Qof rakaab ah oo ku dhex dhintay diyaarad Nairobi u socotay.

Date:

Qof Rakaab ah ayaa ku dhex dhintay diyaarad ay leedahay Kenya Airways oo ka soo kicitintay New York kuna socotay magaalada Nairobi.

Bayaan ka soo baxay shirkadda diyaaradaha Kenya Air Ways waxaa lagu sheegay qofka rakaabka ahi diyaaradda oo hawada ku jirta marki uu xanuunsaday in diyaaradda loo weeciyey magaalada Casablanca ee dalka Morocco.

Rakaabka ayaa diyaaradda laga soo dejiyey isaga oo meyd ah xilli la damacsanaa in isbitaal loola cararo.

Xirfadlayaasha caafimaadka ee garoonka heeganka ku ahaa waxay sheegeen inuu qofka Rakaabka ah uu meyd yahay oo mar hore uu geeriyooday.

Warbahinta maxalliga ee Kenya waxay sheegeen qofka geeriyooday inuu naqaska uu aad u dhibayey ka hor inta ay naftu ka bixin.

Qoyska qofka rakaabka ee geeriyoodayna waxay sheegeen iney haysatay xaalad caafimaad darro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...