Muqdisho, Ogoosto 06, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku adkeeyey hirgelinta, horumarinta iyo ilaalinta shuruucda dalka si ay tusaale wanaagsan ugu noqdaan bulshada Soomaaliyeed.
Shir looga hadlayey Hormarinta Mashaariicda,iyo Xoojinta Amniga deganada KGS oo Baydhabo lagu qabtay
MUQDISHO-6-8-2022-;Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta,Amniga,Arimaha,Gargaarka,Cadaalada,Haweenka iyo Sarakiil ka socday Madaxtooyada ayaa maanta Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Madax ka socotay Hay,adda UNDP oo Baydhabo gaaray.
[DHAGEYSO] Soomalida Ku nool Canada oo soodhaweeyey mamnuucista Hubka oo ay ku dhawaaqday Dowladda Canada
MUQDISHO-6-8-2022-:Dowladda Canada ayaa si Deg –Deg ah u dhaqangalineysa mamnuucista Hubka oo ay ku dhawaaqday laba bilood ka hor iyadoo soomaalida ku nool Dalkaas ay arintaan soodhaweyeen.
Israel oo duqaysay Gaza iyo Islamic Jihad oo iyadna gantaalo ku ridday dhanka Israel.
Xoogagga Falastiiniyiinta ee ka tirsan garabka Islamic Jihad ayaa tobonnaan gantaal ku tuuray Israa’iil taasi oo jawaab u ahayd duqeymaha Israa’iil ee marinka Qaza ee lagu dilay taliye ka tirsan kooxdaasi , iyo sidoo kale 9 qof oo kale.
Ciidamada DDS oo sheegay in 800 oo katirsan Kooxda Al-shabaab ku dileen dagaalo ka dhacay Gobolka Afdheer
MUQDISHO-6-8-2022-:Guddiga ku-meel-gaarka ah ee Ciidamada Amaanka DDS ayaa shaaca ka qaaday in la dilay in ka badan 800 oo Maleeshiyada kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaa oo 24 ka mid ah ay ahayeen horjoogayaasha Al-Shabaab ee lagu dilay hawlgalada ay qaadeen Ciidamada ammaanku.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay dhiggiisa Uganda.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan Taliyaha xoogga Dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga Xasan Maxamed Gacaliye ayaa kulan maanta magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda kula qaatay Wasiirka Gaashaandiga dalka Uganda mudane Vincent Bamulangaki Ssempijja.
Kulan oo goobjoog uu ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Uganda Amb. Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) ayaa waxa labada wasiir ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa labada wasaaradood, ugu dambeyntiina qalinka ku duugay qodobadii (Minutes) laga wada hadlay
Sidoo kale wafdiga oo wasiirka Gaashaan dhiga XFS Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan Taliyaha xoogga Dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxa kulan la qaateen Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Uganda iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga military ee ka dhaxeeya labada dowladood.
Wafdigan ayaa ku jooga booqasho rasmi ah dalka Uganda ayaa la filayaa in hishiisyo is afgarad ah dhawaan ku kala saxiixdaan dalka Uganda.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo Bahda Saxaafadda Uga Tacsiyadeeyay Geerida Marxuum Cali Muuse
Shiinaha Oo Go’doon Galiyay Taiwan.
Dowladda Shiinaha ayaa Saaka qaaday Tallaabo horay Khubaraddu u saadaalisay oo ahayd in ay Taiwan galin doonta xaalad go’doon ah.
Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday inay dhoollatus Militeri oo weyn ka sameyn doonto Hawada iyo Badda ku dhow Taiwan, si jawaab loogaga dhigo booqashadii ay halkaas ku tagtay Afhayeenka Golaha Wakiillada Mareyknaka, Nancy Pelocy.
Tallaabada Shiinaha ayaa u muuqata qorshe Dagaal oo uu ku doonayo in uu Taiwan ku galiyo xaalad go’doon ah si ay u joogsato tageerada Dalalka reer Galbeedka oo Mareykanku ugu horeeyo.
In ka badan 50 Duullimaad oo iskugu jira kuwo caalami ah iyo kuwa Jaziirada ah ayaa maanta oo Khamiis ah baaqday sababo la xidhiidha howlgalka iyo dhoollatuska Militeri ee Shiinuhu ka bilaabay Hawadda iyo Badda ku dhow Taiwan.
Wasaaradda Gaashaandhiga ee Ismaamulka Taiwan oo war soo saaray waxay sheegtay in ay heegan galiyeen Hubkooda difaaca Hawada si ay uga jawaabaan Gantaallaha Shiinuhu Saaka ku tuuray Taiwan.
Dhanka kale Taliska Ciidanka Mareykanka war ay soo saareen goor sii horaysay waxay sheegeen in Maraakiibta Dagaalka gaar ahaan Markabka Xambaaraha ah ee loo yaqaan USS Ronald Reagan uu ku wajahan yahay Badda Koonfur Bari ee Taiwan, taas oo cabsida sii kordhisay in kasta oo xeel dheerayashu qabaan in xiligan aysan u badneyn in Dagaal ay isku fara-saraan Shiinaha iyo Mareykanku balse taas ay ka dhowdahay in Shiinuhu go’doomiyo Taiwan.
Dalalka reer Galbeedka ayaa ku caan baxay inay xiisado ku furaan Dowladdaha yaryar ee aqoonsi raadiska ah si Quwadaha dalalka ay ka go’ayeen tallaabo uga qaadaan.
Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa xili Dunidu wali ku jirto Dagaalka caalamiga ah ee Ukraine kaas oo bilaabmay kadib doonistii Ukraine ee NATO inay ku biirto halka jawaabtii ka dhalatayna ay noqotay Dagaalka Ruushku ku qaaday kaas oo sababay Masiibo caalami ah.
Ukraine ayaa markii hore isku helaysay Dalalka reer Galbeedka oo Mareykanku ugu horeeyo balse markii ay xaaladu faraha ka baxday Ukraine may helin taageeradii ay ka filaysay reer Galbeedka.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, oo marar badan hadlay iyadoo xaaladu ku adag tahay wuxuu sheegay in Dalalka reer Galbeedku ay hayaan tageero hadal ah balse aan qalbiga ahayn.
Si kasta ha ahaatee Tallaabada iyo Xiisada ka cusub Taiwan oo isku helaynaysa reer Galbeedka waxay u muuqataa mid u eg tii Ukraine ka dhacday, haddii Shiinuhu duqeeyo Jaziirada.
Haweenaydii xiisadan hadda taagan ee culus abuurtay ayaa ka baxday Taiwan waxayna hadda ku sugan tahay Kuuriyada Koonfureed iyadoo kulamo la leh Madaxda Dalkaasi.
Qaramada Midoobay Oo Lacag Ugu Deeqay Soomaliya.
War kasoo baxay Hay’adda OCHA ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha bini’aadantinimada xafiiskeeda Muqdisho ayaa lagu sheegay in khatarta macluusha Soomaaliya iyo dadka ku barakacaya ay aad kor ugu kacday.
Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna isku duwaha gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya Adam Abdelmoula oo ka hadlay xaaladda abaaraha ayaa sheegtay inay OCHA bixisay 9.5 milyan oo dollarka Maraykanka ah, si gargaar degdeg ah loogu fidiyo bulshooyinka ku dhaqan meelaha khatarta ugu badan ay ka jirto.
Danjire; Adam Abdelmoula ayaa sheegay in qoondada cusub ee Sanduuqa gargaarka Bani’aadantinimo ee Soomaaliya (SHF) ay muhiimad gaar ah u yeelan doonto sidii kor loogu qaadi lahaa wax ka qabashada baahiyaha bulshooyinka ay sida daran u saameeyeen ee gobollada Baay iyo Bakool.
“Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay musiibo bini’aadantinimo, haddana waxaa loo baahan yahay gargaar, si wax looga qabto baahiyaha sida xawliga ah u koraya, si looga hortago natiijooyinka ugu xun ee ka dhasha abaaraha,” ayuu yidhi, Adam Abdelmoula.
Qaramada midoobay ayaa sheegtay in khatarta macluusha ee Soomaaliya ay sii korodhay , taas oo saameeysay in ka badan 7 milyan oo qof, ayna ku barakaceen dad kor u dhaafaya 900,000 oo qof , iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo daaq, kuwaas oo u badan Haween iyo carruur.
DAAWO: Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka Warbixiyay Howlgal qorsheysan oo ay qaadeen ciidanka xooga dalka.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan Ayaa Sheegay in Argagixasadu Tahay “Dilaha Diinta, Dilaha Aqoonta, Dilaha Garashada iyo Dilaha Garashada”.
HOOS KA DAAWO
