Home Blog Page 604

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa galabta jab culus gaarsiiyay Maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al Shabaab

0

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa galabta jab culus gaarsiiyay Maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al Shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa deegaanada Camal iyo Xalaaleey oo ku dhow deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya Shacabka ayaa ka furtay Maleeshiyaadka Argagaxisada ah ee Al Shabaab hub farabadan ayaga oo goobta uga cararay rag dhintay.

Ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa gacanta ku haaya deegaanada dirirta ka dhacday galabta waxaana ay sii daba joogaan firxad ka Argagixisada.

 

 

Guddiga Gurmadka Abaaraha Gobalka Mudug ee Galmudug oo maanta kulankoodii ugu horeeyay la qaatay Qaar ka mida Bulshada Galkacyo

0

Guddiga Gurmadka Abaaraha Gobalka Mudug ee Galmudug ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyay la qaatay Qaar ka mida Bulshada Gaalkacyo.

Ra’iisulwasaare Hamse oo guddoomiyey kulanka Tiirka Xorreynta iyo Sugidda Amniga, kaas oo loogaga arrinsanayey howlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo kacdoonka dalka lagaga xoreynayo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka Tiirka Xorreynta iyo Sugidda Amniga, kaas oo loogaga arrinsanayey howlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo kacdoonka dalka lagaga xoreynayo.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha dib-u-xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin Argagixisadu iyo xasilinta goobaha la xoreeyo, si loo gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada ee ay nabad-diidka ka curyaamiyeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey ciidamada geesiyaasha ah oo kaashanaya bulshada ee ku guuleystay xoreynta deeganno ay ku dhuumaaleysanayeen nabad-diidka, isagoo tilmaamay muhiimadda baraarugga shacabku uu u leeyahay qorshaha xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Hay’adaha Amniga iyo ciidamada Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan habeen iyo maalin xaqiijinta amniga shacabka, waxa uuna sheegay in Xukuumadda ka go’an tahay in guud ahaan dalka laga xorreeyo nabad-diidka Al-shabaab.

Afar xubnood oo ka tirsanaa agagixisada Al-Shabaab ayaa maanta lagu dilay howlgal ay ciidanka xoogga dalka ee Gorgor ka fuliyeen tuulooyinka Nuunaay, Nuun-garre iyo Tawakal oo u dhow degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose

0
Afar xubnood oo ka tirsanaa agagixisada Al-Shabaab ayaa maanta lagu dilay howlgal ay ciidanka xoogga dalka ee Gorgor ka fuliyeen tuulooyinka Nuunaay, Nuun-garre iyo Tawakal oo u dhow degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Masuuliyiin Heer Federaal ah oo maanta Gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud

0

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al Cadaala iyo Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye ayaa maanta gaaray magaaladda Cadaado ee gobolka Galgaduud ayada oo ay halkaasi kusoo dhaweeyeen maamulka degmada Cadaado.

 

 

Ujeedka Socdaalka wasiir  Cadaala iyo xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye ayaa waxaa uu yahay dardargalinta kacdoonka shacabka ee argagixisada looga xoreynayo degaanada Galmudug isla markaana loo dhiiri-galin lahaa shacabka iyo ciidanka xoogga ee u istaagay in ay iska dulqaadaan cadowga arxanka daran ee Argagixisada Al Shabaab.

 

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya XFS oo la kulmay dhiggiisa Masar

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa Dalka Masar , Mudane Xasan Shehata.

Kulanka oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya , Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Safiirka Dawladda Soomaaliya ee Dalka Masar ahna wakiilka Jaamacadda Carabta, Ilyaas Sheekh Cumar ayaa looga hadlay horumarinta iskaashiga labada dhinac , tabbabarka Shaqaalaha , is dhaafsiga khibrada iyo sida loo dardargelin lahaa is-afgarad ay labada wasaaradood gaaraan.

Wasiirka Shaqada ee Masar, Mudane Xasan Shehata ayaa ugu horrayntii uga mahadceliyay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo wafdiga uu hoggaaminayo ka qeybgalka shirka 48aad ee Shaqada oo shalay ka furmay Qaahira, isagoo markaa xaqiijiyay inay ka go’antahay in la xoojiyo xiriirka si loo gaaro iskaashiga horumarin oo ku aaddan Shaqada.

Wasiir Biixi Iimaan Cige , ayaa dhankiisa sheegay in Dawladda Soomaaliya ay ka go’tahay horumarinta Shaqaalaha , siyaasadaha Shaqada iyo xal u helida dhibaatooyinka Shaqada ee Dhallinyarada , isagoo markaa sheegay iskaashiga Masar inuu door weyn ka qaadanayo dadaalladaa , wuxuu markaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay Dalka Masar.

 

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS oo maanta kulan la yeeshay odeyaasha dhaqanka ee Galmudug

0

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta kulan wadatashi ah waxaa uu la yeeshay odeyaasha dhaqanka ee Galmudug isaga oo kala hadlay kaalintooda la xiriirta dib-u-heshiisiinta, xasilinta deegaannada laga xoreeyey Alshabaab iyo ka feejignaanta dhagartooda is kahor keenista beelaha.

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya , ayaa maanta tababar usoo xeray waaxyaha shaqaalaha ee hey’adaha kala duwan ee dowladda

0

MUQDISHO: 19:09:2022, Xoghayaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya Mudane, Deeq Ciise Cumar ayaa maanta u soo xirey Agaasimayaasha waaxyaha iyo Madax-Qeebeedyada Hay’adaha Dowladda Tababarkii ku saabsanaa Maareynta Heshiisyada iyo waxqabadka Shaqaalaha (Contact and Performance Management Training).

 

 

Tababarkaan oo maalmahan guddiga shaqaalaha ay u qabteen hay’adaha dowladda ayaa waxaa ka faa’iidaystey dhammaan Agaasimeyaasha waaxyaha shaqaalaha iyo Madaxa-Qaybyada & Hawlwadeenada waaxyaha shaqaalaha 25 ka mid ah Hay’adaha Dowladda.

 

 

Ugu dambeyn, xoghayaha  ayaa shaqaalaha qaadanayay tababarkan kula dardaarmay in ay ugu faa’ideeyaan wixii ay barteen shaqaalaha isla markaasna ay dhaqangeliyaan aqoonta ay halkaan ka faa’iideen.

 

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mr James Swan

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusu Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxa uu kusoo dhaweeyay kulanna kula qaatay Ergeyga gaar ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan iyo Kuxigeenka Ergeyga ee Arrimaha Bini-aadannimada Mr. Adam Abdelmoula. Iyadoona kulankaasi ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Xoghayaha Guud.

 

 

Danjire James Swan ayaa ugu horeyn Duqa Magaalada Muqdisho ugu Hambalyeeyay xilka marlabaad loosoo Magacaabay, asigoona u rajeeyay in uu waxbadan ka qaban doonno Horumarka, Dib-u-dhiska, Kobac dhaqaalaha, Amniga, Bilicda iyo Shaqo Abuurka Dhalinyarada. Taasi oo uu sheegay in Xafiiska QM ee Soomaaliya uu garab kusiin doonno Maamulka Gobolka Banaadir, sidii tiirarkaasi muhiimka ah loogu dhabeyn lahaa.

 

 

 

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray Xaalada Abaaraha ee dalka ka jira iyo dadka kusoo barakacay Caasimada Muqdisho sidii loogu gurman lahaa, isla markaana Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adda QM isaga kaashan lahaayeen u gurmashada Barakacayaasha iyo sidii gar-gaarka kadib xal waara loogu sameyn lahaa dadka kusoo barakacay Caasimadda Muqdisho.

 

 

 

Waxaa sii korortay tirada dhimashada maleeshiyaadka Alshabaab ee lagu laayay deegaanka Yasooman ee gobalka Hiiraan.

0
Waxaa sii korortay tirada dhimashada maleeshiyaadka Alshabaab ee lagu laayay deegaanka Yasooman ee gobalka Hiiraan.