Safiirka ay JFS u magacawday dalka Hindiya oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga.

Date:

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane, Ahmed Ali Dahir ayaa gudbiyay warqadaha aqoonsiga ee Danjirinimo, iyadoo munaasabadda looga guddoomayey warqadaha aqoonsiga danjirenimo ay ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee dalka Hindiya(Rashtrapati Bhavan).

Munaasabadaan oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa Safiirka ku wehlinayey diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda JFS ee dalka Hindiya oo uu ugu horreeyo sii hayihii Safaaradda ahna ku xigeenka Safiirka Mudane Abdifatah Abdullahi Nur iyo xubno kale oo ka tirsan Safaaradda.

Marka ay gaareen aqalka Madaxtooyada ee dalkaas Hindiya looga arrimiyo waxaa halkaasi ay ku mareen hannaanka habmaamuuska oo ay maraan Safiirada.
Intaasi kadib ayaa Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane Ahmed Ali Dahir waxaa uu kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Hindiya Marwo Droupadi Murmu.

Ugu horreyn waxaa uu Safiirku gudbiyey dhanbaalka dowaladda Soomaaliya ee ay u soo dirtay dowladda Hindiya.
Madaxwaynaha dalka Hindiya ayaa ugu horreyn dhanbaal hambalyo u dirtay Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumadda cusub sidoo kale waxay ka tacsiyeeysay weerarkii bahalnnimo ay dhawaan magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Xayaat ka sameeyeen kooxaha argagixisada ee alshabaab.

Ugu dambeyn Madaxwaynaha Hindiya Marwo Droupadi Murmu ayaa u sheegtay danjiraha in dowladda Hindiya ay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya ka caawiyaan abaaraha iyo cunto yarida ka jirta dalka Soomaaliya isla markaana ay garab taagan yihiin mar walba.

Labada masuul ayaa ugu dambeyn isku afgartay in ay xoojiyaan xiriirka qotada dheer ee Hindiya iyo Soomaaliya oo dhincyo badan khuseeya.

Dowladda iyo shacabka Soomaaliya ayaa xiriiro kala duwan la leh dalka iyo dadka reer Hindiya sida arrimaha caafiimaadka, waxbrashada iyo gancsiyada kala duwan oo ay labada dhinac kawada faa’iideystaan.

Ugu dambeyn munasabadda gudbinta aqoonsiga Safiirnimo ee dalka Hindiya ayaa ku soo idlaatay jawi daganaan ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO DAAH-FURAY MASHRUUCA DHALLINYARADA IYO NABADDA

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo...

Dood wadaag ku saabsan geedi socodka dimoqraadiyeynta iyo dagaalka khawaarijta oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirro, xildhibaano iyo ururada bulshada ayaa muqdisho uga qeybgalay...

‘Azerbaijan waa dal aan ka baran karno casharo horumar dhaqaale’ (WARBIXIN).

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay cutub...

Ra’isul wasaare ku-xigeenka 2-aad oo ka qeyb galay munaasabadda Bandhiga Geeddi-Socodka Tayeynta Baasaboorka Soomaaliga ah

Ra’isul wasaare ku-xigeenka 2-aad ee dalka Mudane Cabdisalaan Cabdi...