Home Blog Page 618

RW Rooble oo madaxda DG ka codsaday in qabashada doorashada BF aysan la dhaafin bil

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu soo dhaweeyey iclaamintii doorashada 11 kursi oo laga soo dooranayo deegaanada Koonfur Galbeed, waxuuna Rooble tallaabadaas uga mahad celiyey Madaxweyne Lafta Gareen iyo guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa fariin u diray madaxda kale ee dowlad goboleedyada, isagoo sheegay inay hadii ay yihiin golaha wadatashiga qaran ay ku balameen in doorashada golaha shacabka lagu soo gabagabeeyo bil gudaheed, waxuuna ka dalbaday inay ilaaliyaan balantaas.

“Sida ay isku waafaqeen Golaha Wadatashiga Qaran kulankoodii ugu dambeeyay ee ay ku yeesheen aaladda fogaan arraga 11-kii Nofeembar, doorashada Golaha Shacabka waa in lagu soo gabgabeeyaa muddo bil ah oo ka bilaabaneysa 20ka November kuna eg 20ka December, sidaa awgeed Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ku boorrinayaa Dowlad Goboleedyada kale ee iyaguna ku jira diyaar garowga in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabaan si looga fogaado dib u dhac kale oo hor leh,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Rooble.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa lagu dalbaday in qabashada doorashadaan ay noqoto mid xiriirsan oo aan kala go’ laheyn, “sidii dhacday doorashadii Aqalka sare oo waqti dheer qaadatay.”

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay garab istaagaan Guddiyada Doorashooyinka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, si doorashadu ay u noqoto mid hufan,daah-furan oo xalaal ah,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalak ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa caawa iclaamiyey doorashada11-ka kursi ee ugu horreysa doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ka soo gelaya deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamulkii labaad ee iclaamiyey doorashada kuraas ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka, waxaana ka horeysay Galmudug oo iclaamisay doorashada shan kursi, halka guddiga doorashada kuraasta Somaliland uu qabtay doorashada labadii kursi ee ugu horeysay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad.

 

Guddiga Doorashada Galmudug oo shahaado guddonsiiyay xubno u tartamaya Aqalka Sare “SAWIRRO

0

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa maanta shahaadada diiwaangelinta xubnaha Aqalka Sare guddoonsiiyey musharaxiinta u tartameysa labada kursi ee ugu danbeysa doorashada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Maxamed Daahir Guuleed ayaa shahaadooyinka musharaxnimada guddoonsiiyey xubnaha kala ah xubnahaan oo kala ah Mudane Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Mudane Cawil Nuur Cali, Mudane  Cabdi Cusman Xareed iyo Mudane Mahad Aadan Guuleed..

Doorashada labadaan kursi ayaa la filayaa inay Dhuusamareeb ka dhacdo maalinta Sabtida ee soo socota oo taariikhdu ay ku beegan tahay 13-ka bishaan November 2021-ka, waxaana sidaas ku soo afjarmeysa doorashada xubnaha golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Marka ay soo gabo gabowda doorashada Golaha Aqalka Sare ayaa la filayaa in la guda galo doorashada kuraasta Golaha Shacabka.

Shirka  dib-u-eegista  Mashruuca Biyoole oo ka furmay Garoowe “SAWIRRO”

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa maanta magaalada Garowe ka furay shirka  dib-u-eegista  Mashruuca Biyoole, kaasoo intii sanad iyo bar ah ka socday Maamul Goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Koofur Galbeed, ayadoo wejigiisa labaad lagu soo dari doono Maamullada Jubbaland iyo Hirshabeelle.

Mashruucan oo looga golleeyahay horumarinta biyaha, adkaynta hay’adaha Dowladda iyo ujeeddooyin kale oo lagu kaabayo adeegga beeraha ayaa lagu wadaa in uu soo dhammaado Janaayo, 2023.  Shirka maanta ka furmay magaalada Garoowe ayaa diiradda lagu saari doonaa wixii mashruuca ka qabsoomay iyo dar-dargelinta hawlaha dhimman.

Mashruucan ayaa qayb ka ah fulinta ahmiyadaha ku cad “Hannaanka ka-kabsashada iyo u adkaysiga abaaraha (RRF)” kaas oo ay Dowladdu dejisay sanadkii 2018.

Waxaa asna kalmado soo dhawen ah goobta ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda  Qorsheynta Puntland, Cabdikhafar Xaange, oo bogaadiyey habsami u socda mashruuca iyo guulaha laga gaaray, sida dhismaha biyo qabatinno dhowr ah, dhismaha xarumo Wasaaradeed iyo isku xirka Hay’adaha Dowladda labada heer.

Kulankaan oo socon doona 4 cisho ayaa laga soo saari doonaa warmurtiyeed ku qotonta qodobada ka soo baxay shirka.

DFS oo Dubai uga qeyb galeysa shir looga hadlayo Shidaalka Afrika Sawirro

0

Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabka waxaa maanta ka furmay shirka Africa Oil Week 2021, kaas oo anadkaan ay marti gelisay dowladda Imaaraadka.

Mas’uuliyiin ka socota dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray Dubai si ay uga qeyb galaan shirkaas.

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Maxamed Xaashi Carabey iyo guddoomiye ku xigeenka hay’adda Batroolka Soomaaliyeed ayaa shirkaas ugu qeyb-galaya dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkaan ‘Africa Oil Week’ oo looga hadlo arrimaha shidaalka ee dalalka qaaradda Afrika ayaa sanadkaan waxaa marti gelisay dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta.

Shacabka Janaale oo loogu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalka lagu ciribtirayo Argagixisada

0

Taliye Ku-xiggeenka Ururka 84aad, guutada 14-ka Oktoobar ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Labo Xidigle Calli Mahdi Cabdi ayaa shacabka Janaale kula dardaarmay in kaalintooda ay ka qaataan dagaalka lagu Ciribtirayo argagixisada Kooxda Alshabaab.

Wuxuu si qoto dheer bulshada Janaale ugala hadlay muhiimadda ay leedahay in ay qeyb weyn ka qaataan sugida amniga deegaanka iyo dagaalka lagula jiro nabad-diidka Al-Shabaab.

Sidoo kale, Labo Xidigle, Cali Mahdi Cabdi ayaa shacabka deegaanka Janaale ee gobola Shabeellaha Hoose ku amaanay sida ciidamada xoogga ugala shaqeeyeen in laga hortago dhagarta ay Bulshada iyo ciidankaba u maleegaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka aya xaqiijiyay amniga deegaankaas oo hadda ka caagan falalka guracan ee nabad-diidka, waxayna dadka ku hoos nool yihiin harka nabada iyo Dowladnimada.

Argagixisada Al-Shabaab ayaa dhaqan xumada ay u geystaan shacabka ku waayay kalsoonida shacabka, taas oo keentay in xiriirka shacabka iyo argagixisada uu xumaado.

Heshiis ku saabsan hanaanka saami qeybsiga wax soo saarka dalka oo la ansixiyay

0

Guddiga wasaaradaha ee u xilsaaran kasoo talo bixinta iyo isla go’aaminta arrimaha kheyraadka ayaa si wadajir ah u ansixiyay heshiis ku saabsan hanaanka saami qeybsiga wax soo saarka dalka.

Wasiirka Badtoolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa tallaabo muhiim ah ku tilmaamay heshiiskan.

“Waa talaabo muhiim ah oo hubaashii  kaalin ka ciyaareysa dadaaladeena aan ku sahmineyno ugana faa’iideysaneyno kheeyraadkeena, si aan ugu faa’iideyno Qarankeena,” ayuu yiri wasiirka badroolka iyo macdanta XFS Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Soomaaliya ayaa hadda isu diyaarisay in ay ka faaa’iidaysato kheyraadkeeda dabiiciga oo noocyo kala duwan leh, waxayna Dowladda Federaalka ku howlan tahay in aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba la fahmo loona diyaar garoobo qaabka loo soo saarayo kheyraadka dalka.

 

Wasiirka Caddaladda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka Ergayga QM u qaalbilsan Soomaaliya

0

Wasiirka caddaladaa Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane  Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka ergayga gaar ah ee Qm u qaalbilsan arrimaha Soomaaliya, sidoo kalana ah isku duwaha arrimaha bini aadanimada Adam Abdelmoula.

Agaasimaha guud ee wasaarada Caddaaladda oo kulanka qayb ka ahaa ayaa wafdiga ka socday Qm uga warbixiyey howlaha Baaxada leh ee Wasaaradu u hayso Bulshada Soomaaliyeed

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay  dardargalin iyo horumarinta hay’adaha Caddaaladda iyo Garsoorka u qaalbilsan dalka iyo sii la isaga kaashan lahaa taageerada lagu tayeynaayo dhamaan Hey’adahan.

Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula, ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin sidii ay u sii wadi lahaayeen taageerada ay ku bixiyaan horumarinta Hey’adaha Caddaaladda iyo Garsoorka.

Wasiirka Caddaladda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa uga mahadceliyey Madaxda QM ee Soomaaliya sida ay u garab taagan yihiin Hey’adaha caddaaladda, isaga oo ka codsaday inay sii laba jibaaraan taageeradooda.

Madaxweynaha Puntland oo xarigga ka jaray Warshad sameysa mishiinka neefta “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarigga ka jaray Warshadda Oxygen-ta sameysa oo Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland ay ku soo kordhisay Isbitaalka guud ee magaalada Qardho.

Warshada Oxygen-ta sameysa ee la keenay Isbitaalka Qardho, ayaa wax badan ka tari doonta baahida dhinaca Oxygen-ta xiligan oo uu jiro xanuunka COVID-19, waxaana sidoo kale Dowladda u Qorsheysay inay Warshado oxygen geyso magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale kormeeray qaybta Hooyada iyo dhallaanka ee lagu soo kordhiyay Isbitaalka Qardho, waa xarun u gaar ah in ubadka ku dhasha wax kayar 9-bilood, lagu caawiyo Caafimaad ahaan illaa uu si caadiya ugu korayo.

Ugu danbeyn Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee ka socota Isbitaalka iyo dadaalka waxqabad ee Wasaaradda Caafimaadka, wuxuuna la wadaagay bulshada in Caafimaadku uu ka midyahay adeegyada muhimka ah ee bulshada loo hayo, Dowladuna ay muhiimad gaar ah siinayso in dadku helaan adeeg Caafimaad oo dhameystiran.

Iiraan oo sheegtay inay fashilisay Markab Mareykanku damacsanaa in uu afduubto

0

Iiraan ayaa maanta oo Arbaca ah sheegtay in ciidamadooda ay fashiliyeen isku day Maraykanka  uu ku  damacsanaa in uu ku qabsado Markab siday shixnad saliid ah oo Iiraan laga lahaa, kaas oo marayay badda Cumaan, sida uu sheegay Telefishinka ku hadla Afka Dawladda Iiraan.

Xukuumadda Tehraan ayaa sheegtay in iska horimaad uu dhexmaray Ilaalada Kacaanka iyo ciidamada Mareykanka ee damacsanaa in ay afduubtaan Markabkan saliidda siday.

Wakaalada Wararka ee Mehr ee taabacsan Kacaanka Iiraan ayaa sheegtay in iska hor imaad kooban uu dhex maray doonyo dheereeya oo ay wateen ilaalada Kacaanka Iiraan iyo Markab laga leeyahay Mareykanka oo markii dambe goobta ka tagay.

Iiraan ayaa sheegtay in dhawaan ay baahin doonaan cajalado muuqaal ah oo la duubay intii ay socotay iska horimaadka.

Majiro war arrinkan ku saabsan oo ka soo baxay Xukuumadda Washington, kaa  oo beeninaya warkan ay baahisay Warbaahinta Dowladda Iiraan.

Xayawaan caan kanoqday baraha bulshada

0

Waa Ey ku nool waddooyinka, oo lagu magacaabo Boji, kaas oo jecel inuu ku safro gaadiidka magaalada ugu weyn Turkiga.

Wuxuu raacaa basaska, tareenada dhulka hoostiisa mara iyo doomaha.

Qofna ma oga sida uu u bartay nidaamka ku safarka gaadiidka dadweynaha.
Laakiin darawal kaxeeya mid ka mid ah basaska korontada ku shaqeeya ayaa sheegay in ay yaqaaniin Boji, sidoo kalena in asluubtiisa iyo akhlaaqdiisa marka uu fuulayo iyo ka degaya baabuurkiisa ay tahay inuu tusaale u noqdo dhammaan rakaabka aadanaha.
Boji waxa uu si joogto ah u kasbaday quluubta dadka deggan Istanbul, isaga oo sidoo kale dad badan ka dhigayay in ay la yaaban yihiin sida uu ula qabsaday caadada safarkan oo kale.

Aylin Erol, oo u shaqeysa Metro Istanbul, ayaa sheegay ka dib markii ay arkeen sawirada Eyga oo lagu faafiyay baraha bulshada, ay go’aansadeen inay ku xiraan microchip si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqiisa saxda ah.

Iyaga oo yaaban, waxay ogaadeen in Boji uu soo maraa ugu yaraan 29 metro stations maalin kasta, wuxuuna gaari karaa masaafo dhan illaa 30km maalintii.
Magaalada Istanbul oo labadeeda goonyood ku kala taala xeebaha Yurub Aasiya,ayaa waxay leedahay nidaam gaadiidka doomaha oo aad u dhib badan, balse waa arrin u sahlan Boji in uu ku goosho.

Xitaa waxaa lagu arkay badda isagoo safar ku tagaya jasiiradaha Prince ee ku taala ee ku taala badda Marmara, taas oo duleedka ka ah xeebta Istanbul.

Caannimada sii kordheysa ee Boji waxaa ku lammaan Twitter magaciisa lagu sameeyay.

bogga @boji_ist waxaa ku xiran in ka badan 90,000 oo qof tan iyo markii ciwaankan la furey la Sebtembar.

“Wuxuu garanayaa meesha uu aadayo, wuu yaqaan meesha laga baxo,” ayay tiri Aylin Erol oo ah sarkaalad gaadiidka.

Boji ayaa la siiyay talaal si loo illaaliyo isaga iyo dadka kale ee ku xeeran.

Aalad kale oo birlab ah oo ku xiran app-ka mobaylka waxa uu u ogolaanayaa mas’uuliyiinta in ay la socdaan xaalkiisa caafimaad.

Shaqaalaha gaadiidku waxay hubiyaan inuu si fiican wax u cuno oo uu cabbo biyaha. Waxa kale oo si joogto ah baaris caafimaad ugu sameeya dhakhtarka xoolaha ee dawladda.

Qoraal iyo muuqaal lasoo dhigay ciwaanka magaca Boji lagu sameeyay ayaa muujinaya culeyskiisu yahay 42kg, isaga oo u eg in uu qiranayo in uu culeeskiisa kordhay.

Marka loo eego xogta raadaarka lagu xirey, habka gaadiidka ee uu jecel yahay Boji waa taraamka kab loo yaqaano, waa nooca gaadiid ee ku shaqeeya korontada ee basaska dhaadheer ah

Boji waa ereyga Turkiga ee “bogie”, waa qalab qaab dhismeedkiisa la geliyo taayirooyinka baabuurta si gaadhiga loo siiyo xasillooni dheeraad ah inta lagu jiro safarka.

Sida muuqata, waa sida uu magaciisa ku helay, shaqaalaha gaadiidku waxay bilaabeen inay ugu yeedhaan Boji, ka dib markii si joogto ah loogu arkay meel ka sarraysa qaybta bogie ee baabuurta.

Maadaama uu noqday weji la yaqaan, Boji hadda waxaa soo dhaweeya rakaab badan oo si tartiib ah u salaama, ama sawir selfie ah la gala.

Marka loo eego adeegyada caafimaadka xoolaha ee dawladda hoose ee Istanbul, magaaladu waxay hoy u tahay in ka badan 300,000 oo bisado iyo eeyo ah, laakiin dadka qaar ayaa aaminsan inay taasi tahay qiyaas hooseysa.

Xayawaankan ka duwan kuwa kale ayaa arrin hadalhayn leh ku noqday dadka deggan Istanbul.

Sagaashameeyadii, magaaladu waxay dirtay kooxo dabargoyn si ay wax uga qabtaan tirada sii kordhaysa ee bisadaha iyo eyda.

Laakiin walaac dadweyne ka dib, siyaasaddaas waa la joojiyey.

Hadda saraakiisha dawladda hoose waxay qabtaan xoolaha oo kaliya si ay u tallaalaan oo ay u daaweeyaan wixii dhibaato caafimaad ah.

Boji xaqiiqdii si fiican ayaa looga hadal hayaa Istanbul.

“Waxaad raacdaa tareenka, si lama filaan ah, waxaad arkeysaa Boji,” ayay tiri Aylin Erol.