Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee Dowladd Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Maamulkaas ku shir gudoomiyay Shirka Amniga Jubbaland, kaas oo bishiiba mar la qabto,kaas oo ay goobjoog ka haayeen Laamaha Amniga.
Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed oo howlgalo ka dhan ah Argagixisada Al-shabaab ka sameeyey xafadaha Baydhabo
Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa howgal qorsheysan ka sameeyey qaar kamid Xafadaha Magaalada Baydhabo Gaaar ahaan Wadajir, Xanaana2,barwaaqo iyo kuwo kale.
[DAAWO] Nabadoon Cumar Axmed Cartan” Qof xanuunsan hadaan hal kaniini ugu baahano, waxaan u lugeyneynaa 45 km, si aan u helno”
Bulshada ku nool Deegaano u dhaxeeya Magaaloyinka Cadaado iyoDhusamareeb oo sheegay in ay wajahayaan Biyo la,aan daran,xarun cafimaadna ugu dhawdahay 45 km goob u jirta iyaga oo dalbaday in dowladda dhexe iyo Galmudugba gargaar la soo gaarto.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey oo ka ‘carooday’ dad ay ciidamadiisa laayeen
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay inuu aad uga carooday ka dib markii ugu yaraan 2 qof ay ku dhinteen markii ciidamada nabad ilaalinta ee UN-ta ee ku sugan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ay rasaas ku fureen deegaan ku yaalla xudduudka oo ay dadka isaga gudbaan.
Akhriso:- Magacyada Golaha Wasiirada uu Magacaabay Madaxweynaha Hir-Shabeelle
Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay magacaabay Golihiisa Wasiirada oo ka kooban 80 xubnood oo isugu jira 27 Wasiir, 27 Wasiir Kuxigeen iyo 26 Wasiiru Dowle.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid Wasiiro katirsan Maamulada Jubnbaland iyo KGS
Muqdisho, Luulyo 31, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Bulshada iyo Dowlad Goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Wasiir Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur iyo Wasiir Maxamed Warsame Darwiish.
Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha, oo u kuur galay xaaladda dad kusoo barakacay magaalada Muqdisho
Muqdisho, Luulyo 31, 2022:- Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa u kuur galay xaaladda dad kusoo barakacay magaalada Muqdisho, balse hadda wajahaya xaalad nafaqo darro ah.
Guddoomiyaha maxkamada sare ee dalka oo kormeeray Xafiisyada Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Maxkamadda Rafcaanka Gobolka-Banaadir iyo Maxkamadda Gobalka Banaadir
Muqdisho-31-7-2022:-Gudoomiyha Maxkamadda Sare ee dalka, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Gudoomiyaha maxkamadda gobalka Banaadir ayaa si wada jir ah kormeer ugu sameeyay howlaha kala duwan ee ka socda Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Maxkamadda Rafcaanka Gobolka-Banaadir iyo Maxkamadda Gobalka Banaadir,
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO TABABAR USOO XIRAY SARAAKIIL IYO SARAAKIIL XIGEENNO KA TIRSAN CXDS
Muqdisho, Luuliyo 31, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababbar u soo xiray Dufcadda 4-aad ee Layli Sarkaal iyo Dufcadda 5-aad ee Layli Saraakiil Xigeen ee ka baxa Dugsiga Tababbarka Ciidamada Soomaaliyeed ee TurkSom.
Madaxweynaha oo uga mahadceliyey dowladda Turkiga hirgelinta dugsigan oo la dhisay sanadkii 2015-kii ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda amniga dalka.
“Hirgelintii dugsigan waxa ay billow u tahay in wakhti dhow aan gaarno in aan si buuxda, gudaha dalkeenna, ugu tababbaranno ciidankeenna. Waxaan u hamablyeynayaa waalidiinta, walaalaha iyo qoysaska ay ka soo jeedaan Saraakiishan iyo kuwii ka horreeyeyba ee halkan ka bixi jiray in ay u oggolaadaan ubadkooda ku biiridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.”
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo bandhigay khudbadda uu u jeediyay Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada, ahmiyadda uu siinayo in dadka Soomaaliyeed laga dulqaado dhibaatada argagixisada, lana xoreeyo deegaannada ay ka soo maleegayaan falalka gurracan ee ka soo horjeeda dowladnimada iyo qiyamka suuban ee diinteenna.
Dhankooda, Saraakiisha iyo Saraakiil-xigeennada ayaa soo bandhigay dhoollatus ay ku muujinayaan cududda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo gutay dhaarta dastuuriga ah ee la xiriirta in ay difaacayaan dalka, dadka, diinta iyo calanka Soomaaliyeed.
Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raagge, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay James Swan
Muqdisho-31-7-2022:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo Wafdigiisa ay qeyb ka ahaayeen Madaxa IOM ee Soomaaliya iyo ku xigeenka Wakiilka UNHCR oo maanta soo gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel-gaarka uah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
