Home Blog Page 615

Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya oo maanta la kulmay taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka ee Africom ee Soomaaliya iyo saraakiil kale

0
Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya, mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Muqdisho kula kulmay taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka ee Africom ee Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya

0

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire K. Foster

Madaxweyne Xasan sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo goordhaw ka soo duulay garoowe

0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku joogay maalmihii danbe deeganada puntland ayaa maanta soo gabagabeeyey socdaalkiisa isaga oo goordhaw halkaas ka soo duulay isaga iyo wafdiigisa iyaga oo ku soo wajahan Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre oo kula kulmay magaalada Tunis Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika

0
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,Mudane Hamza Abdi Barre ayaa kula kulmay magaalada Tunis, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat.

Madaxweyne Xasan sheekh oo caawa kulan wadatashi ah la qaatay qaar ka mid ah Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Puntland

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe waxa uu kulan latashi kula qaatay qaar ka mid ah Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Puntland.

 

Madaxweynaha oo kulanka uu ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa Isimada iyo waxgaradka Puntland waxa uu ka dhageystay talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha Hirshabeelle oo booqday xafadaha Magaalada Beledweyne

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano iyo Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa maanta booqday xaafadaha kala duwan ee Magaalada Beledweyne.

{ SAWIRO} Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta kormeeray Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo xarumo kale

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladd Goboleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray maanta Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Dagaalka khaare badan dhaliyay oo ka dhacay Libya

Ugu yaraan saddex iyo labaatan qof ayaa ku dhintay tiro intaa ka badanna way ku dhaawacmeen ka dib markii dagaal uu dhex maray dhinacyada siyaasdda isku haya ee ku sugan caasimadda Liibiya ee Tripoli.

 

Safiirka Maraykanka ee Liibiya, Richard Norland, ayaa taageeray baaqyada Qaramada Midoobay ee ku aaddan xabbad-joojin degdeg ah, wuxuuna ka codsaday wadahadal ay fududayso Qaramada Midoobay oo dhex mara dhinacyada isku haya Libiya.

 

Mid ka mid ah xaafaadaha caasimadda Liibiya ee dagaalku ka dhacay waxaa degganaa tahriibayala Soomaaliya oo saqdhexe daryanka rasaasta ku kacay kadibna halkaa naftooda kala baxsaday kuwaa oo hadda dhibaatooyin ku haystaan aag ka baxsan magaalada, sida uu BBC-da u sheegay Mustafe Cabdi xaashi oo ka mid ahaa tahriibayaasha.

Wasiirka warfaafinta XFS Daa’uud Aways Jaamac oo khadka telefoonka kula hadlay Madaxa Qaranka ee Golaha Sare ee Warfaafinta Jamhuuriyadda Masar

0

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Daa’uud Aways Jaamac ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxa Qaranka ee Golaha Sare ee Warfaafinta Jamhuuriyadda Masar Karam Gabar.

Raisulwasaraha dalka iyo wasiirka arimaha dibada Japan oo ka wada hadlay iskaashiga Amniga & Ganacsiga labada dal

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xalay  waxa uu kulan doceed kula yeeshay magaalada Tunis ee uu ka socdo shirka caalamiga ee #TICAD8 – Wasiirka Arrimaha Dibedde ee Japan Yoshimasa Hayashi.

 

Labada masuul waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Japan.

 

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Japan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya.

 

 

Wasiir Hayashi ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka ganacsi, amni iyo siyaasadeed – isagoo intaa raaciyay inay gacan ka geysan doonaan barnaamijyada horumarineed ee wax loogu qabanayo shacabka.