Home Blog Page 617

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo caawa ka dhacay Magalaada Kismaayo.

0

Taliye kuxigeenkii Gutada 11 qaybta 43 xaad ee cidanka xoogga dalka ismaaciil sheikh isaaq ayaa u geriyooday dhawac ka soo gaaray Qarax miino oo gurigiisa ay ku xireen Argagixisada Al Shabaab waxaana lageeriyoday labo Gabdhood oo uu Awoowe u ahaa.

Waxaa sidoo kale Qaraxa uu dhaawac ka soo gaaray 3 qof oo hadda xaladooda cafimaad lagula tacaalayo isbitaalka wayn ee magalada kismaayo.

Ciidamada amaanka ayaa baritaano ka wado aaga uu qaraxa uu ka dhacay ee xafada Guul wade magalada Kismaayo ee gobolka jubbada hoose.

Booliska Soomaaliya ayaa sheeciyay in la kordhiyay waqtiga uu dhaqangalayo Bandoowga.

0

Booliska Soomaaliya ayaa sheeciyay in la kordhiyay waqtiga uu dhaqangalayo Bandoowga, dadweynuhuna ay adeegan karaan Caawa illaa 1:00Am.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Xijaar oo lahadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA ayaa sheegay in iyadoo loo damqanayo Bulshada la kordhiyay saacadda si howlahooda muhiimka ah u dhameysaan.

Sidoo kale taliyaha wuxuu xusay in aan la celin doonin Xildhibaanada heysta ID card Baarlamaanka Soomaaliya iyo dadka xaaladaha Caafimaad ee dagdagga ah u baahan kadib marka ay hubiyaan Ciidamada amniga.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa ku boorriyay qeybaha bulshada in ciidamada amnigu ay ku gacansiiyaan gudashada wajibaadka qaran ee loo Admaday.

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo muqdisho kawada kulamo looga hadlaayo doorashada dalka.

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Magaalada Muqdisho ka wado kulamada uu la qaadanayo Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya .

Madaxweynaha KGS ayaa Caawa qaabilay Musharax Madaxweyne Mudane Saciid Cabdulaahi Dani iyo masuuliyin kale.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay Xaalada guud ee Dalka iyo Arimaha Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Qof shacab ah oo caawa lagu dilay Magalaada Baladweyn ee gobolka Hiiraan.

0

Maleeshiyaad katirsan Argagixisada Al-Shabaab Ayaa caawa xaafadda Xaawo Taako ee Magaalada Baledweyne ee caasimada gobolka Hiiraan waxaa ay ku dileen Nin lagu magacaabo Cabdirashiid Muxumed oo la sheegay in uu ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaanadii dhawaan lagu doortay Baladweyne.

Kooxda weerarkaan fulisay oo ku hubeesnaa Bastoolado ayaa goobta iskaga baxsaday dilka kadib ,waxaana socda baritaano Arxan laa wayaashaan lagu baadi goobayo oo ay wadaan ciidamada Amniga.

DEG-DEG:Saaxiibada beesha caalamka oo baaq u diray baarlamaanka Soomaaliya .

0

Muqdisho, 14 Maajo 2022 – Iyadoo la joogo habeenka ka horreeya doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa, Saaxiibada Beesha Caalamku waxay ugu baaqayaan dhammaan xubnaha Baarlamaanka inay waajibaadkooda dastuuriga ah u gutaan si ay ku jirto danta dalka.

Waxaan ku boorinaynaa Xildhibaanada inay ku codeeyaan damiirkooda iyagoo dooranaya musharaxa ay rumeysan yihiin inuu la imanayo siyaasadda iyo tayada hogaamineed ee lagu hormarinayo nabad, xasillooni, barwaaqo, iyo dowladnimo suuban sanadaha soo socda.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

DEG DEG : Dahir Geele oo tartantka doorashada Ka haray .

0

Qoraal gowrdhaw ka soo baxay mudane Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa si rasmi ah u shaaciyay in uu iska haray tartanka xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

SHAACIN KA HARITAANKA TARTANKA DOORASHADA MADAXWEYNAHA 10-AAD EE JFS.

Waxaan marka hore u mahadnaqayaa Alle, marka xigana kooxda iyo taageerayaasha olohayga murashaxnimo.

Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aan ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xelli doorasheedkan, aniga oo sii wadi doona dadaallada aan ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya.

Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa mudanayaasha baarlamaanka ee sida dhaw ii garab istaagay muddadii aan ololaha ku jirnay.

Waxaan xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee JFS ku boorrinayaa uguna ducaynayaa in ay dalka u dooraan hoggaan wanaagsan oo astaan u noqon kara isbaddalka loo

Qofkii badali lahaa madaxweynaha geeriyooday ee Sheikh Khalifa oo la magacaabay.

0

Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan oo muddo soo ahaa dhaxal-sugaha Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa Sabtida maanta ah loo doortay in uu noqdo madaxweynaha dalkaasi, sida ay warisay wakaaladda wararka ee dowladda, waxaana xilkan loo dhiibay maalin ka dib markii uu dhintay madaxweynihii dalkaasi Sheikh Khalifa.

Wakaaladda wararka ee WAM ayaa warisay in Sheikh Mohamed ay doorteen Golaha Sare ee Federaalka, waxaana uu noqon doonaa hoggaamiyaha dalkan hodanka ku ah saliidda ee sanadkii 1971-kii uu aabihiis aas-aasay.

Sheikh Mohamed, oo ku magac dheer ‘MBZ’ ayaa la kulmay xubnaha Golaha Sare ee Federaalka oo ka kooban madaxda toddobada imaaradood ee dalkaasi, xilli uu dalkaasi galay baroordiiq loo sameynayo walaalkii ay isku aabaha yihiin ee Sheikh Khalifa.

Magacaabistiisa oo ahayd mid si weyn loo filayay ayaa rasmi ka dhigeysa in uu hoggaamiyo dalkan saxaraha ah ee ay ku nool yihiin toban milyan oo qof, ka dib sanado badan oo uu talinayay sababo la xiriiraa xaalad caafimaad darro uu haysay madaxweynaha geeriyooday ee Sheikh Khalifa.

 

Guddoonka BFS oo faray sarakisha booliska iyo howlgalka ATMIS in ay iska kaashadaan in doorashada ay ku dhacdo si nabad ah.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa waxay maanta kulan ku saabsan amniga doorashada la yeesheen gudigga qabanqaabada doorashada madaxweynaha JFS,Laamaha amniga dalka  iyo sarkiisha sare ee howlgalka ATMIS.

Kulankaan waxaa qeyb ka ahaa ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee (sector1) Maj. Gen William Shume, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil sare oo ka tirsan howlgalka ATMIS iyo Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya  ayaa saraakiisha faray in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen in doorashada ay ku dhacdo si nabad ah oo xasiloon.

Shirkaan ayaa yimid iyadoo bandow caawa dhaqan galaya booliska soomaaliya ku soo rogeen magaalada muqdisho si loo adkeeyo amaanka doorashada berri ee ka dhaceysa tendhada afisyooni.

 

Mohamedkafi Abukar Bio

Director General, Somali National Television (SNTV)

Mohamedkafi Abukar is the Director General of Somali National Television (SNTV) and the former Director of Radio Muqdisho – The Voice of the Republic of Somalia. With more than 15 years of experience in Somalia’s evolving media sector, he is widely recognized as a leading figure in national broadcasting and a passionate advocate for independent, responsible, and public-interest journalism.

Throughout his distinguished career, Mohamedkafi has played a central role in transforming Somalia’s public media institutions. His leadership has been instrumental in advancing the professionalization, modernization, and digital transition of Somali media, ensuring that journalism serves as a bridge between citizens and the state.

Under his direction, SNTV has strengthened its editorial standards, expanded nationwide coverage, and enhanced its role as a trusted source of information, education, and inspiration for the Somali public.

In recognition of his exceptional service, Mohamedkafi received the Somalia Media Award in 2013, a prestigious honor supported by the United Nations, acknowledging his outstanding contributions to the media industry and his efforts to promote ethical and development-oriented journalism.

Driven by integrity, innovation, and public service, Mohamedkafi continues to mentor emerging journalists and champion initiatives that foster transparency, accountability, and nation-building through media.

Contact Information:
📧 director.sntv@moi.gov.so
📧 mohamedkafi@moi.gov.so

Boqortooyada Sacuudiga oo dib u furtay safaaradeedii Soomaaliya

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in Jimcihii maanta dib loo furay Safaaradda Boqortooyada Sacuudiga ee Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ay ka mahadcelineyso dadaalka dowladda Soomaaliya ee fududeynta dib u furista safaaradda Boqortooyada Sacuudiga ee Muqdisho ‘taas oo xaqiijinaysa xiriirka qotada dheer ee labada dal.’

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxay sheegtay inay rajaynayso inuu sii xoogeysto iskaashiga Sucuudiga iyo Soomaaliya, si labada dal iyo dadkoodu ay u gaaraan kobac iyo barwaaqo badan.