Home Blog Page 609

SAWIRO:Madaxweynaha Maamulka KGS oo gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

0

Madaxweynaha  maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meel gaarka uah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ka dib Safar maalmo qaatay oo uu ku joogay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Wafdigaan waxaa  garoonka ku soodhaweeyey xildhibaano,wasiiro iyo masuuliyin kale oo katirsan maamulka KGS.

Ciidamada xooga dalka oo la wareegay deegaano hoostaga degmada Matabaan .

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska GorGor ayaa maanta la-wareegey fariisimo cusub oo ay Argagaxisadda al Shabaabka ka go’doomin jireen Degmada Matabaan iyo deegaanada hoostaga.

SAWIRO:Golaha wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyey Dhowr sharci.

Shirka Golaha Wasiirrada XFS oo uu maanta guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey Dhowr hindise sharciyeed.

Golaha wasiirada ayaa ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda, Hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka islaamiga ah.

 

Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socdey xafiiska EUCAP ee Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Asluubta maamul goboleedka Puntland Sarreeye Guuto Bile Faarax Cali ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socdey xafiiska EUCAP ee Soomaaliya.

DHAGEYSO:Ciidamada Amniga Cabudwaaq oo gacanta ku dhigay Nin dil geystay.

Alle ha unaxaristee waxaa Xaafada waabari gaar ahaan laanta hawada oo ka tirsan Dagmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya xalay lagu dilay Nin lagu Magacaabi jiray Bare Cali Maax.

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO KULAN LA QAATAY GUDDIGA QARAN GURMADKA ABAARAHA.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha kuwaas oo Guddomiyaha kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa abaarahan soo noq-noqday.

DAAWO:Diplomaasiyiinta Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahey dalka Sacuudi Caraabiya oo Dhambaal Hambalyo ah usoo diray Madaxweyne Hassan sheikh.

0
Diplomaasiyiinta Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahey dalka Sacuudi Caraabiya ayaa Dhambaal Hambalyo ah usoo diray Madaxweynaha 10_naad ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
FF Cali jaamac Kuus ayaa faah-faahinaayo warkaan.

Dowladda Ruushka oo sheegtay in ay isku soo dhibeen ciidamo badan oo ukraine katirsan.

Wasaaradda difaaca ee dalka Ruushka ayaa sheegtay inay toddobaadkan isu soo dhiibeen illaa 959 askari oo u dhashay dalka Ukraine, ciidankaas oo ahaa kii ugu dambeeyey ee ku sugnaa aagagga difaaca ee magaalada dekedda ah ee Maripul.

Raisulwasaare Mohamed Hussein Rooble oo caawa qaabilay Safiirka Masar ee soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Masar ee Soomaaliya Mudane Maxamed Albaaz .

Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo caawa la kulmay Gudoomiye Cumar Fillish.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).

Guddoomiyaha ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashadii uu dhawaan ku soo baxay ee ka dhacday dalka.

Waxaa kulanka ku wehliyay waxgarad iyo xildhibaano ka tirsan BJFS.