Home Blog Page 602

SAWIRRO:Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ugu tagay Madaxweyne Hassan sheikh Mohamud.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ugu tagay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta xafiiska la wareegay.

 

Raisulwasaraha ayaa madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud warbixin ka siiyay socdaalkii uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta iyo habsami u socodka howlaha xukuumadda .

SAWIRRO:Madaxweynaha Hiirshabelle oo kormeer dhanka amniga ah ku tagay deegaan Xebeedka Ceelmacaan.

Ceelmacaan: 23, May, 2022: Madaxweynaha Dowladd goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gaaray deegaanka Ceelmacaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo agaasime cusub u magacaabay madaxtooyada Qaranka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Mudane Xuseen Sheekh uu tusaale u yahay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee dib u dhiska dowladnimada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed oo uu ku bixiyey waqti badan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey in uu u fududeeyo Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka gudashada waajibaadka horyaalla, waxa uuna uga mahad-celiyey Agaasimihii Hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise dadaalka uu bixiyey muddadii uu xilkan hayey.

Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud oo horey u soo noqday Sanatar ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa sanadkii 1982 waxa uu ku dhashay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, waxbarashada aas-aasiga ah iyo Jaamacadda heerka 1-aadna waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho, Waxbarashada heerka Labaad ee Jaamacaddana (Master Degree) waxa uu ka diyaariyey Daraasaadka Horumarinta, halka uu haatan ku guda jira takhasusuka Phd-ga ee Nabadda iyo Arrimaha Dowliga ah.

DHAMMAAD

Ra’iisul wasaare Rooble oo dalka dib ugu soo laabtay

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib socdaal 4 cisho qaatay oo uu ku tagay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu uga qeyb galay tacsida madaxweynihii geeriyooday ee Imaaraadka Carabta Allaha u naxariistee Sheikh Khalifa Bin Zayid.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble intii uu joogay Imaaraadka, waxa uu magaalada Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid oo uu uga tacsiyeeyay geerida madaxweynihii hore Sheikh Khalifa, sidoo kalena u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo mas’uuliyadda loo doortay ee hoggaaminta dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Sheikh Maxamed Bin Zayid gaarsiiyay dhambaal tacsi, salaan iyo hambalyo ah oo uu uga siday madaxweynaha dalka Xasan Sheikh Maxamuud.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta sida ay u garab istaagtay Soomaaliya xilliyadii adkaa, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaartay dadka Soomaaliyeed ee abaarta ba’ani hayso.

SAWIRRO:Maamulka Dhuusamareeb iyo bulshada magaaladaas oo deeq xoolo ah gaarsiiyey ciidamada qalabka sida.

Odayaasha dhaqanka iyo bulshada reer Dhuusamareeb ayaa deeq xoolo nool ah oo ay ugu talagaleen ciidamada qalabka ee ka qayb galay howlgalkii dhowaan ka dhacay Dhuusamareeb ku wareejiyay Duqa Dhuusamareeb macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow oo isla goobta ku gudoonsiiiyey Saraakiisha talisyada kala duwan ee ciidamada.

SAWIRRO:Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo xilka si rasmi ah maanta ula wareegay.

Munaasabad Maanta ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya waxaa Madaxweynihii hore ee dalka  Ee xilka ka dagay Maxamed Abdullaahi Farmaajo Xilka si rasmi Ah ugu wareejiyey madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Maxamuud oo 15-kii Bishaan lagu doortay Teendhada Afisiyooni .

MADAXTOOYADA OO KEYD QARAN U DIIWAAN-GELISAY XOGTA WARBAAHINEED EE VILLA SOOMAALIYA.

Muqidsho, May 23, 2022; Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay iclaaminaysaa in xogta warbaahineed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud lagala socon doono, maanta laga bilaabo, bogagga rasmiga ah ee Villa Soomaaliya ee mareegta internetka iyo Baraha Bulshada.

Maxkamada Racfaanka Magaalada Hargaysa oo maanta Xukuno kala duwan ku riday Wariyaal ka howlgalayey Deegaanada Soomaaliland .

0

Wariye Cabdimaalik muuse coldoon oo Muddo xirnaa ayaa maanta  Maxkamadda Racfaanka ee Magalaada Hargeysa ku xukuntay laba sano oo xarig ah iyo saddex milyan oo shilinka Somaliland oo ganaax ah.

SAWIRRO:Safiirka waddanka Germany ee Itoobiya, wakiilka hay’adda UNHCR ee Itoobiya oo maanta gaaray Magaalada Jigjiga .

0

Madaxweynaha Dowladd deegaanka Gobolka Soomaalida Itoobiya , mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay maanta  masuuliyiin ay hoggaaminayaan safiirka waddanka Germany ee Itoobiya, Stephen Auer iyo wakiilka hay’adda UNHCR ee Itoobiya, Dr. Mamadou Dian Balde.

Diyaargarowgii ugu dambeeyay ee xafiiska Villa-Soomaaliya  loogu wareejinayo Madaxweynaha Cusub ee dalka Hassan Sheekh Maxamuud oo socta.

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ka soconaya  u diyaargarowgii ugu dambeeyay ee xafiiska Villa-Soomaaliya  loogu wareejinayo Madaxweynaha Cusub ee dalka Hassan Sheekh Maxamuud.