Home Blog Page 610

Raisulwasaare Mohamed Hussein Rooble oo caawa qaabilay Safiirka Masar ee soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Masar ee Soomaaliya Mudane Maxamed Albaaz .

Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo caawa la kulmay Gudoomiye Cumar Fillish.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).

Guddoomiyaha ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashadii uu dhawaan ku soo baxay ee ka dhacday dalka.

Waxaa kulanka ku wehliyay waxgarad iyo xildhibaano ka tirsan BJFS.

Taliyaha Ciidanaka booliska maamulka Puntland oo maanta gudoomiyey shir Amniga gobolka Nugaal looga hadlayey.

Taliyaha Ciidanaka booliska maamulka Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi oo maanta gudoomiyay shir looga hadlayay xaaladda amni ee gobolka Nugaal.

SAWIRO:Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee Gudiga Gaadiidka ee Bajaajka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee Gudiga Gaadiidka ee Bajaajka Gobolka Banaadir.

Xarigjarka kadib ayaa Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish waxa uu kulan gaar ah la qaatay maamulka Gudiga Gaadiidka Bajaajka isagoo ka dhageestay warbixina kala duwan oo quseeya xaaladaha ay Bajaajka ku shaqeeyaan iyo sida ugu haboon ee loo hagaajin karo isticmaalka Wadooyinka maadaama tira ahaan ay yihiin kuwa aad u badan.

Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo la kulmay madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta kulmay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay maanta Ambassador James Swan.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay maanta wakiilka gaarka ah ee QM ee Soomaaliya Ambassador James Swan.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay ku-xigeenka Howgalka Midowga Afrika ee ATMIS .

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay ku-xigeenka Howgalka Midowga Afrika ee ATMIS Fiona Lortan iyo taliska Ciidammada ATMIS.

SAWIRO:Ciidamada xoogga dalka oo kooxda argagaxisada Al shabaab dib uga caabiyay Matabaan.

Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa DG Galmudug ayaa maanta kooxda argagaxisada Al shabaab dib uga caabiyay Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo ay isku dayeen inay weerar gaadmo ah ka geystaan.

Howlgalkan oo ciidamadu ku sugayaan amaanka Magaalada ayaa waxaa hoggaaminayay Saraakiil sare, maamulka degmada iyo madax uu kamid yahay Gudoomiyaha magaalada Guriceel oo halkaaa gurmad u tagey.

Ciidamada xooga dalka iyo kuwa galmudug ayaa Baadiyaha degmada Matabaan waxa ay kawadaan howlgalo lagu baadi goobayo firxadka Argagixisada Al-Shabaab oo ku dhuumaleysanaya Baadiyaha degmadaas.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo maanta kulan la qaatay madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed .

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay madaxweynihii hore ee dalka Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed .

SAWIRO:Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha Jubaland.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.