Home Blog Page 614

Argagixisada Oo Dhibaato u Geystay Ceelal Biyoodyo Aay adeegsanjireen Xoola dhaqato.

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in kooxda Argagixisadda ah ee Al-shabaab ka geystay Weeraro dhuumaalaysi ah iyadoo bartilmaameedsanaya Ateenooyinka shirkadaha isgaarsiinta,Baraagaha Biyaha iyo Ceel-biyoodyadda Xoolla dhaqatada uga cabaan Xoolluhu.

Wakiilka Warbaahinta Qaranka jeylaani xasan Cismaan ayaa sheegay in ay Maleeshiyadka Al-shabaab burburiyeen xarumo isgaarsiineed,ceelal biyoodyo iyo baraago ku yaalay deegaannada kala ah Cadakibir,Qaayib iyo Maarsamage oo hoos-taga Degmadda Baxdo.

Wararka ayaa sheegay in kooxdaasi ay isaga baxsadeen deegamaadi ay weerareen,waxaana maqan isgarsiinta degmada Baxdo iyo degaamada hoostaga .

Kooxda Al-shabaab ayaa caadeysatay in ay burburiyaan xarumaha muhiimka ah ee laga fuliyo adeegyada bulshada.

Weerarkan Bahalnimada ayaa muujinaya Sida argagixisaddu ugu heelan tahay in ay dabar jarto Bulshadda Deegaamadaas ku nool maadama wakhti lagu jiro xili abaareed ay bilowda duminta Ceelasha biyaha iyo kaabayaasha Nolosha Bulshadda.

Madaxweynaha Qaranka oo Magacaabay laba Ergay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya muhiimadda ay leedahay horumarinta nolasha shacabka Soomaaliyeed, kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga Khayraadka dalka ayaa magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Ganacsiga Heer Caalami iyo Maalgashiga Mudane Khadar Cabdirixmaan Maxamed iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska Mudane Axmed Cali Yuusuf.

Madaxweynaha oo Labadan Mudane ku soo xulay aqoontooda iyo waayo-aragnimada shaqo ayaa ku adkeeyey in ay door wanaagsan ka qaataan qorshaha dowladdu ee Soomaali isku filan dhaqaale ahaan, kana gudubta saboolnimada iyo abaaraha oo ka mid ah caqabadaha curyaamiyey dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga rajeeyey Ergeyga Gaarka ah ee Gannacsiga Heer Caalami iyo Maalgashiga Mudane Khadar Cabdirixmaan Maxamed iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska Mudane Axmed Cali Yuusuf in uu u fududeeyo shaqada Qaran ee hortaalla.

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay; Talaada, 31-ka bishan Ogoosto, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

 

Madax ka Socda WFP oo Gaaray Galkacyo (Sawiro).

Saraakiil ka socatay hay’addaha QM oo maanta Gaaray magaalada Galkacyo ayaa kulan xog wareysi ah kula qaatay xarunta maamulka dowlada hoose ee dagmada Galkacyo Masuuliyiin ka tirsan Galmudug isla markaana ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Gobalka Mudug Axmed Xuseen Shire Bukhaari Duqa Dagmada Galkacyo Cabdiraxmaan sheekh xasan jimcaale iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada gargaarka DG Galmudug Cumar Xasan

Kulanka oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Gobalka mudug Axmed Bukhaari ayaa masuuliyiinta Galmudug uga warbixiyeen xaalada Qoysaska danyartaa ee ku sugan guud ahaan Gobalka mudug gaar ahaana kuwa ku jira xeryaha barakacaayaasha ee ku yaala Galkacyo waxaana ay sheegeen in Sida ugu haboon loo gaarsiiyo deeqaha uga yimaada Hay’adda WFP sidoo kalana NGO_ga uga masuulka ah hay’addaasi gaarsiinta deeqda ay ku amaanayaan gudashada waajibaadka ka saaran in ay gaarsiiyaan deeqaha loogu soo dhiibo dadka xiligaan ku tabaaleysan guud ahaan deegaanada Gobalka mudug

Kulanka ka dib ayaa waxaa saraakiishii ka socatay QM gaar ahaan Hay’adda WFP oo ay wehliyeen duqa dagmada iyo agaasimaha guud ee wasaarada gar gaarka DG Galmudug waxa ay si wadajir ah u kormeereen Qaar ka mida xarumaha caafimaadka ee loogu talagalay daaweynta hooyada iyo dhalaanka Dugsiga hoose dhaxe iyo sare ee Mustaqbal ee ku yaala deegaanka Xaar xaar halkaasi oo ay wax ka bartaan caruur agoon ah isla markaana ay quudinta ka saacido Hay’adda WFP iyo qaar ka mid ah xeryaha barakacayaasha gaar ahaan kuwa ay ku sugan yihiin qoysaska kusoo xoola beelay abaaraha ee naftooda lasoo magansaday xeryahaasi

Kormeerka ayaa intii socday qaatay muddo 6 saacadood ka badan waxaana intii ay ku guda jireen saraakiisha QM ay xog wareysi la yeesheen xubnihii ay kula kulmeen Xarumaha caafimaadka xeryaha barakacayaasha iyo ardayda iyo maamulka iskuulka mustaqbal iyagoona ka warsaday in ay si wanaagsan u helaan gar gaarka daawada iyo quudinta loogu tala galay waxaana ay usheegeen xubnihii ay warsadeen in ay helaan balse aysan aheyn mid ku filan nolashooda ayna codsanayaan in loo kordhiyo ayna uga mahad celinayaan Hay’adda WFP Maamulka Heer Gobal iyo Heer dagmo iyo NGO_yada la shaqeeya Hay’addaasi

Agaasimaha wasaarada Gargaarka Galmudug Cumar Xasan iyo Gudoomiyaha Dagmada Galkacyo Cabdiraxmaan sheekh xasan jimcaale ayaa warbaahinta Qaranka uga warbixiyay ujeedka kulanka iyo kormeerkii ka danbeeyay waxayna si isku mid ah u sheegeen in ujeedkoodu ahaa la socadka hab maamulka iyo gaarsiinta deeqaha ka yimaada WFP in ay yihiin sidii loogu tala galay isla markaana NGO_yada u qaabilsan hay’adda la hubinayay in ay shaqada u qabteen sidii loogu tala galay iyagoona xusay in xog aruurin kadib la isla qaatay markii qiimeeyn lagu sameeyay in sidii loogu talagalay ay u guteen shaqadii loo wakiishay ayna uga mahad celinayaan…

 

Safiirka Soomaaliya ee Dalka India oo Kulan laqaatay Bulshada Soomaaliyeed ee Dalkaasi.

0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane Amb Axmed Cali Daahir ayaa kulan muhiim ah la qaatay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada caasimada ah, New Delhi ee dalka Hindiya.
Kulanka oo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa uu ujeedkiisu ahaa is xogwareysi, kala warqaadasho iyo sidii looo joogteyn lahaa wadashaqeynta bulshada iyo Safaaradda xiriir dhawna ay ka yeeshaan caqabadaha soo wajaha ee u baahan in ay Safaradddu wax ka qabato.
Xubno u hadlaayey bulshada ayaa soo jeediyay dhibaatooyinka ay la kulmaan iyo guud ahaan caqabadaha ka haysta adeegyada kala duwan ee ay uga baahdaan dowladda iyo shacabka reer Hindiya.
Danjiraha oo hadalka qaatey ayaa ugu horreyn uga warramay bulshada xaaladda dalka gaar ahaan xaaladda Safaaradda Soomaaliyeed ay ku sugan tahay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo iskaashi bulsho oo buuxa.
Danjiraha ayaa ballan qaaday in caqabadaha qaar uu si hoose u gali doono waxna ka qaban doono sidii loo xalinlaha.
Bulshada kala duwan ee Soomaaliyeed ayaa dalka Hindiya u yimaado xaalado kala duwan sida arrimaha waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga.

Ugu dambeyn kulanka danjiraha iyo bulshada Soomaaliyeed ee New Delhi ayaa ku soo idlaaday jawi Isfahan iyo wax wadaqabsi ah bulsho iyo ka Safaarad ahaan si ay ugu wada shaqeyaan hanaan dowladeed iyo is gacansiin buuxda.

Reysul Wasaare Xamse Oo Dalka Dib ugu soo Laabtay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamse Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay ka soo qaybgaleen shirkii Caalamiga ahaa ee TICAD8 ee lagu qabtay magaalada Tunis.

Ra’iisul Wasaaraha oo xubnaha wafdigiisa ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Beene Beene, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Mudane Cali Maxamed Cumar iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa garoonka ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa intii uu socday shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Afrika — waxa uu la kulmay madax kala duwan oo ka qaybgalaysay shir madaxeedka, isagoo ka jeediyay shirka khudbad taabanaysay dhinacyo kala duwan sida amniga, abaarta, cunto yarida, isbeddelka cimillada iyo saameynta ay keentay.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo maanta booqasho ku tagay Isbitaalka guud ee Demartino

0

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa maanta booqasho ku tagay Isbitaalka guud ee Demartino.

Wasiirka ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Isbitaalka iyo xubno ka tirsan maamulka isaga oo ka waraystay xaaladaha bukaanada Isbitaalka ku jira kana dhagaystay warbixinada adeegyada isbitaalka uu bixiyo iyo daryeelka bukaanada loogu fidiyo.

Wasiirka ayaa intaa kadib booqday qeybaha bukaan jiifka si uu ugu kuurgalo xaaladahooda Caafimaad, Wasiirka ayaa ku booriyay dhaqaatiirta iyo howlwadeenada isbitaalka sii wadidda iyo joogtaynta daryeelka dadka nugul ee u soo adeeg doonta isbitaalka Demartino.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho

0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) ayaa Maanta xarunta wasaaradda gashaadhigga kulan kula qaatay Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho.

Wasiir Cabduqadir Maxamed Nuur iyo Anita Kiki Gbeho ayaa waxay kulankooda uga wada hadleen xoojinta wadashaqeynta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Qaramada Midoobay iyo sidii la iska kaashan lahaa fulinta Qorshaha hortabinta u leh Wasaaradda Gaashaandhigga.

Madaxweyne Xasan sheekh oo xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu lahaa

0

Muqdisho, Ogoosto 30, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku saleeyey Xeerkan Madaxweyne, sharciga dhismaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee Lr. 14, soona baxay sanadkii 1970-kii, codsi uu soo gudbiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo muhiimadda ay leedahay in dib loo soo celiyo xuquuqdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan, si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka.

“Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey.”

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay, Ogoosto 30, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

 

Wasaaradda Waxbarashada Hidaha & Tacliinta Sare oo Maanta Kulan Dood Wadaag ah oo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Agaasimeyaal iyo Bahda Waxbarashada ku qabatay Muqdisho

0

Kulanka Bandhigga Warbixinta Kormeerka Qaran Ee Dugsiyada Dalka oo ay ka qeyb galeen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada XFS iyo Wasiiro iyo Agaasimeyaal ka kala socday Wasaaradaha Waxbarashada heer Dowlad Goballeed iyo mas’uuliyiinta Bahda iyo Dalladaha iyo wakiilada hay’adaha Waxbarashada Gaarka loo leeyahay ayna soo agaasintay Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinra Sare ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo kormeertay waaxyaha qeybta Gaadiidka ee wasaradaas

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xildhibaan Fardowsa Cismaan Cigaal oo u kuurgalaysa howlasha shaqo iyo adeegyada Bulshada ee ka socda, ayaa kormeertay waaxyaha qeybta Gaadiidka, halkaa oo ay warbixinno ku siiyeen Agaasime waaxeedyada iyo howlwadeennada.