Dawladaha Soomaaliya iyo Maraykanka oo ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriika Diplomaasiyadeed ee Labada Dal

Date:

Khamiis 24 August, 2022:- Ku simaha safiirka safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia ahna qunsulka safaaradda Ambassador Cali Maxamed Xuseen “Atam” ayaa xafiiskiisa Addis Ababa ku qaabilay safiirka dawladda Maraykanka ee Ethiopia Ambassador Jessica Lapenn.

Labada masuul ayaa is-fahan ka gaaray
arrimaha ay ka wada hadleen, waxaana Ambassador Atam uu u sheegay Ambassador Lapenn in Dawladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso xoojinta xiriirka kala dhexeeya dawladaha caalamka gaar ahaan dalalka jecel inay qayb ka noqdaan horumarka iyo kobcinta dawladnimada Soomaaliya oo ay kamid tahay Dawladda Maraykanku.

Ambassador Lapenn ayaa dhankeeda ka mahad celisay soo dhoweynta diirran ee hab-maamuuskeedu sarreeyo oo ay kala kulantay Diplomaasiyiinta Soomaaliyeed ee hormuudka u ah safaaradda JFS ee Ethiopia, iyadoo caddaysay in Dawladda Maraykanku ay dhankeeda diyaar u tahay kor u qaadista xiriirka labada dawladood.

Labada masuul waxaa kulankooda ku wehelinayey xoghayaha koowaad Cabdullaahi Cabdirsaaq iyo Uqaybsanaha ganacsiga Mustafe Mahdi ee safaaradda JFS ee Addis Ababa, sidoo kale waxaa kulanka ka qayb galay Uqaybsanaha Militariga safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa Lieutenant Colonel Lee Gray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...