Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo odoyaasha dhaqanka magaaladda Cadaado oo gaaray deegaanada laga xoreeyay kooxaha argagaxisada ah ee Al shabaab
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Golaha Dhaqaalaha Qaranka.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Cilmi M. Nuur iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Raaxo Janaqow ayaa maanta shir muhiim ah la qaatay Golaha Dhaqaalaha Qaranka, kulanka waxaa looga wadahadlay arrimo badan oo ku saabsan isbadalka dhaqaalaha iyo dadaalka Wasaaradda Maaliyadda.
Ra’iisul Wasaare Hamse Abdi Bare oo qaabilay wafdi ka socday hey’adda IOM
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday hey’adda IOM, oo ay hoggaamineysay Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee IOM, Amy Pope.
Xubnaha wafdiga oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha IOM ee gobolka iyo Madaxa hey’adda ee Soomaaliya ayaa waxa ay warbixin ka siiyeen Ra’iisul Wasaaraha, hawlaha kala duwan ee ay ka wadaan dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dadaalka iyo hawsha ay hey’adda IOM ka waddo Soomaaliya, isaga oo ballanqaaday in hey’adaaha dowladdu ay wada shaqeyn dhow la sameyn doonaan – gaar ahaan xilligan lagu jiro gurmadka abaaraha.

Haweenka Ku nool Baladweyne oo garab istaag u muujiyey Ciidamada Qaranka iyo dadka deegaanka ee dagaalka kula jiro kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab
Haweenka ku nool magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa garab istaag u muujiyay ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka ee dagaalka kula jiro kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab.
Madaxweyne Xasan sheekh oo kulan la qaatay Hantidhawraha Guud ee Qaranka iyo Xubno katirsan Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed (SICPA)
Muqdisho, Sebteembar 10, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Bare ayaa warbxin ku aaddan hawlaha la xiriira dhismaha hay’adda iyo doorkeeda shaqo ka dhagaystay Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali iyo xubno ka tirsan Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed (SICPA).
Madaxweyne Xasan ayaa kulanka lagula wadaagay muhiimadda ay dalka u leedahay dhismaha hay’addan oo door wanaagsan ka qaadan doonta soosaarista xisaabiyeyaal la aqoonsanyahay oo xirfad sare leh kuwaas oo qayb ka noqon doona dadaallada sare loogu qaadayo hannaanka maaraynta nidaamka maaliyadeed, shaqo abuurka, hufnaanta hay’adaha maaliyadeed, dhiirigalinta maalgashiga shisheeye iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhankiisa tilmaamay in la dardargaliyo dhammaystirka dhismahaha hay’adda isaga oo xusay baahida loo qabo xisaabiyeyaal xirfad leh maadaama dalku uu ku jiro xaalad dib u soo kabasho iyo horumar dhinacyo badan taabanaya.

Madaxweynayaasha maamulada Hirshabeelle iyo KGS oo Muqdisho soo gaaray
Madaxwaynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.
MW Laftagareen ayaa ka qeyb geli doono shirka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada oo ka furmi doono Muqdisho.


Sidoo kale Muqdisho isna waxaa soo gaaray galabtay wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle
Galinkii hore ee maanta ayaa waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Hirshabeelle.
Madaxweyne Qoor-Qoor oo soo gaaray Muqdisho.
Madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.
MW Qoorqoor ayaa ka qeyb geli doono shirka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada oo ka furmi doono Muqdisho.
Saacado ka hor ayaa waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweyneyaasha Jubbaland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo maanta daahfuray ansixinta Manhajka Ilaalinta Bulshada.
Madaxweynaha Jubbaland oo maanta Muqdisho soo gaaray.
Madaxweynaha Dowladd goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka iyadoo wafdiga Madaxweynaha ay kamid yihiin xubno katirsan labada gole ee maamulkaas .
