Munaasabad Maanta ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya waxaa Madaxweynihii hore ee dalka Ee xilka ka dagay Maxamed Abdullaahi Farmaajo Xilka si rasmi Ah ugu wareejiyey madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Maxamuud oo 15-kii Bishaan lagu doortay Teendhada Afisiyooni .
MADAXTOOYADA OO KEYD QARAN U DIIWAAN-GELISAY XOGTA WARBAAHINEED EE VILLA SOOMAALIYA.
Muqidsho, May 23, 2022; Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay iclaaminaysaa in xogta warbaahineed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud lagala socon doono, maanta laga bilaabo, bogagga rasmiga ah ee Villa Soomaaliya ee mareegta internetka iyo Baraha Bulshada.
Maxkamada Racfaanka Magaalada Hargaysa oo maanta Xukuno kala duwan ku riday Wariyaal ka howlgalayey Deegaanada Soomaaliland .
Wariye Cabdimaalik muuse coldoon oo Muddo xirnaa ayaa maanta Maxkamadda Racfaanka ee Magalaada Hargeysa ku xukuntay laba sano oo xarig ah iyo saddex milyan oo shilinka Somaliland oo ganaax ah.
SAWIRRO:Safiirka waddanka Germany ee Itoobiya, wakiilka hay’adda UNHCR ee Itoobiya oo maanta gaaray Magaalada Jigjiga .
Madaxweynaha Dowladd deegaanka Gobolka Soomaalida Itoobiya , mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay maanta masuuliyiin ay hoggaaminayaan safiirka waddanka Germany ee Itoobiya, Stephen Auer iyo wakiilka hay’adda UNHCR ee Itoobiya, Dr. Mamadou Dian Balde.
Diyaargarowgii ugu dambeeyay ee xafiiska Villa-Soomaaliya loogu wareejinayo Madaxweynaha Cusub ee dalka Hassan Sheekh Maxamuud oo socta.
Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ka soconaya u diyaargarowgii ugu dambeeyay ee xafiiska Villa-Soomaaliya loogu wareejinayo Madaxweynaha Cusub ee dalka Hassan Sheekh Maxamuud.
SAWIRRO:Wasiirka Caafimaadka Somaaliya oo magaalada Geneva uga qeygalaysa Shirweynaha Sanadlaha ah ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka.
Wafdi ay hogaaminayso Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dawladda Federalka Soomaaliya Dr.Fawziya Abikar Nur ayaa waxay ka qayb galayaan Shirweynaha Sanadlaha ah ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka oo maanta oo ay bisha May tahay 23 ka furmay magalada Geneva ee Dalka Switzerland.
Madaxweyne Biden oo booqasho dhaqaalaha la xiriirta ku tagey dalka Japan.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa gaaray dalka Japan. Waa lugtii labaad ee booqashadan oo ah tii u horreysay ee Biden uu Asia ku tago illaa intii uu madaxweynaha noqday.
Suuriya oo qubaro miinooyinka sameeya u dirtay Ruushka
Illaa 50 rag xeeldheerayaal ku ah samaynta iyo isticmaalka bambaanooyinka qasaaraha badan gaysta , kuwaas oo u dhashay Suuriya ayaa ku sugan dalka Ruushka, iyaga oo wada shaqayn la sameeyay ciidamada dalkaas oo dagaal kaga jira Ukraine.
Madaxweyne Hassan sheikh oo maanta xilka kala wareegaya Madaxweynihii hore ee Dalka Maxamed Abdullaahi Farmaajo.
Waxaa maanta lagu wadaa in xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Xilalka ku kala wareegaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 15-kii Bishaan lagu doortay Teendhada Afisiyooni iyo Madaxweynihii hore ee xilka kasii dagaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka XFS oo Muqdisho ka furtay shir socon doona muddo 3 maalmood ah.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka XFS ayaa Muqdisho ku qabatay shir socon doona muddo 3 maalmood ah kaasoo oo ay u qabatay Wasaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo sameeyo iskudubbaridka qaab-dhismeedka yareynta khataraha masiibooyinka #DRR ee heer federaal.
