Home Blog Page 604

SAWIRRO:Madaxweynaha Jubbaland oo caawa gudoomiyey kulan deg -deg ah oo ay yesheen Golaha Wasiirrada.

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka  jubbaland Mudane Ahmed Mohamed Islaam, ayaa caawa shir gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay lahayeen golaha wasiirada maamulka Jubaland yeesheen.

Muxuu yahay cudurka cusub ee walwalka badan galiyey wadamo badan

0

Dhaatiirta iyo khubarada Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa kulan degdeg ah ka yeeshay xanuunka faafaya ee Furuqa (MONKEYPOX) oo ka dillaacay dalal dhowr ah, iyadoo hay’adda ammaanka caafimaadka ee Britain ay shaaca ka qaadday in faafitaanka cudurkan uu sii siyaadayo.

Sidoo kale, Wasaaradda caafimaadka Spain ayaa iyana ku dhawaaqday Jimcihii, in tirada guud ee dadka uu soo ritay cudurkan gudaha dalkeeda ay gaartay 39 qof, taasoo ah dalka ugu badan ee kiisaska cudurkan laga helay adduunka.

Lataliyaha caafimaadka ee dawlad goboleedka Madrid, Enrique Ruiz Escudero, ayaa shaaca ka qaaday in nidaamyada dabagalka kiisaska ee ay fuliyeen Agaasinka Caafimaadka Dadweynaha ee Dawlad Goboleedka Madrid ay daaha ka qaadeen in kiisaska ugu badan ee cudurka ay ku xiran yihiin xamaamyada qubeyska ah ee goobaha caamka ah.

Dhanka kale, Britain ayaa filayso in ay soo saarto kiisas badan maalmaha soo socda, iyada oo ugu yeertay xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka inay “kordhiyaan feejignaantooda.”

Mar sii horreysay, wasaaradda caafimaadka Britain ayaa xaqiijisay in la helay 20 xaaladood oo caabuqa Furuqa ah oo ay ku jiraan 11 ka mid ah oo la shaaciyay Jimcihii.

11 wadan oo Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ku yaal ayaa ku dhawaaqay inay heleen caabuqan, oo ay ku jiraan Italy, Portugal, Sweden, France, iyo sidoo kale Germany, Belgium, Canada, iyo Mareykanka.

Subaxnimadii Jimcaha, Australia ayaa dhankeeda xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee xanuunkan kaa oo laga helay gobolka Fiktooriya, iyadoo kiis kale weli laga baarayo Sydney.

Sida Dhakhaatiirtu sheegeen, Cudurkan waxaa lagu kala qaadaa candhuufta, diifka sanka ka soo baxa iyo caabuqa finanka ka soo baxa jirka, sidoo kale waxaa lagu kala qaadaa waxyaabaha caadiga ah sida gogosha iyo sidoo kale galmada..

Goorma ayuu soo ifbaxay xanuunkan?

Busbuska daayeerku waxaa bini’aadamka markii ugu horreysay laga helay sannadkii 1970-kii, kolkaa oo laga helay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (oo markaas loo yaqaannay Zaire). Wiil yar oo 9 jir ah oo ku noolaa meel lagu dabar-gooyay furuqa sannadkii 1968-kii ayaa laga helay. Kiisaskii ugu badnaa ayaa tan iyo xilligaas laga soo sheegay dhulka miyiga ah ee Basin Kongo iyo Galbeedka Afrika, gaar ahaan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, halkaas oo loo malaynayo in ay ku badan tahay, waana goobta uu cudurku si weyn uga dillaacay sannadihii 1996 iyo 1997.

Dabayaaqadii 2003dii, waxa gobolka galbeedka ee Maraykanka laga soo sheegay kiisas la xaqiijiyey oo ahXanuunkan Furuqa, taas oo muujinaysa in uu yahay kiiskii ugu horreeyey ee cudurkan laga soo sheego meel ka baxsan qaaradda Afrika, waxaana la ogaaday in bukaankii ugu horeeyay ee uu ku dhacay ay xiriir dhow la lahayd Eeyaha.

Sanadkii 2005tii, waxaa gobolka ka tirsan dalka Suudaan ka dillaacay Caabuqan, waxaana kiisas goos goos ah laga soo sheegay meelo kale oo Afrika ah.

Sanadkii 2009, olole wacyigelin ah oo loo sameeyay qaxootiga ka yimid Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ilaa Jamhuuriyadda Kongo ayaa lagu ogaaday lana xaqiijiyey laba xaaladood oo Busbus-daayeer ah.

Wasaarada Qorsheynta oo kullan u qabatay Hay’adaha ka shaqeeya barnaamijyada xalka waara

0

Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa qaban qaabiyay kulan isugu yimaadeen inta badan hay’adaha ka shaqeeya barnaamijyada xalka waara, ee Soomaaliya iyo daneeyayaasha taageera Soomaaliya.

Kullanka waxaa daahfuray Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ay wehliso Agaasimaha Kormeerka iyo Qiimeynta ahna Agaasimaha Xalka-Waara, Marwo Zahra Cabdi Maxamed.

Intii uu socday shirka ayaa looga hadlay arimaha kala ah:

1. Dar-dargalinta arrimaha hortabinta u leh dedaalada loogu jiro in xal waara loo helo barakaca baahsan ee dalka.

2. Qorshe hawleedka ee xalka waara kuna salaysan Istaratijiyada Xalka Waara ee loo sameeyey maamul goboleedyada Dowladda Federalka.

3. Isku xirka shaqooyinka xalka waara ee hay’adaha iyo wasaaradaha Dowladda Federalka.

4. Dardargelinta hirgelinta Istaratijiyada Xalka Waara

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta la kulmay madaxwaynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa mar kale maanta la kulmay madaxwaynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan.

Guddoomiyeyaasha labada Aqal oo kulan la qaatay Guddigii doorashada Madaxweynaha

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Maanta kulan la yeeshay guddigii doorashooyinka madaxweynaha JFS.

Gudoomiyaha Golaha aqalka sare oo qaabilay Safiirka itoobiya ee Soomaaliya.

0

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa Aqalka Sare ku qaabilay Safiirka Dalka Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland Oo Maanta qabatay Shirka Xiriirinta Dabagalka Xanuunada ka Gudba Xuduudaha .

0

Shir Hal maalin soconaya ayaa maanta ka bilawday wasaaradda caafimaadka kaasoo ay ka soo qaybgaleen shaqaale ka kala socda Wasaaraddaha caafimaadka, Hawlaha Guud, Garoomada iyo Dakadaha Puntland.

AKHRISO:Maamul cusub oo loo magacaabay Deegaanka Lafoole ee gobolka shabeelada hoose.

0

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose ee maamulka KGS Ibrahim Adan Ali – Najah ayaa waxaa uu maamul cusub u magacaabey degaanka Lafole ee hoosyimaada Degmada Afgooye.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha KGS oo shir guddoomiyey shir ay iskugu yimadeen dhamaan shaqaalaha wasaaradda Arrimaha Gudaha.

0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta KGS Mudane Mahaad Mohamed Ciise ayaa  maanta shir guddoomiyey shir ay iskugu yimadeen dhamaan shaqaalaha wasaaradda Arrimaha Gudaha kaasi oo loogu hadlaayey dardargelinta howlaha hortabinta leh ee horyaala.

Taalibaan oo lagu eedeeyay in gabdhaha suxufiyiinta ah ay ka saareyso saxaafadda Afghanistan

Amarka Taalibaan ee ah in dumarka suxufyiinta ah ay qariyaan wajigooda inta ay talefishinada ka hadlayaan ayaa loo arkaa isku day lagu doonayo in lagu tirtiro gabdhaha suxufiyiinta ah, sida ay muujineyso walaca warbaahinta iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka.