulshadeenu ay tahay 75% dhallinyaro.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga  Cabdifitaax Qaasim ayaa u sheegay ka qaybgalayaasha in ay  jirto fursad ay maanta Dhalliyadu ku soo  saari karaan xubnihii  ku meteli lahaa Siyaasadda.

Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay go’aankii kiiska badeena ee ICJ

0
Shirka Baarlamaanka ee Jaamacadda Carabta war Murtiyeed kasoo baxay ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay go’aankii kasoo baxay Maxkamadda Caddaaladda ee ICJ, kaas oo Soomaaliya loogu xukumay dhul-badeedkii ay Kenya ku muransanaayeen sanado badan intiisa badnaa.

Sidoo kale War Murtiyeedka Jaamacadda Carabta ayaa lagu xusay si guud amniga dalka Soomaaliya iyo Arrimaha Doorashooyinka.

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa si cad ugu sheegay qoraalkooda iney garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaannada ka qeyb galay Shirka Jaamacada Carabta oo ka hadlay shirka ayaa tilmaamay in shirka diirada lagu saaray dagaalka ay dowladda kula jirto Ururka Al-Shabaab si guud ahaan dalka ay ula wareegtay.

Shirka Baarlamaanka dalalka Jaamacadda ayaa ah mid sanadla ah kaas oo ay ugu arrinsadaan xaaladaha taagan iyo kuwa kusoo kordha Dalalka Carabta, iyadoo ay dood ka yeeshaan sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka kajira wadamada Carbeed.