Wasiirka Maaliyadda XFS oo maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya

Date:

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire K. Foster

Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda UK waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Mudane Saleemaan Sheekh Cumar

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka dhaqaalaha labada dal iyo taageerada dedaalada dib u habeynta maaliyadda ee ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda ayaa yiri  “Saaka waxa aan shir muhiim ah la yeeshay Safiirka UK ee Soomaaliya K. Foster iyo madaxda kale ee Safaaradda, waxa aan ka wada hadalnay dadaalada Wasaaradda Maaliyadda ee dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta ku shaqeynta hannaanka dowlad-wanaaga iyo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.”

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Dowladda UK  ay door muuqda oo muhiim ah ku leedahay barnaamijyada horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada dowladda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid...

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...