Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyey kulan looga hadlay Hindisaha Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo looga hadlay gudbinta Hindisaha Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdulqaadir Cali iyo Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Mudane Liibaan, ayaa diiradda lagu saaray dhammeystirka hindise sharciyeedka lagu hagayo maamulka goleyaasha deegaanka ee dhawaan la soo doortay.

Hindisahan ayaa laga soo tashaday ururrada siyaasadda, Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo ujeeddadu tahay in la helo sharci rasmi ah oo qeexaya habraaca iyo maamulka goleyaasha degmooyinka.

Sidoo kale, xeerkan ayaa si cad u qeexaya xiriirka wada shaqeyneed iyo masuuliyadaha u dhexeeya Maamulka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka hoos yimaada, si loo xoojiyo hufnaanta maamulka iyo adeegyada loo fidinayo shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...