Home Blog Page 611

Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo gudoomiyey shir looga Hadlayey arimaha Abaaraha.

0

Madaxweynaha JFS Mudane Hassan sheikh  Maxamuud ayaa maanta gudoomiyey shir deg deg Ah oo looga hadlayey xaalada abaaraha dalka ka Jira.

Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo la kulmay Gudoomiyaha Golaha shacabka BJFS.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay guddoomiyaha golaha shacabka BJFS.

kulankaan ayaa ahaa mid ay uga wadatashanaayaan xilligaan kala guurka ah.

Waa kulankii labaad ee ay yeeshaan madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud iyo gudoomiyaha Golaha shacabka BJFS Sheikh Aadan madoobe

 

Madaxwene Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay safiirka dowladda Qatar u jooga Soomaaliya.

0

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay safiirka dowladda Qatar u jooga Soomaaliya Ambassador Hassan bin Hamza Hashem.

SAWIRO:Madaxweynaha JFS oo maanta  la kulmay safiirka dowlada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta  la kulmay safiirka dowlada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xalay la kulmay Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud. 

Madaxweynaha maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xalay la kulmay Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud.

Galmudug oo Caawa shaacisay magacyada 36-qof oo Galmudug u aqoonsatey dambiilayaal.

Taliska Booliiska maamulka Galmudug ayaa Caawa shaaciyey magacyada 36-qof oo Galmudug U aqoonsatey in ay yihiin dambiilayaal, kuwaa oo la Farey laamaha amniga ee Galmudug iyo Muumalada kaleba in ay gacan ka geystaan soo Qabashadooda.

Ragan la baadi goobayo ee baxsadka ah waxaa Ugu horeeya sida qoraalka la baahiyey ku cad Hoggaamiyihii kooxda la baxdey Ahlusunna Sheikh Shaakir iyo 35 kamid ah horjoogayaashii Ciidankiisa.

Xubnahan la shaaciyey ayaa qayb ka ahaa Horjoogayaasha baxsadka ah ee kooxda la baxday Ahlusunna oo qaarkood lasoo wariyey in ay Gaareen Deegaanada Puntland, halka kuwo kale u firxadeen Muqdisho iyo Dowlad deegaanka Soomaalida.

Maalmo ka hor kooxdaan ayaa weerer culus ku Qaaday Magaalada Dhuusamareeb kuwaas oo waxyeelo ka soo Gaartay Dad Shacab ah.

 

Madaxweyne Hassan sheikh oo caawa qaabilay Safiirka Imaaraadka carabta ee soomaaliya.

Safiirka dowladda Imaaraadka carabta ayaa kulan la qaatay caawa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka soomaaliya Hassan Sheikh Maxamuud.

Safiirka ayaa mudane madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashadii madaxtinimada dalka oo Markale loo doortay.

 

Ciidanka Xogga Dalka oo burburiyay mid kamid ah maxkamad beenaadyada ugu weyn kooxda Argagixisada ay ku lahaayeen Gobolka Baay .

Ururka 46-aad, Guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Gobolka Baay ku burburiyay mid kamid ah maxkamad beenaadyada ugu weyn kooxda Argagixisada ay ku lahaayeen deegaanka Moodo-moodo ee Gobolka Baay katirsan.

Taliyaha ururka 46-aad, Guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka xidigle Cadow Maxamed Cabdi ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay howlgalkaas cagta kumariyeen saldhigyo ay maleeshiyadka Shabaab ku lahaayeen deegaanada Buulo-fulaay, iidaale, Raama-cadoy iyo Moodo-moodo.

 

DAAWO:Booliska Soomaaliya oo baaq u diray shacabka Soomaaliyed.

0

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Abdifitax Aadan Hassan  ayaa ku wargaliyay shacabka Soomaaliyeed in carruurta lumay iyo kuwa ambadka ah la geeyo saldhigyada Booliska degmooyinka gobolka Banadir .

SAWIRO:Taliska Nabad-sugidda Koonfur galbeed oo soo bandhigay dhagarqabayaal ka soo goostay kooxda Argagixisada Al-shabaab.

0

Taliska Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Koonfur galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo ku soo bandhigay dhagarqabayaal ka soo goostay kooxda Argagixisada oo gacanta dowladda isku soo dhiibay.

Dhagar-qabayaashan ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cali Isxaaq, Mukhtaar Maxamed Ibraahim, Xasan mad kariim sheekh, Cabdulaahi Sankuus Maxamed iyo Maxamed Jeelow Shariif.

Gobolada Jubbooyinka, Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose ayaa Nabad-diidka Shabaab muddo badan uga soo dagaalameen, iyagoo si gaar ah uga tirsanaa qeybta jabhada.