Home Blog Page 616

Ciidanka Xoogga Dalka oo kooxda Al-shabaab kala wareegay deegaano hoostaga Degaanka Janaale

0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururada 83-aad iyo 84-aad, guutada 14-October ee Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS qeybtooda Janaale ayaa howlgalo culus oo Argagixisada Al-Shabaab looga  saarayo tuulooyinka Cabananey. Beeraha baay. Siigaale. Malable iyo Buulo aruundi oo dhamaantood hoostaga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ka sameyay.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan gaar ah kula yeeshay madasha shirka Tunis Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa kulan gaar ah kula yeeshay madasha shirka Tunis Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane, Abdoulkader Kamil Mohamed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah ee golaha shacabka

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan labadiisa kuxigeen iyo habdhowrka golaha shacabka ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah ee golaha,waxaana kulanka warbixin looga dhageystay xubnaha guddiga joogtada ah oo faah faahin ka bixiyay howlaha horyaala iyo shaqooyinka gudi walba.

Sidoo kale habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in guddiyada golaha ay shaqooyinkooda dar dar geliyaan si loo dejiyo ajendayaasha golaha hortabinta u leh.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ugu dambeyn guddiyada kula dardaarmay in ay dadaal badan muujiyaan si loo dejiyo shuruucda dalka ee golaha shacabka looga baahanyahay.

Ra’iisul xigeenka Dalka mudane Salah Jama oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda UK ee Soomaaliya

0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul xigeenka Dalka mudane Salah Jama, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda UK ee Soomaaliya Mrs Kate Foster.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeybgalaya madasha shirka caalamiga ee #TICAD8 waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Tunisia, Mudane Qays Saciid

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa waxa saaka madasha shirka caalamiga ee #TICAD8 ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Tunisia, Mudane Qays Saciid, oo martigelinaya shirka oo si rasmi ah maanta uga furmay caasimadda Tunis.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda Boqor Salmaan

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka  Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda Boqor Salmaan oo uu hogaaminayey Yuusuf Bakiit Raxma oo ah Madaxa Bariga Africa ee Hay’adda Boqor Salmaan oo Maanta Baydhabo  gaaray.

 

Madaxweyne Laftagareen oo qaabilaada ay ku wehlinayeen Wasiiro,Agaasimaha Madaxtooyada,Gudoomiyaha Degmada iyo Madax kale.

Kulankaan  ayaa looga Hadlay Arimaha Saamaynta Abaaraha iyo sidii Gargaar loo gaarsiin lahaa Bulshada Saamaysay Abaaraha ee ku nool Guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo maanta la kulmay wafdi uu Hogaaminayey Madaxa Howlgalka Soomaaliya ee Hay’adda Socdaalka Aduunka (IOM)

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa Maanta kulan la qaatay wafdi uu Hogaaminayey Madaxa Howlgalka Soomaaliya ee Hay’adda Socdaalka Aduunka (IOM) Mr. Frantz Celestin.

Maamulka Puntland oo Galmudug ku wareejiyey Deeq Raashin iyo Shidaal isugu jirta oo loogu talagalay in looga qayb qaato ladagaalanka Argagixisada Deegaanada ay ka haysato Galmudug

0

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali oo uu wehlinayo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Maxamed Waloore iyo Guddoomiye kuxigeenka Dagmada ayaa ku wareejiyey Maamulka Galmudug Deeq Raashin iyo Shidaal isugu jirta oo loogu talagalay in looga qayb qaato ladagaalanka Argagixisada Deegaanada ay ka haysato Galmudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Galmudug iyo ku xigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo Galmudug ayaa Deeqdan kala wareegay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Puntland Mudane Faysal Sheikh Cali.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa sheegay in ahmiyada 1aad ee hogaamintiisu siindoonto ladagaalanka Argagixisada Alshabaab, isagoona umada Soomaaliyeed ugu baaqay in laga hortago cidkasta oo aragta wax lidi ku ah amniga ama shaki dareentana inay laamaha Amniga la soo xiriiraan.

 

Saraakiil katirsan Ciidamada Qalabka sida oo gaaray degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud

0

Saraakiil katirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gaaray Degmada Baxdo ee gobolka galgaduud ee Galmudug si ay dadka deegaanka ugu dhiirigeliyaan dagaalka ay kula jiraan Maleeshiyaadka Argagixisada Alshabaab.

Ciidamada DANAB oo gobolka Jubbada Hoose ku dilay kuwa kalana ku dhaawacay dhagarqabayaal katirsan Argagixisada Al-shabaab

0

Ururka 5aad, Guutada 16 aad ee Kumaandooska Danab XDS iyo Ciidanka Nabadsugida Maamulka Jubbaland ayaa Hawlgalo Lagu baacsanayo Argagixisada ka sameeyey Deeganada Kaanjaroon, Yaaqxaluul, Beerxaani Iyo Mudulow oo ka wada Ka Tirsan Gobalka Jubbada Hoose.

Hawlgaladaan ayaa Intii ay Socdeen waxaa Lagu Khaarajiyay 3 Dhagarqabe ,Waxaana Lagu Dhaawacay 2 Kamid ah Argagixisada, Sidoo kale Ciidanku waxay Gurmad Caafimaad U fidiyeen Dad Shacab ah oo Argagixisada ay Miino ku waxyeeleeyeen, iyadoona Ciidanka Soo bixiyeen Miinooyin ay rabeen Dhagarqabayaashu in ay ku waxyeeleeyaan Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan deegaanadan Sida uu noo xaqiijiyey Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad kumaandooska Danab XDS Carab dheeg Axmed.

Dhinaca kale Ciidanka Waxay la kulmeen bulshada Ku Dhaqan deegaanadan, iyagoona kala hadlay sida shacabka uu uga qeyb qaadan karo dagaalka lagula jiro Argagixisada.