Home Blog Page 617

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre oo gaaray magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tuniisiya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa xalay si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tuniisiya.

Shirka Istiraatiijiyadda Isbadalka Cimilada ee Urur Goboleedka IGAD Oo ka furmay Mombasa Kenya

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada DFS, ayaa ka qayb galay shirka hadlayo Istiraatajiyadda Isbeddelka Cimilada ee Urur Goboleedka IGAD shirkaas oo lagu soo gunaanaday Magaalada Mombasa-Kenya 26.08.2022.

Shirka oo ay ka qaybgaleen hey’ada kala gadisan oo ka socda Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa lagu meel mariyay Istiraatiyadda Isbeddelka Cimilada ee Wadamada IGAD.
Agaasimaha Guud oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay ayaa iftiimiyay saamaynta isbeddelka Cimiladu ay ku yeelatay guud ahaan gobolka iyo gaar ahaan Soomaaliya.

Isbeddelka cimiladu waxa ay si ba’an u saamaysay dadka ku nool gobolka IGAD, waxayna khatar ku tahay hab-nololeedyada bulshada gobolka oo dhan.

Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in ay wadamada gobolku yeeshaan wadashaqeyn dhow oo wax looga qabanayo caqabadaha baaxadda leh ee ka dhasha cimilada isbadalaysa.

Istaraatiijiyada Isbeddelka Cimilada ee IGAD iyo Qorshe Hawleedka ku lifaaqan waa istaraatijiyad lagama maarmaan ah oo gacan ka gaysan doonta dadaalka ay dalalka gobalku ugu jiraan wax ka qabashada saamaynta isbaddelka cimilada.

Istaraatajiyaddu waxa ay xooga saaraysaa la-qabsiga isbaddelka cimilada iyadoo mudnaan gaar ah siinaysa 11 waaxood oo ay ka mid yihiin Beeraha, Xoolaha, Biyaha, Kheyraadka Badda, Dhirta iyo Noolaha kala duwan iyo Kaabayaasha dhaqaale. Waaxyahaasi waxa ay muhiim u yihiin dhaqaalaha gobolka iyo kan dalkeena Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ay qayb firfircoon ka qaadaynaysaa sidii loo dhaqan galin lahaa Istaraatajiyadaas waddamada IGAD ay ansixiyeen. Sidoo kale Soomaaliya waxa ay dejin doontaa Istaraatajiyad gaar u ah dalkeena taas oo ku salaysan Istaraatajiyadda guud ee gobolka.

Safiirka ay JFS u magacawday dalka Hindiya oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga.

0

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane, Ahmed Ali Dahir ayaa gudbiyay warqadaha aqoonsiga ee Danjirinimo, iyadoo munaasabadda looga guddoomayey warqadaha aqoonsiga danjirenimo ay ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee dalka Hindiya(Rashtrapati Bhavan).

Munaasabadaan oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa Safiirka ku wehlinayey diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda JFS ee dalka Hindiya oo uu ugu horreeyo sii hayihii Safaaradda ahna ku xigeenka Safiirka Mudane Abdifatah Abdullahi Nur iyo xubno kale oo ka tirsan Safaaradda.

Marka ay gaareen aqalka Madaxtooyada ee dalkaas Hindiya looga arrimiyo waxaa halkaasi ay ku mareen hannaanka habmaamuuska oo ay maraan Safiirada.
Intaasi kadib ayaa Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane Ahmed Ali Dahir waxaa uu kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Hindiya Marwo Droupadi Murmu.

Ugu horreyn waxaa uu Safiirku gudbiyey dhanbaalka dowaladda Soomaaliya ee ay u soo dirtay dowladda Hindiya.
Madaxwaynaha dalka Hindiya ayaa ugu horreyn dhanbaal hambalyo u dirtay Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumadda cusub sidoo kale waxay ka tacsiyeeysay weerarkii bahalnnimo ay dhawaan magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Xayaat ka sameeyeen kooxaha argagixisada ee alshabaab.

Ugu dambeyn Madaxwaynaha Hindiya Marwo Droupadi Murmu ayaa u sheegtay danjiraha in dowladda Hindiya ay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya ka caawiyaan abaaraha iyo cunto yarida ka jirta dalka Soomaaliya isla markaana ay garab taagan yihiin mar walba.

Labada masuul ayaa ugu dambeyn isku afgartay in ay xoojiyaan xiriirka qotada dheer ee Hindiya iyo Soomaaliya oo dhincyo badan khuseeya.

Dowladda iyo shacabka Soomaaliya ayaa xiriiro kala duwan la leh dalka iyo dadka reer Hindiya sida arrimaha caafiimaadka, waxbrashada iyo gancsiyada kala duwan oo ay labada dhinac kawada faa’iideystaan.

Ugu dambeyn munasabadda gudbinta aqoonsiga Safiirnimo ee dalka Hindiya ayaa ku soo idlaatay jawi daganaan ah.

RW Xamse Oo Booqday Xeryaha Barakacyada Baladweyn. (SAWIRO).

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre oo boooqanayay xero ay ku sugan yihiin boqolaal qof oo ka soo barakacay deegaannada abaartu saameysay ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay sidii gurmad deg deg ah loola gaari lahaa shacabka dhibaateysan.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabelle, Cali Guudlaawe ayaa ka dhageystay xubno ka mid ah qoysaska ku jira xerada xaaladda ay ku sugan yihiin.

Dawladaha Soomaaliya iyo Maraykanka oo ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriika Diplomaasiyadeed ee Labada Dal

0

Khamiis 24 August, 2022:- Ku simaha safiirka safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia ahna qunsulka safaaradda Ambassador Cali Maxamed Xuseen “Atam” ayaa xafiiskiisa Addis Ababa ku qaabilay safiirka dawladda Maraykanka ee Ethiopia Ambassador Jessica Lapenn.

Madaxweynaha Qaranka oo gaaray Puntland .

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaardhow gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Wafdiga Madaxweynaha jamhuuriyadda waxaa Garoonka diyaaradaha Jeneraal Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne ku xigeenka, mas’uuliyiinta ka tirsan goleyaasha dowlad-goboleedka Puntland iyo boqolaal ka mid ah bulshada magaalada Garoowe.

Safarka madaxweynaha ayaa daaran u kuur gelida xaaladda shacabka reer Puntland, isagoona inta uu ku suganyahay halkaas kulammo la qaadandoona maamulka iyo bulshada reer Puntland.

RW Hamse oo Lagu soo Dhaweeyay Baladweyn. (SAWIRO)

 

Safarkaan oo ah kii ugu horeeyay ee Ra’iisal wasaaraha XFS ku baxayo tan iyo markii xilka loo magacaabay ayaa ujeedkiisa waxaa uu yahay, sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah ee al Shabaab oo deeegaano badan oo gobolka Hiiraan laga xureeyay.

Waxaa sido kale Ra’iisal wasaaraha xoojin doona ka warqabka xaalada nololeed ee bulshada ku nool gobolka asi, oo ay aabaarta saameysay, ayada oo Xukuumada Danqaran ay xoogga saareyso sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ay saameeyeen.

Ra’iisal wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Baledweyne ayado Garoonka ay ku sugayeen Madaxda Dowlad goboleedka Hirshabeelle oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen’qeybaha kala duwan ee bulshada masuuliyiin ka tirsan Dowlada federaalka iyo saraakiil ciidan

 

Madaxweynaha Qaranka oo ka Qeyb Galay xiritaanka Shir-wadareedka Golaha Wasiirada.(SAWIRO).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Munaasabadda gunaanadka Kulan-Wadareedka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay shaqooyinka baaxadda leh ee shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan Xukuumadda iyo rajada ay ka qabaan in ay u horseeddo xasilloni, amni iyo horumar.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey Golaha Wasiirrada in ay si daacadnimo leh ugu adeegaan dalkooda, mudnaanta koowaadna siiyaan xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada caqabadda ku ah dowladnimada Soomaaliyeed.

“Masuuliyadda aad qaaddeen waa mid taariikhi ah oo horseedi karta samata-bixinta shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, taasna waxaan ku gaari karnaa in aan mideyno cududda iyo caqliga, una wada istaagno sidii aan dalka uga saari lahayn abaaraha, colaadaha iyo amni darrada”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Kuxigeenkiisa Mudane Saalax Axmed Jaamac dadaalka ay ku bixinayaan hirgelinta qorshaha dowladda ee Soomaali heshiis ah, Dunidana heshiis la ah, barnaamijkaas oo fulintiisu ay shacabka Soomaaliyeed u noqonayso naruuro ay ku diirsadaan.

Kulan-Wadareedka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu caawa soo xiray Madaxweynaha Jamhuuriyaddu, ayaa Golaha Xukuumaddu waxa ay ku lafa-gureen howllaha hortabinta u leh xukuumadda, hannaanka wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, adkeynta ku dhaqanka xeerarka dalka, dib u eegista Dastuurka, amniga iyo xasillinta dalka, caddaaladda iyo garsoorka, horumarinta Dhaqaalaha iyo bixinta adeegyada bulshada.

Qof rakaab ah oo ku dhex dhintay diyaarad Nairobi u socotay.

Qof Rakaab ah ayaa ku dhex dhintay diyaarad ay leedahay Kenya Airways oo ka soo kicitintay New York kuna socotay magaalada Nairobi.

Bayaan ka soo baxay shirkadda diyaaradaha Kenya Air Ways waxaa lagu sheegay qofka rakaabka ahi diyaaradda oo hawada ku jirta marki uu xanuunsaday in diyaaradda loo weeciyey magaalada Casablanca ee dalka Morocco.

Rakaabka ayaa diyaaradda laga soo dejiyey isaga oo meyd ah xilli la damacsanaa in isbitaal loola cararo.

Xirfadlayaasha caafimaadka ee garoonka heeganka ku ahaa waxay sheegeen inuu qofka Rakaabka ah uu meyd yahay oo mar hore uu geeriyooday.

Warbahinta maxalliga ee Kenya waxay sheegeen qofka geeriyooday inuu naqaska uu aad u dhibayey ka hor inta ay naftu ka bixin.

Qoyska qofka rakaabka ee geeriyoodayna waxay sheegeen iney haysatay xaalad caafimaad darro.