Madaxweynaha Hirshabeelle oo booqday xafadaha Magaalada Beledweyne

Date:

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano iyo Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa maanta booqday xaafadaha kala duwan ee Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee cusbitaalka guud ee Magaalada oo ay ka socotay dayactir kadib burbur kasoo gaaray qaraxyo horaantii bishii maarso ka dhacay Magaalada Beledweyne, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa booqday cusbitaal cusub oo dhismihiisa heer gabo gabo ah maraya oo laga hirgalinayo galbeedka Magaalada Beledweyne, kaas oo wax badan kusoo kordhin doona adeegyada caafimaad ee Magaalada.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn socod lug ah kusoo maray qeybo kamid xaafadaha Magaalada isagoo bulshada ugu baaqay inay adkeeyaan nabada iyo xasiloonida ayna la shaqeeyaan laamaha amniga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga oo ka hadlay Barnaamijyada Maalgashiga ee Soomaaliya

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiir Fiqi oo ka Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub ee Suudaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed...

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la yeeshay Madaxa Bankiga Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka cimilada Soomaaliya Midane Bashiir...

R/WXamse ” Xukuumadda waxa ay waddaa qorshe lagu hormarinayo Waxbarashada dalka”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...