Home Blog Page 5

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in ka badan 90 dal oo caalamka ah, ayaa booqasho ku tagay xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang ee magaalada Beijing, taas oo kamid ah astaamaha ugu waaweyn ee daawada dhaqanka Shiinaha. Wafdigaasi waxaa qeyb ka ahaa wakiil ka socday Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Qoyska, iyadoo halkaasi lagu qabtay barnaamijyo lagu dhiirrigelinayay caafimaadka qoysaska iyo isdhexgalka bulshada.

Martidii ka qeyb gashay munaasabadda ayaa si dhow ugu kuurgashay taariikhda dheer ee Beijing Tongrentang iyo kaalinta ay ku leedahay daawada dhaqanka Shiinaha.

Goobta waxaa lagu soo bandhigay hiddo iyo dhaqammo kala duwan oo ay kamid ahaayeen farshaxanno dhaqameed, qoraallo Chinese ah, cunnooyin gaar ah iyo adeegyo caafimaad oo ku saleysan daawada dabiiciga ah.

Sidoo kale, martida ayaa la wadaagtay macluumaad ku saabsan horumarka ay Shiinuhu ka sameeyeen isku dhafka dhaqanka iyo casriyeynta adeegyada caafimaadka.

Masuuliyiinta qabanqaabada ayaa sheegay in munaasabaddan ay ujeeddadeedu tahay xoojinta xiriirka qoysaska, isdhaafsiga dhaqamada iyo kor u qaadidda caafimaadka bulshada. Waxay sidoo kale tilmaameen in ka qeybgalka wariyaasha caalamiga ah uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo isfahamka iyo xiriirka warbaahinta caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Buurhakabo ee gobolka Baay, halkaas oo ay ka jiraan xaalado bani’aadannimo oo aad u daran.

Wafdiga waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Cabdi Caruush, Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Isku-duwaha Gargaarka Bini’aadannimada, George Conway, iyo wakiillo ka socday hay’adaha gargaarka.

Wafdiga ayaa magaalada Buurhakabo ka daahfuray gargaar loogu talagalay 2,500 oo qoys oo nugul, kaas oo ay iska kaashadeen Hay’adda SoDMA iyo dowladda Shiinaha.

Sidoo kale, wafdiga ayaa kulan la yeeshay hay’adaha gargaarka, waxayna kormeer ku tageen xeryaha barakacayaasha iyo isbitaalka weyn ee magaalada, halkaas oo ay ku arkeen xaaladaha adag ee nololeed iyo caafimaad ee ka jira degmada.

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

0

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir kulan kula qaatay Imaam Daahir Imaam Maxamuud, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, xubno ka socday bulshada rayidka, saraakiisha amniga iyo masuuliyiinta maamulka degmada, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardargelinta wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka iyo bulshada.

Agaasimaha NISA ayaa kulanka ka sheegay in amnigu yahay mudnaanta koowaad ee dalka, isla markaana loo baahan yahay in bulshada ay garab buuxa siiso ciidamada ammaanka, si looga hortago khataraha Khawaarijta iyo falalka amni darrada ah.

Dhankooda, qeybaha kala duwan ee ka qeybgalay kulanka ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda ee sugidda amniga, iyaga oo ballanqaaday in ay sii xoojin doonaan kaalintooda ku aaddan nabadgelyada, wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka iyo dowlad-dhiska.

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii waddo dadaallo iyo xiriirro xooggan oo lagu dedejinayo sii deynta badmaaxiinta Masaarida ah ee lagu afduubtay markabka shidaalka qaada ee “M/T Eureka”.

Wuxuu xusay in ay socdaan wada-shaqeyn iyo dhaq-dhaqaaqyo heerar kala duwan ah si loo xaqiijiyo badqabkooda iyo inay si degdeg ah ugu laabtaan dalkooda. Hadalkan ayuu safiirku sheegay xilli uu kulan la yeeshay kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Afrika, Karim Sherif. Safiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si weyn u danaynayso arrintan, isla markaana ay waddo xiriirro heer sare ah oo lala leeyahay dhinacyada ay khusayso si loo xalliyo dhibaatada loona soo afjaro afduubka.

Sidoo kale, Safiir Cali Awaare ayaa adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta ay la leedahay Masar, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo badaha. Wuxuu tilmaamay in ay muhiim tahay in dowladaha ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay iska kaashadaan la tacaalidda caqabadaha wadajirka ah iyo sugidda amniga iyo xasilloonida gobolka.

Dhanka kale, safiirka ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada ay siiso midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo doorka ay ka qaadaneyso taageeridda hay’adaha dowladda Soomaaliya, la dagaallanka argagixisada, iyo xoojinta nabadda iyo horumarka dalka.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Geneva kaga qayb galay shir muhiim ah

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa ka qayb galay meertada 64-aad ee Shirka Wasiirrada Caafimaadka Carabta oo ka qabsoomay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, kana barbar socday Shirweynaha 79aad ee Caafimaadka Adduunka(WHA79).

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga caafimaadka ee dalalka Carabta, horumarinta adeegyada caafimaadka, u diyaar garowga xaaladaha degdegga ah, iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo daryeel caafimaad oo loo siman yahay.

Wasiirka ayaa intii uu kulanku socday adkeeyay muhiimadda iskaashiga gobolka, is-dhaafsiga khibradaha caafimaadka, iyo taageerada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nidaamyada caafimaadka dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo tababar muhiim ah soo xiray

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Cali ayaa si rasmi ah u soo xiray tababar socday muddo saddex maalmood ah oo ku saabsanaa habraacyada iyo farsamooyinka soo saarista Majalladaha Dowladaha Hoose ee Dowlad Goboleedyada dalka.

Agaasime Cabdul ayaa sheegay in Wasaaraddu qabatay tababarkan si kor loogu qaado awoodda iyo xirfadaha howl-wadeennada ka socday Dowlad Goboleedyada, si ay u diyaarin karaan majallado ka tarjumaya mashaariicda horumarineed iyo howlaha kala duwan ee laga fulinayo dowladaha hoose. Waxaana uu xusay in arrintani ay qeyb muhiim ah ka tahay xoojinta isla xisaabtanka, daahfurnaanta, iyo wacyigelinta bulshada.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 79-aad ee Caafimaadka Adduunka

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa maanta ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 79-aad ee Caafimaadka Adduunka, oo si rasmi ah uga furmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiirka waxaa safarkiisa ku wehliyay wafdi ka kooban agaasime-waaxeedyo iyo howl-wadeenno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, iyagoo matalaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana qeyb qaadan doona doodaha, kulamada doceedyada iyo go’aamada muhiimka ah ee shirka.

Shirweynahan oo sanad walba ay isugu yimaadaan madaxda caafimaadka ee caalamka ayaa sanadkan diiradda lagu saarayay horumarinta nidaamyada daryeelka caafimaadka, xoojinta iskaashiga caalamiga iyo diyaarinta istaraatiijiyada lagu wajahayo caqabadaha caafimaad ee dunida ka jira.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS waxaa ka go’an in ay sii waddo horumarinta adeegyada caafimaadka dalka, xoojinta iskaashiga caalamiga ah, iyo ka qeyb qaadashada madalaha muhiimka ah ee lagu horumarinayo caafimaadka guud.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milatari

0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, oo uu weheliyo Taliyaha TÜRKSOM, Sarreeye Gaas Sebahattin Kalkan, iyo saraakiil kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, dardargelinta howlaha socda, gaar ahaan tababarrada ciidamada, taageeridda dhismaha awoodda difaaca iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah u xusay doorka ay ka qaadato la dagaallanka argagixisada, tayeynta ciidamada iyo guulaha laga gaaray iskaashiga Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan kooxo kasoo horjeeda dowlad-dhiska Soomaaliya oo dhibsada xiriirka sii xoogeysanaya iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Daahfuray Olole Qalliimo Wadnaha Ah Oo Loo Sameynayo 11 Carruur Ah

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray olole qalliimo wadnaha ah oo loo sameynayo 11 carruur ah oo la ildaran xanuunnada wadnaha.

Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ololahan caafimaad ay ka faa’iideysan doonaan 11 carruur ah oo u baahan qalliimo wadne,iyadoo qarshaadka ku baxayo uu bixinayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

“Waxaan maanta daahfurnay olole qalliimo wadnaha ah oo loo sameynayo 11 carruur ah,” ayuu yiri Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir.

Dhanka kale, Xoghayaha Gobolka Banaadir Bilan Bile Maxamuud ayaa sheegtay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu kafaala-qaaday daaweynta carruurtan maraya qalliinnada wadnaha.

“Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kafaala-qaaday daaweynta 11-kan carruurta ah ee maraya qalliinnada wadnaha,” ayay tiri Xoghayaha Gobolka Banaadir Bilan Bile Maxamuud.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo sameeyay kormeer lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda

0

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa sheegay in amniga caasimadda Muqdisho uu yahay masuuliyad wadajir ah, isla markaana maamulka gobolka ay ka go’an tahay xoojinta nabadgelyada iyo wada shaqeynta shacabka iyo ciidamada ammaanka.

Guddoomiye Yabooh oo ka hadlayay kormeer amni oo uu ka sameeyay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in kulamadii ugu dambeeyay ee maamulka gobolka iyo saraakiisha ammaanka ay yeesheen diiradda lagu saaray adkeynta amniga caasimadda iyo dhaqan-gelinta jadwalka heeganka habeenkii si loo kordhiyo feejignaanta amni.

Waxa uu tilmaamay in kormeerka uu salka ku hayay hubinta hirgelinta heeganka habeenkii ee degmooyinka kala duwan ee Muqdisho, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan amni iyo xasillooni buuxda.

“Amniga Caasimadda waa masuuliyad wadajir ah, waxaana naga go’an inaan xoojino nabadgelyada iyo wada shaqeynta shacabka iyo ciidamada ammaanka,” ayuu yiri Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Sidoo kale, Guddoomiye Yabooh ayaa ciidamada ammaanka iyo saraakiishooda ku boorriyay inay laba jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga muwaadiniinta ku nool caasimadda, isla markaana la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta shacabka iyo hay’adaha ammaanka.