Home Blog Page 616

TOOS: DAAWO doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo goor dhaw bilaabanaysa

0

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku tartamayaan in ka badan 30-musharax.

Amniga Teendhada Afisyooni oo ay doorashada ka dhaceyso iyo guud ahaan magaalada ayaa la adkeeyay, waxaana gabi ahaanba la joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Halkan ka daawo doorashada

Xildhibaannada labada Aqal ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa codeyn doona, waxaana sidoo kale goobjoog ka noqon doona goobta doorashada korjoogto lagu casuumay oo isugu jira Soomaali iyo xubno ka socda Beesha caalamka.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxwaynaha Mudane Cabdiqani Geelle Maxamed ayaa farriin u diray Bulshada iyo daneeyayaasha Doorashada, wuxuuna ka codsaday dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee saameynayo bandowga in ay u dul-qaataan.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ugu hambalyeeyey dhallinyarada Soomaaliyeed Maalinta SYL ee 15 May

0
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta 15-Ka May oo ku beegan aas-aaskii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in looga baahanyahey Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ku deydaan halyeeyadii SYL ee dalka ka dulqaaday heeryadii gumeystaha shisheeye, dhexdana u xirtay dhismaha Qaranka Soomaaliyeed.
“Xuska 15-ka May ee sanad kan ayaa ku soo beegmay maalin muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo la dooranayo Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay u soo duceeyaan dalka, in Allah u dooro hoggaan wanaagsan.

MADAXWEYNE MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo taallada halgameyaashii SYL kaga qayb galay munaasabad lagu xusayey 79 guurada ka soo wareegtay aasaaska Ururka Dhallinyaradii SYL, aya taallada halgameyaasha dhigay ubax lagu maamuusayey doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee xorriyadda, midnimada iyo dowlad-dhiska dalkeenna.
Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabaddan qiimaha badan ee 15-ka May, isaga oo ku boorriyey in dhallinyaradu ay wax ka bartaan sooyaalkii halgan ee geesiyaashii SYL, sidoo kalena uu jiilba, jiilka ka dambeeya dhaxalsiiyo, maamuuskooda, taariikhdooda, halgankooda iyo dhaxalkii waddaniyadeed ee ay inooga tageen.
“Halyeeyadii SYL waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka dalkeenna iyo kan guud ee ummada Soomaaliyeed. Waxa ay ku sifaysnaayeen, midnimo, dhabar adayg, waddaniyad iyo ka fogaanta qabyaaladda, taas ayaana sabab u noqotay in ay xaqiijiyaan hiigsigii shacabka Soomaaliyeed ee ahaa in ay ka xoroobaan gumaystaha, noqdaanna dal madax bannaan oo karaamo iyo sharaf ku dhex leh dunida”
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Taallada Halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada dalka, isaga oo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dhiirrigeliyey in ay ilaashaadaan midnimada iyo wadajirkooda, oo ah mabaadi’dii saldhigga u ahaa aasaaskii SYL.
Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada SYL waxaa Madaxweynaha kala qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Agaasimaha Guuud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise.

Madaxweynaha Puntland Siciiid Deni oo hambalyeeyay 15 May 2022 oo ku beegan aas,aaskii ururka SYL

0

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciiid Cabdullaahi Deni ayaa hambalyeeyay 15 May 2022 oo ku beegan as’aaskii ururka gobannima-doonka Soomaaliyeed ee SYL kaas oo la aas-aasay sanadkii 1943di.

Qoraal uu soo saaray madaxweyne Siciid Deni ayuu ku sheegay in maanta laga bilaabo uu laba-jibbaarmayo maamuuska 15 May waayo? buu yiri “waxaa dalku sugaya isbedel Soomaaliya gaarsiiya meel ay istaahisho”

Musharrax Siciid Deni ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay dhalinyarada sannadkan kamid noqday labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

 

“Waxaan si gaar ah hambalyo ugu diraya Xildhibaanada dhallinyarada ah ee ku jira labada Aqal ee Baarlamaanka JFS. waxaa maanta hortaalla fursad taariikhi ah oo ay dalka ugu gudbin karaan Doorasho qof iyo cod ah”

Shil Sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay duleedka Magalaada Qardho .

0

Inta la xaqiijiyey Laba Dhalinyaro ah oo lagu kala Magacaabi jiray Axmed Maxamed Ciise iyo Axmed Cabdinuur (Jii) ayaa ku geeriyooday shilgaari oo saaka ka dhacay inta u dhaxaysa Magaalooyinka Qardho iyo Garoowe ee maamulka  Puntland.

Waa shilkii Saddexaad oo todobaad gudihiis ka dhaca degaannada Puntland, kaas oo geysta dhimasho iyo dhaawac.

Bilihii u danbeeyey shilalka ka dhaca deegaanada Puntland ayaa aad kordhay waxaana ay geystaan shilalkaan qasaaro badan.

Diyaaradihii imaan jiray garoonka Aadan Cade oo maanta hakad ku jira iyo sababta oo la shaaciyey.

0

Mareeyaha Garoonka Diyaradaha Muqdisho ayaa sheegay in hakad lagaliyey  dhamaan Dulimaadyada garoonka Diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho maanta oo axad ah kadib markii Booliska somaaliya bandow ku so rogeen magalaada Muqdisho.

Maareeye Cabdinasir Maxamuud Gureey ayaa xusay in tallaabadan loo qaaday Sabab la xiriirta Doorashada Madaxwaynaha oo maanta qabsoomaysa, garoonkuna uu xiranaan doono mudada lagu gudajiro howlaha doorashada.

Saraakiil katirsan ahlusunna oo xalay isku dhiibay ciidamada dowladda iyo kuwa galmudug.

0

Gudoomiyaha Degmadda Guriceel ee maamulka galmudug  Faarax Fataate ayaa Warbaahinta Radio Muqdisho u xaqiijiyay in Ciidamo ka tirsanaa Ahlusunna oo wata Gaadiid dagaal ay  xalay isku soo dhiibeen dhankooda.

Gudoomiyaha ayaa xusay in Saraakiisha Ciidamadan hoggaminayay ay kamid yihiin Cabdullahi Cabdi Raage, Abdul Rooble iyo xubno kale kuwaa oo watay 4 tikniko ah iyo Ciidamo gaaraya 60 Askari.

Masuuliyiinta Dowladda waxa ay sheegeen in wadahdal kadib laisku fahmay isa soo dhiibista Ciidamadda iyo Gaadiid dagaal ee ay wateen,taas oo keentay kadib markii kooxdaan lagu jabiyey weerer ay jimcihii ay ku soo qaadeen magaalada dhusamareb ee caasimada galmudug.

Ciidanka Ukraine oo weerar celis ka bilaabay goobaha qaarkood.

0

Ciidamada Ukraine ayaa Sabtidii shalay  bilaabay weerar celis, meel u dhow magaalada ay ciidanka Ruushku haystaan ee Izium ee Woqooyibari Ukraine, sida laga soo xigtay guddoomiye gobol. Ukraine ayaa doonayasa in Ruushka ay dib uga riixdo goobaha istaraatiijiga ah, ciidamadaas oo hareereeyey kuwa Ukraine ee aagga bari ee gobolka Donbas.

Ciidanka Ruushka ayaa culeyska saaraya gobolka Donbas, ka dib markii ay ku guul-darreysteen inay qabsadaan magaalada xarunta dalka ah ee Kyiv markii uu dagaalku bilowga ahaa. Hase yeeshee, Ukraine ayaa dib ula wareegtay goobo deegaankaas ku yaalla oo ay ku jirto magaalada labaad ee ugu weyn dalka ee Kharkiv.

Machadka Institutue for the Study of War oo ku yaalla magaalada Washington ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in Ukraine “ay u muuqato inay ku guuleysatay dagaalkii Kharkiv. Waxa machadku intaas ku daray in “ciidanka Ukraine ay ka horjoogsadeen in Ruushku uu Kharkiv hareereeyo iska daaye uu iyada la wareego, ka dibna uu ciidanaka Ukraine kuwa Ruushka ka eryey magaalada, si la mid ah sidii ay uga horjoogsadeen magaalada Kyiv.”

Dagaal qaraar ayaa sidoo kale ka dhacay wabiga Seiversky Donets oo u dhow magaalada Severodonestk. Guddoomiyaha gobolka eastern Luhansk, Serhiy, Gaidai ayaa sheegay in ciidamada Ukraine ayaa dib u celiyeen kuwa Ruushka ee isku dayey in ay wabiga ka soo gudbaan, magaaladana ay hareereeyaan. Hase yeehee, Oleh Zhdanov oo ah falanqeeye madaxbanaan ee arrimaha Ukraine ayaa sheegayin Ukraine ay ku guul-darreysatay in horjoogsato horumarkii uu Ruushku sameynayey.

Labadadhinac ayaa u muuqda in midkoodna aanu horumar weyn ka sameyneyn dagaalka hadda socda

Dad badan oo lagu dilay magaalada Buffalo ee Gobolka New York

0

Nin ku hubaysan qori ayaa Axada maanta ah xabbad ku furay dad ku jiray dukaan ku yaalla magaalada Buffalo, gobolka New York ee dalka Maraykanka. Ninka ayaa dilay ugu yaraan 10 qof, ka hor intii aan saldhigga loo xakayn, sida saraakiil ciidanka ka tirsani ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Associated Press.

Faahfaahinta tirada inta qof ee dukaankan oo lagu magacaabo Tops Friendly Market ku jirtay iyo xaaladda ay ku sugan yihiin ayaanan wali la haynin.

Dambi-baarayaasha ayaa aaminsan in ninka dilka geystay, laga yaabo, uu si toos ah weerarka u duubayey. Dambi-baarayaasha ayaa eegaya in qorshaha weerarkiisa uu baraha bulshada ku sii shaaciyey iyo in kale. Saraakiisha ayaa sheegay in baaristu ay marxaladihii u horeeyey ku jirto, ciidankuna aanu wali caddeyn karin wixii ninka weerarka ku riixay. Hase yeeshee, ay eegayaan in toogashadu ay dhinaca isirka la xiriirto.

Dukaanka ayaa ku yaalla xaafad ay dadka madowga ahi u badan yihiin, taas oo 5km ka fog faras magaalaha Buffalo. Goobaha ku wareegsan ayaa ah goobo la deggan yahay.

 

Doorashada xilka Madaxweynaha Somalia oo Maanta dhaceysa iyo Bandow xalay ka dhaqan galay Muqdisho.

0

Waxaa lagu wadaa in Saacadaha soo socda ee Maanta ah in Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho inay ka dhacdo doorashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku tartani doonaan musharrixiin dhowr ah.

Waxaa aad loo adkeeyay Amniga Guud ee Caasimadda, waxaana dhaqan galay Bandow ay kusoo rogeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyada oo Ciidamada dowladda ay hakiyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan oo ay kujirto Mooto Bajaajt

Xildhibaannada labada Aqal ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa codeyn doona, waxaana sidoo kale Goobjoog ka noqon doona Goobta doorashada korjoogto lagu casuumay oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, waxaana Musharrixiinta Maanta ku tartami doona xilka Madaxwrynaha Soomaaliya oo gaaraya 36 lagu xusin karaa

Madaxweynaha haatan talada dalka haya,labadii maadxweyne ee isaga ka horeysay sheikh shariif sheikh ahmed iyo Hasasn sheikh masharixiin kale,

Waxaa horay isku diiwaangeliyay oo tartanka ka haray musharrixiinta kala ahaa Daahir Maxamuud Geelle, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Cabdinaasir Cabdulle Maxamed.

Maanta aya lagu wadaa in la soo afmeero khilaaf iyo rabashado hareeyey dorashada dalka oo muddo so jiitamaysay.

Dhinaca kale musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha dalka  ayaa maanta wada qaban qabadii ugu danbeeysay doorashada.