Xukuumada Dawlada Deegaanka Somaalida Galbeed oo deeq gaarsiisay maamulka Gobolka Hiiraan

Date:

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo Gaaray Degmada feer-feer ee Gobalka shabelle ee Dowlad Deeganka soomaalida ee Ethiopia ayaa kulan la qaatay  masuuliyiin ka soctay Dowlad deeganka somaalida uu Hogaaminayo Hogaan ku-xigeenka  Nabad-galyada Dowlad deeganka iyo  Gudoomiyaha Gobalka Shabelle mudane Aadan Ahmed sooyaan iyo madaxda hogaanka xafiiska  Nabad-galyada ee Dowlad  deeganka somaalida iyo saraakishooda,

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan ayaa Maamulka Gobalka shabelle ee Dowlad deeganka somaalida kala wareegay sahay Gar-gaar oo ay ku garab istaagayeen gulufka Howlgalada ka Dhanka ah Qawaariijta Al-shabaab Ee lagula dagaalamayo Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Gobalka Shabelle Mudane  Aadan  Ahmed sooyaan ,ayaa Maamulka Gobalka hiiraan ku Wareejiyey Deeq garab istaagid ah oo Dowlad Deeganka somaalida ee ugu Tala galeen Howlagalka ka dhanka maleeshiyada Argagixisada Al-shabaab oo isugu jirto qalab ciidaan Adeegyo cafmaad, Gawaari, iyo Raashiin.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan ayaa u mahad-celiyey madaxda sare ee Dowlad deeganka somaalida Gudoomiyaha Gobalka shabeele iyo hogaan ku-xigeenka  xafiiska Nabad-galyada ee Dowlad deeganka iyo saraakisha Ciidamada ee Liyuu-poolice asigoo xusay in aay Qeyb ka tahay Dareenka walaalnimo Ee Dhexyaalo Qaluubta shacabka soomaaliyeed Taas oo ah mid aaysan Birina goyn karin biyane meyri karin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cali...

Xujeyda Soomaaliyeed oo maalintii saddexaad gaaraya Magaalada Madiina

Magaalada Madiina waxaa maalintii saddexaad soo gaaraya xujeyda Soomaaliyeed...

UNTMIS iyo Safiirka UK oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS)...

Agaasimaha Waaxda Nadaafadda Gobolka Banaadir oo amar dul dhigay shacabka caasimadda

Agaasimaha Waaxda Nadaafadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Suudi,...