Home Blog Page 615

Raisulwasaare Rooble oo u Hambalyeeyey Madaxweyne Hassan sheikh maxamuud.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Raisulwasaraha Dalka mudane Mohamed Hussein Rooble ayaa lagu yiri-Waxaan u hambalyeynayaa madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo uu maanta doortay BFS labadiisa aqal.

Madaxweyne Xasan waxaan Eebbe uga baryayaa in uu la garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.

Waxaan rajeynayaa in madaxweynaha la doortay uu dalka ku hoggaamiyo hannaan wax ka tara xaqiijinta amniga dalka, horumarinta dhaqaalaha, soo celinta kalsoonidii iyo xasilloonidii siyaasadeed ee dhaawacantay, kordhinta adeegyada bulshada, hagaajinta xiriirka dibadeed ee dalka, qabyo-tirka dastuurka, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo arrimaha kale ee hortebinta u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waa mahadsan yihiin xildhibaannada Soomaaliyeed oo maanta codkooda dalka uga saaray xaaladdii hubanti la’aanta ahayd.

Maanta oo ku astaysan 15-ka May, Maalinta dhallinyarada iyo gobonimo doonka Soomaaliyeed, waxaan guushan taariikhiga ah ugu hambalyeynayaa dhallinyarada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo aan ka codsanayo in ay garab iyo gaashaan u noqdaan madaxweynaha la doortay si uu ugu guuleysto waajibaadka waaweyn ee hor yaalla.

Soomaaliya ha noolaato.

Xildhibaanada BFS oo caawa Doortay Madaxweyne Hassan sheikh maxamuud.

0

Doorasho xiiso badneed oo caawa ka dhacday Teendhada afisyooni  saacado badana qaadatay Ayaa waxaa ku soo baxay loona doortay Madaxweynaha Jamuuriyadda federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh maxamuud Afarta Sano Ee soo socta kaas oo dalka xukumi doona.

Madaxweyne Hassan ayaa cod aqlabiyad leh uga guulaystay madaxweynaha haatan waqtiga ka dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmaajo, kaas oo sidaan oo kale isna xilka ugala wareegay sanadkii 2017dii.

Madaxweyne Hassan sheikh ayaa helay codad gaaraya 214 cod,halka madaxweyne hore Farmaajo uu helay isna 110 cod,Sadax cod ayaa halowday ,sida uu sheegay gudoomiyaha Golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya.

Hasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo u gudbay wareeg sadaxaad.

0

Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa wareega 3-aad u soo baxay laba musharrax oo kale ah.
1-Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 110
2-Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo helay 83

Tirinta codadka wareegga labaad ayaa bilaabatay

Waxaa hadda soo idlaaday wareegii labaad ee doorashada Madaxweynaha 10aad ee JFS, asiga oo codeeyay Xildhibaankii ugu dambeeyay oo ah Hassan Sheikh Mohamud oo ka mid ah 4 musharax ee ku baratameysa wareega labaad.

Tirinta codadka wareegga labaad ayaa bilaabatay.

Ciidamada xooga dalka oo maleeshiyaadka Argagixisada al-Shabaab ka xoreeyey deegaano katirsan Gobolka Hiiraan.

Ciidanka Kumaandooska ururka 8 Aad ee guutada 18 Aad GOR GOR ee XDS ayaa Howlgal lagu baacsanayo Nabadiidka Al-shabaab ka Fuliyey Tuulooyin Hoostaga degaanka Ceelgaal ee Gobolka Hiiraan  ee maamulka Hiirdhabelle.

 

Taliyaha Guutada 18Aad ee Ciidanka Kumaandooska Gor Gor XDS Gashaanle Bashiir Cabdullahi Cumar ayaa sheegay in Nabadiidka Al-shabaab laga saaray tuuloyin dhowr ah oo Hoostaga Gobolka Hiiraan kuwaas oo ay dadka shacabka ah ku dhibaateenayeen.

Ciidamada xooga dalka ayaa deeganadii ay tageen waxa ay kawadaan howlgalo ay ku baacsanayaan Argagixisada  al-Shabaab.

Musharixiinta u gudbay Wareeggii labaad ee doorashada  madaxweynaha dalka oo la shaaciyey.

Waaxaa soo gabagabowday wareeggii kobaad ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya waxaana wareegga labaad u gudbaya musharixiinta kala ah.

  • Maxamed abdullaahi farmaajo
  • Saciid Abdulahi dani
  • Hassan Ali kheire
  • Hassan sheikh Maxamuud
  • Aad ayaa loo adkeeyay amaanka , waxaana gabi ahaanba la joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka,dadkuna waxa ay dhagta ku hayaan Warbaahinta maqalka iyo mida muuqaalka.

 

 

wareeggii kobaad ee doorashada oo soo gabagaboobday iyo tirinta codadka oo socta.

Waxaa lasoo gabagabeeyey wareegga Koowaad ee doorashada madaxweynaha, kadib markii ay codeeyeen 328 mudane.

Waxaa goor dhow bilaabanaya tirinta codadka ay dhiibteen xildhibaannada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyaga oo u codeynaye 35 mudane.

Waxaa la tirin doonaa codadka, haddii ay dhacdo in musharrax uu keensado 219 cod isaga ayaa madaxweyne ah, haddii aaney taasi dhicinna waxaa loo gudbi doonaa wareegga Labaad ee doorashada.

Finland oo go’aansatay inay ku biirto NATO

Finland ayaa Axadda maanta ah xaqiijisay in ay dooneyso in ay xubin ka nqoto gaashaanbuurta ANTO, tani oo dib u habeyn ku sameyneysa dheelitirka awoodda ee Yurub kadib tobanaan sano oo aysan ku jirin isbahaysiyo militaryi.

Madaxweyne Sauli Niinisto ayaa isaga oo Helsinki ku sugan ugu yeeray tallaabadan mid taariikhi ah. “waa cusub ayaa baryay,” ayuu yiri kahor inta uusan u gudbin mooshinkaasi in uu baarlamaanku ansixiyo.

 

Tallaabada Finland, oo la filayo inay soo raacdo Sweden oo ay deris yihiin, ayaa ka careysiisay Kremlin-ka oo sheegay in aysan jirin sabab ay dalalka gobolka Nordic u cabsadaan, wuxuuna ballan qaaday jawaab.

Russia ayaa sahayda korontada ka jaratay Finland, oo ay wadaagaan xuduud dhan 1,300 kilometer taasi oo keentay in maamulayaasha dalkaasi ay weydiistaan Sweden taageero.

Dhawaaqa Finland ayaa yimid xilli ay sirdoonka reer galbeedku sheegeen in militariga Ruushka ay khasaare xooggan ka soo gaartay dagaalka Ukraine.

DEG DEG: Tartankii Doorashadii madaxweynaha Soomaaliya oo bilaabatay.

Waxaa gordhaw ka bilaabatay  Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho doorashadda xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku tartami doonaan ilaa dhowr musharrax kuwaas Oo gaaraya ilaa 39 musharax.

Ilaa 36 Musharrax ayaa u diiwaangashay inay ku tartaman doorashada Madaxweynaha, waxaana Maanta si weyn loo adkeeyay Amniga Magaalada Muqdisho, iyada oo hakad la geliyay isku socodka dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga intaba.

Dhamaan musharixiinta xilka madaxweynaha soomaaliya ayaa howlgalka ku sugan.

TOOS: DAAWO doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo bilaabatay.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku tartamayaan in ka badan 30-musharax.

Amniga Teendhada Afisyooni oo ay doorashada ka dhaceyso iyo guud ahaan magaalada ayaa la adkeeyay, waxaana gabi ahaanba la joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

HALKAN KA DAAWO DOORASHADA

Xildhibaannada labada Aqal ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa codeyn doona, waxaana sidoo kale goobjoog ka noqon doona goobta doorashada korjoogto lagu casuumay oo isugu jira Soomaali iyo xubno ka socda Beesha caalamka.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxwaynaha Mudane Cabdiqani Geelle Maxamed ayaa farriin u diray Bulshada iyo daneeyayaasha Doorashada, wuxuuna ka codsaday dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee saameynayo bandowga in ay u dul-qaataan.