Home Blog Page 614

Madaxweynaha Jubbland iyo safiirka Kenya ee soomaaliya oo kawada hadlay dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab.

0

Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa hoygiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowlada Kenya ee Soomaaliya Danjire Lucas Tumbo.

Madaxweynaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay tageerada Dowlada Kenya ee Soomaaliya oo ay ciidamadeedu kamid yihiin howlgalka ATMIS ee tageerada Soomaaliya iyo iskaashiga labada bulsho.

Dowladda Kenya waxaa dalkeena ka jooga ciidamo badan oo ku howlgalo magaca ATMIS kuwaas oo deeganada jubbland kawada dagaalo culus oo ka dhan ah Argagixisada Al-shabaab.

 

Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka soomali iyo madaxweyne Hassan sheikh maxamuud oo maanta kulmay.

Muqdisho, May 16, 2022 Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta salaan iyo hambalyo ugu tagay madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ay doorteen Baarlamaanka labada Aqal.

Gudoomiyaha iyo madaxweynaha ayaa ahaa kulankooda is xog-wareysi iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa geedi socodka nabada iyo xasilooni siyaaseed oo wadajir ah.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka oo maanta magaalada Nairobi ka furtay shir u dhaxeeya Wasaaraddaas iyo Bankiga aduunka.

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka H.E. Drs Fowziya Abiikar Nuur, ayaa maanta magaalada Nairobi ka furtay shir u dhaxeeya Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka kaas oo socon doona muddo labo todobaad ah.

Ujeedada kulanka ayaa ah sidii looga wada hadli lahaa mashaariicda Caafimaadka ee uu Bankiga Aduunka ka taageerayo Soomaaliya,

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya waxay gundhigtay dhowr mashruuc oo Bangiga Aduunku taageero kuwaas oo Caafimaadka dalka muhiim ah.

Mashaariicdan ayaa gacanweyn ka geysan doonta xoojinta Nidaamka Caafimaadka iyo bixinta adeegyada caafimaadka oo ay heli doonaan malaayiin qof oo ku nool dalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan Wasaaradaha Caafimaadka Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Agaasinka Caafimaadka Gobolka Benadir (BRA), Qaar kamida Agaasimayaasha Wasaaradda Caafimaadka iyo koox ka socota Bangiga Adduunka.

Maamulka degmada Gaalkacyo ee galmudug oo qabtay Dibad bax balaaran Oo Lugu Taageerayay Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Somalia Xasan Sheikh.

0

Maamulka Dowlada Hoose Ee degmada Gaalkacyo ayaa qabtay Dibad bax balaaran Oo Lugu Taageerayay Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud,

Dibad baxan ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Gobalka Mudug, Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo ahna Kusimaha Gudoomiyaha Eng: Maxamed Cabdi Cilmi , xildhibaano ka tirsan golaha deegaan Odayasha dhaqanka, Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada,Maamulada xaafadaha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,

Dhamaan kasoo qeyb galayaasha dibada baxa oo ay Masuuliyiintu ugu horeeyaan ayaa si diiran usoo dhaweeyay Madaxweyne Xasan shiikh oo soomaaliya hogaamin doona afarta sano ee soo socota.

Dulimaadyadii iyo dagitaanka Diyaaradaha ee Garoonka Aden cade oo saakay la fasaxay.

0

Maareeyaha Garoonka Diyaradaha Muqdisho Cabdinasir Maxamud gurey ayaa sheegay in dhamaan la lafasaxay Dulimaadka iyo dagitaanka Diyaaradaha ee Garoonka Aden cade international Airport Ee Muqdisho .

Mareeyaha garoonka ayaa sheegay maxaa yeeelay way dhamaatay Doorashadii awalba loo hakiyey iyo bandowgii muqdisho shalay saarnaa.

Waxa si caadiya u socota shaqada Iyo Dulimaadyada Garoonka Aden cade international Airport Maanta oo isniin ah.

Dowladda Ingiriiska oo hambalyo u dirtay mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.

0

Dowladda Ingiriiska ayaa hambalyo u dirtay mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.

“Hambalyo Xasan Shiikh Maxamuud oo mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya” ayay tiri wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan dowladda UK Vicky Ford.

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto taageeridda xasiloonida Soomaaliya gaar ahaanna la-dagaallanka Al-shabaab.

“UK waxay rajeyneyaa inay sii waddo shaqada wada shaqeynta dhow ee ay Soomaalida uga taageereyso dhismaha xasilloonida iyo la dagaallanka Al-shabaab” ayay tiri wasiir Vicky Ford.

Banaanbax Lagu Taageerayo Guusha Madaxweyne Hassan Sheikh Maxamuud oo Xaafada Islii Ka Dhacay.

0

Waxaa Xaafada ay Soomaalidu ku badantahay ee islii ee Magaalaada Nairobi  ee dalka Kenya ka dhacay banaanbaxyo lagu soo dhaweynayey Madaxweynaha cusub ee Somaliya Hassan Sheikh Maxamuud oo Ku Guuleystay Doorashadii Ka Dhacday xalay  Magaalada Muqdisho.

Banaanbaxan ayaa waxa dhigayey  Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Xaafada islii ee Magaalada Nairobi .

Dadka Banaanbaxa dhigayey ayaa u badnaa Dhalinyaro waxayna socod ku mareen wadooyinka waa weyn ee ku yaal Xaafada Islii waxayna banaanbaxayasha ay ku qeylinayeen Erayo ay ku taageerayaan Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Xassan Sheikh Maxamuud.

Madaxweyne Qoor-Qor oo hambalyo u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay lagu doortay Muqdisho.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya madaxweynihii 10aad ee  xalay kusoo baxay doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay.

 

Madaxweyne Kaariye ayaa u rajeeyay madaxweynaha JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud, in uu Eebbe u fududeeyo xilka culus ee loo doortay, isagoona ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho taas oo soo af jartay marxaladihii kala guurka ahaa ee uu dalka soo maray.

 

Madaxweyne Axmed ayaa sidoo kale waxa uu bogaadiyay gudigii labada aqal ee lahaa qaban qaabada doorashada madaxweynaha dalka, iyo xildhibaanada labada aqal ee gutay waajibkooda dastuuriga ah, soona doortay madaxweynaha dalka hogaamin doona afarta sano ee soo socota

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo sheegay in aysan jiri doonin wax aar-goosi siyaasadeed ah.

  1. Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo khudbad kooban jeediyay kadib markii uu ku guulaystay xalay xilka madaxweynaha Somalia markale ayaa sheegay in aysan jiri doonin wax aar-goosi siyaasadeed ah.

“Sidii aan habeen dhowayd ka dhawaajiyey, markii aan iclaaminayey musharaxnimadayda, iska aarsi ma jiro, [in la iska aarsado], is-daba-gal siyaasadeed ma jiro” ayuu yiri Xasan Shiikh.

Madaxweynaha la doortay xalayna ku soo baxay cod aqlabiyad ah ayaa sheegay in uu dhaqan-gelin doono shuruucda iyo qawaaniinta dalka islamarkaana lala tiigsan doono cid kasta oo samaysa wax sharciga baalmarsan.

“Dalkani qawaaniin ku filan ayuu leeyahay, haddii wax isbedello ah iyo wax lagu kala aragti duwan yahay ay yimaadaan, qawaaniinta ayaan la tiigsan doonnaa ilaahay idamkii, ee qof waliba sida la qumman ma yeelayo”

Sidoo kale wuxu tilmaamay in ay jiraan xasuuso adag iyo dhibaatooyin la soo maray oo aan la hilmaami karin balse wuxu soo jeediyay in la is cafiyo.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO U HAMBALYEEYEY WALAALKIIS XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO LOO DOORTAY XILKA MADAXWEYNAHA JF

Madaxweynaha Xafiiska jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey walaalkiis Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay xilka Madaxweynaha dalka 4-ta sano ee soo socota.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryey Madaxweyne Xasan Sheekh in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee hortaalla, kana yeelo mid sii amba-qaada horumarka baaxadda leh ee uu ku tallaabsaday dalku.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoonka iyo Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya biseylka dimuqraadiyadeed iyo dhabar adaygga ay muujiyeen inta ay socotay doorashadu.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidamada Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah halganka ay u galeen sugidda amniga doorashooyinka dalka, iyagoo habeen iyo maalinba u taagan difaaca sharafta iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba taageerada xooggan ee ay u muujiyeen isbeddel doonka socda ee uu hoggaaminayey, isagoo kula dardaarmay in ay si la mid ah u garab istaagaan Madaxweynaha la doortay ee Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.