Sawirro: Wasiirka dhalinyarada ee XFS oo balan-qaad ka soo saaray kulamo uu la yeeshay qaar ka mid ah dhalinta Soomaaliyeed

Date:

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS mudane Xil. Maxamed Barre Maxamuud ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay waday kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee Caasimadda Muqdishu ku nool.

Wasiirka ayaa dhalinyarada ka dhegaysanayay waxyaabaha muhiimadda u leh ee ay xukuumadda Dan-Qaran ka doonayaan inay dhalinyarada u qabato.

Dhalinyarada oo isugu jira kooxo kala duwan oo qayb walba ay goonideeda u abaabulan tahay ayaa isku mid ka ahaa inta badan baahiyaha dhalinyarada haysta oo ay shaqo la’aanta iyo duufsiga kooxaha xagjirka ahi ugu horeeyaan.

Kooxaha dhalinyarada ah ee wasiirku la kulmay waxaa ka mid ahaa dhalinyarada baahiyaha gaarka ah qaba oo iyaguna soo gudbiyay baahiyaha ay la wadaagaan dhalinyarada Soomaaliyeed iyo kuwa iyaga khaaska u ah ee ay ka rabaan xukuumadda Dan-Qaran inay ahmiyad gaar ah siiso.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa dhalinyarada uga sheekeeyay qorshaha xukuumadda Dan-Qaran ee Raisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre uu hogaamiyo ay ku doonayso in lagu jiheeyo si waxtar lehna looga faa’iidaysto awoodda dhalinyarada iyo in kor loo qaado ka qayb-galkooda siyaasadda iyo dib u dhiska dalkeenna.

Wasiirka ayaa balan qaaday inuu xukuumadda hor-gayn doono qorsheyaal lagu hormarinayo dhalinyarada Soomaaliyeed wuxuuna dhalinyarada ku baraarujiyay halganka dib u xoraynta ah ee dalka ka socda iyo sida loogu xisaabtami awoodda dhalinyarada.

Dhalinyarada ayaa wasiirka iyo xukuumadda Dan-Qaran u balan qaaday garab istaag buuxa iyo inay diyaar uyihiin sidii ay usoo ceshan lahaayeen magacooda sida xun looga faa’iidaystay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...