Home Blog Page 611

“Kacdoonka shacabku waa ciribtirka Al-Shabaab”

0

Waxaa gudaha dalka ka Soomaaliya,gar ahaan gobolada dhexe iyo kuwa koonfureed ka socda howlgallo ciidan oo la doonayo in kooxaha nana-diidka ah looga sifeeyo deegaanada fara ku tiriska ah ee kooxdaasi ay ku dhibaaateeyaan dadka shacabka .

Howlgaladaan oo bilowday todobaadyadii la soo dhaafay ayaa daba socda qorsho howleed ka yimid Madaxweyne Xasan Sheekh ,kaas oo la doonayo in guud ahaan dalka looga ciribtiro kooxaha argagixisada ee caadeystay in ay ku naaxaan lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan dadka shacabka ah,gaar ahaan beeraleyda iyo xoolo dhaqatada.

Howlgaladaan oo lagu saleeyay qorshaha dhamaadka Al-Shabaab ayaa xilligaan horseeday in Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay u istaagaan dagaal toos ah oo naf hurnimo ah oo lala galo Xagjirka arxanlaawayaasha ah ee Al-Shabaab.

Sidoo kale,howlgaladaan ayaa haatan u jiheystay Kacdoon shacab oo ka dhan ah kooxaha nabad-diidka, waxayna dhaliyeen in dhul ballaaran laga ceyriyo Alshabaab, isla markaana laga nabad-galo cagajugleyntii iyo lacagihii baadda ahaa ee ay qaadan jireen kooxahaasi.

Inta badan kacdoonada shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa yimid ama daba socda,kadib markii dad aad u fara badan oo dhibaatooyin kala kulmay ficilada xun ee kooxaha argagixisada ay ku biireen howlgalladaan  ciidan ee ka socda Gaalgaduud,Hiiraan iyo iyo deegaanno ka tirsan K/Galbeed.

Saraakiisha ciidamada ee ku sugan Hiiraan iyo Gaalgaduud ayaa sheegay in ay ka g’an yahay sidii deegaanadaasi looga saari lahaa kooxaha Al-Shabaab,isla markaana  loo badbaadin lahaa  dadka shacabka ah .

Maalmihii u dameeyay ,waxaa degmooyin ka mid ah Gaalgaduud iyo Hiiraan lagu gubay dad rayid ah oo socoto ah,gawaari ay saarnaayeen nuucyada raashinka ,ceel biyoodyo ,baraago iyo shirkado isgaarsiineed,kadib kolkii kooxda Al-Shabaab looga adkaaday dagaallo badan oo ay horseed ka ahaayeen dad shacab ah oo diidan lacagaha baadda ah.

Si loo gaaro guulo ku aadan ciribtirka kooxda Al-Shabaab,waxaa lagama maarmaan ah in dowladda Soomaaliya ay gacan ka geysato fududeynta adeegyada aasaasiga ah iyo dhismaha maamulka deegaanada laga xoreeyay aragixisada Al-Shabaab,taasoo haddi aan la helin sababi karta in ay dib isu isu soo abaabulaan kooxahaasi,isla markaana  ay geystaan falal xasuuq ah oo lagula kacayo dadka.

Waxaa hubaal ah in haddii ay sii socdaan kacdoonada shacabka ee looga horjeedo Al-shabaab ay suurtaagala noqon karaan in gabi ahaan la soo afjaro dhaqdhaqaaqyada hubeysan ee maleeshiyaadka nabad diidka ah.

 

Golaha Ammaanka QM oo Maanta kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta Gelinka danbe kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya xilli Abaaro baahsan ay kajiraan meelo kamid ah Soomaaliya

kulan ayaa la filayaa in warbixin la xariirta xaalada Soomaaliya looga dhageeysan doonaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya,kuwaas oo sanad walba shirarka looga hadlao arrimaha Soomaaliya ka qeyb galla

Kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa diirada lagu saari doonaa Arrimaha la xiriira Ammaanka, Abaaraha iyo dhibatooyinka kale ee xilligaan kajira dalka Soomaaliya, iyada oo madaxda ay siweyn uga doodi doonaan xaaladaha kajira Soomaaliya iyo sida looga gudbi karo.

Waxaa maalintii labaad galay Shirka 4-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada oo ka soconaayo magaalada muqdisho

0

Waxaa maalintii labaad galay Shirka 4-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada oo ka soconaayo magaalada muqdisho

Shirka waxaa Guddoominayay Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaana goobjoog ahas Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Iyo Wasiiradda Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya.

Maalinta 2aad ee shirka waxaa loogu soo bandhigay loogana hadlay hawlaha muhiimka ee horyaalo Wasaaradaha Caafimaadka iyo sidii la iskaga kaashan lahaay hormarinta adeega Caafimaadka dalka, Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo jeediyay warbixino kooban oo ku saabsan Horumarka laga sameeyay hawlaha Caafimaadka heer maamul Gobaleed iyo caqabadaha hortagaan ee u baahan in si wadajir ah looga tashto.

Inta uu Shirka socday waxaa la soo bandhigay warbixno ku saabsan mashaariicda ka socdo Wasaaradda Caafimaadka ee XFS, iyo meesha ay marayaan iyo waxa uu qabsoomay taasoo ay soo bandhigeen dhamaan Waxaayaha Wasaaradda Caafimaadka ee XFS, ka koobanatahay.

Shirka Waxaa oo looga hadlay arimaha la xariira kasoo kabashada caabuqa COVID-19 oo dhibaata xoogan gaarsiiyay Bulshadda Soomaaliyeed iyo sidii looga xakamayn lahaa looguna diyaar garoobi lahaay haday timaado xaalad degdeh ah.

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay oo warbixin kooban laga dhagyastay Barnaamijka kajaeaabidds Caabuqa Covid29 iyo Mashruuca Marwo Caafimaad oo ah barnaamij wayn kaaso oo caawiya Dumarka Soomaaliyeed gaar ahaan Hooyadda & Dhallanka , Barnaamijka Marwo Caafimaad ayaa qayb wayn ka ah maalgelinta waaxda caafimaadka, oo ay ku jirto taageeridda iyo kor u qaadista kartids Marwo Caafimaad (Famliy Health Workers (FHW).

DAAWO Argagixisada Al shabaab oo Qarax la eegatay Goob gaadiidka dadweynaha ay ka baxaan isla markaana ay ku sugnaayeen dad shacab ah

0

Kooxaha argagaxisada ah ee Al shabaab ayaa Qarax la eegtay Goob gaadiidka dadweynaha ay ka baxaan isla markaana ay ku sugnaayeen dad shacab ah gudaha magaaladda Baraawe.

DAAWO:-XFS oo faah-faahin ka bixisay goobaha ugu daran ee saameynta ay ku yeelatay abaarta dalka ka jirta

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa faah-faahin ka bixiyey dadaallada  ay waddo DFS iyo goobaha ugu daran ee saameynta ay ku yeelatay abaartu.

Xukun Maanta lagu riday Askar Shabeellaha Hoose ku dishay Carruur Beeraley ah

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Saddex Askari oo lagu helay in11-kii Bishii June ee sanadkan deegaanka Bariire ee gobalka Shabellada Hoose kudileen Carruur Beeraleya ah.

Kooxda Shabaab oo gubtay barkado iyo guryo ku yaalay deegaano hoostaga degmada Baxdo

0
Kooxda argagaxisada ah ee Al shabaab ayaa xalay dab qabad siiyay guryo iyo goobo ganacsi oo ay lahaayeen dad shacab ah oo ku yaala tuulooyin hoos yimaada degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Qoor Qoor oo booqday deegaanka Cadakibir

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka Cada Kibir ee gobolka Galgaduud, deegaankaas oo ay kooxda Argagixisada ah ka jareen isgaarsiinta iyo biyaha, kadib markii ay miinooyin ku xereen xarumaha isgaarsiinta iyo ceel biyood ay ka waraabayeen dadka iyo duunyada ku nool deegaanka Cada Kibir.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageestay gudoomiyaha deegaanka iyo odayaasha dhaqanka, waxuuna halkaas kula kulmay dadka deegaanka oo iskood isku hubeeyay si ay iskaga dhiciyaan kooxda Argagixisada oo caadeesatay boobka hantida dadka iyo daadinta dhiiga shacabka, iyadoona iminka ay ku sii dareen in ay ceel biyoodyada miinooyin ku qarxiyaan xilli abaar baahsan ay ka jirto guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo argagixisadu aysan Soomaaliya kuwada noolaan karin, loona diyaar garoobo sidii la isaga kicin lahaa, looguna tagi lahaa deegaanada kooban ee ay ka joogaan Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu danbayn ku ammaanay shacabka iyo culimada deegaanka Cada Kibir sida ay ugu diyaar garoobeen inay argagixisada Al Shabaab iska dulqaaadaan.

Saddax carruur ah oo kasoo baxay dugsi Qur’aan ayey miino ay dhulka ku aaseen kooxaha argagaxisada kula qaraxday deegaanka Miir-caddo oo qiyaastii 45 Km dhanka koofur bari ka jirta magaalada Baledweyne

0

Saddax carruur ah oo kasoo baxay dugsi Qur’aan ayey miino ay dhulka ku aaseen kooxaha argagaxisada kula qaraxday deegaanka Miir-caddo oo qiyaastii 45 Km dhanka koofur bari ka jirta magaalada Baledweyne.

Mid ka mid ah caruurta ayaa geeriyooday halka laba kale na dhaawacooda la keenay magaalada Baledweyne si loogu daaweeyo.

Kooxaha argagaxisada ah ee Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ka waday in wadooyinka Miinooyin u galiyaan dadka shacabka ah ama ay jidka u galaan dadka safarka ah, si ay u dhibaateeyaan maadaama ay u bareeri waayeen in ay ka hortagaan weerarada dadka deegaanka oo garabsanaya ciidanka xoogga dalka.

Ra’iisul Wasaare Hamse oo kulan la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ee uu hoggaamiyo ayaa galabta kulan la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulanka oo looga hadlayay sidii loo dardargelin lahaa hawsha gurmadka abaaraha, ayaa dowladdu waxa ay ku soo bandhigtay hawlihii la qabtay iyo gargaarkii la qaybiyay tan iyo markii la magacaabay Guddiga Qaran 17 bishii Agoosto.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Ahmed Moallim Fiqi ayaa sheegay in 23 Agoosto loo diray deeq dhan 26 tan oo cunto ah magaalooyinka Beledweyne iyo Buulo Burde.

Sidoo kale, 25 Agoosto dowladdu waxay guddoonsiisay bulshada degmada Maxaas lacag dhan $75,000 oo loogu talo galay in lagu dayactiro ceelasha biyaha ee degmada ku yaala.

4 Sebtember waxaa loo diray deeq dhan 20 tan oo cunto ah
magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur.

Wasiirku waxa uu sheegay in la qabtay kulamo xiriir ah oo la xiriira gurmadka abaaraha iyo barnaamijyo wacyi-gelin ah.

Xubnaha ganacsatada oo ka hadlay kulanka ayaa iyaguna sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qaybqaataan abaabulka bulshada iyo dhinaca dhaqaalaha wax loogu qabanayo shacabka dhibaateeysan.

Ra’iisul Wasaare Xamse, oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in xukuumaddu iyada oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed ay xoogga sii saari doonto dhammaan deegaannada abaartu aadka u saameysay si deg deg wax loogu qabto shacabka tabaaleysan.