Home Blog Page 595

Munaasabad loogu dabaal-dagayay Sanad guurada 16-aad ee kas oo wareegatay aas aaskii Galmudug oo lagu qabtay magaalada Johannsebrug

0

Munaasabad loogu dabaal-dagayay Sanad guurada 16-aad ee kas oo wareegatay aas aaskii Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu qabtay magaalada Johannsebrug ee dalka Koonfur Afrika.

Xaflada oo aheyd mid aad ubalaaran ayaa waxaa kas oo qeyb-galay qeybaha kala duwan ee Jaaliyada kuwaas oo isugu jira Odayaal,Ganacsato,Waxgarad iyo boqolaal dhalinyaro ka kala yimid magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi.

Intii ay socotay Munaasabadan waxaa qadka telefoonka ugu qeybgalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Ahmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor ) isagoo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ku boogaadiyay ka warqabka dalka.

Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor waxa uu ugu baaqay inay Jaaliyadda kasoo jeeda Gobolada dhexe ay kasoo qeyb-qaataan gurmadka dadka abaaruhu ku saameeyeen dalka gaar ahaan deegaanada Galmudug.

Gabagabada Munaasabada ayaa waxaa Shahaadooyin la gudoonsiiyay qaar ka mid dhalinyaradii soo abaabusha xaflaad waxaana sidoo kale xaflada sanad-guurada aas aaska Galmudug lagu qabtay Magaalada Johannsebrug ee dalka Koonfur Africa.

 

Madaxweyne Dani oo maanta qaabilay madaxa ugu sareeya Hay’adda Save the Children Soomaaliya

0

Muqdsiho, 14, Ogoosto, 2022: Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay madaxa ugu sareeya Hay’adda Save the Children Soomaaliya Maxamuud Maxamed Xasan oo ay weheliyaan masuuliyiinta Hay’adda ee faraca Puntland.

16-sano Guurada Galmudug Oo Lagu Qabtay Muqdisho (SAWIRO).

Munaasabad Lagu Xusayay 16 Sano Guurada Galmudug Kasoo Wareegtay Markii La Aasaasay Ayaa Xalay Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda Oo ay soo Abaabuleen Galinyarada Galmudug Ee Gobolka Banaadir ayaa Waxaa Kasoo qayb Galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Ee Deegaan Doorashadoodu tahay galmudug, masuuliyiin ka tirsan galmudug, qaar ka mid ah Aasaasayaashii galmudug, qorbajoog, fanaaniin, Aqoon yahano iyo marti Sharaf kale.

Inta aay socotay Munaasabadda ayaa laga sheekeeyay Heerarkii uu soo maray Dhismaha Galmudug iyo Caqabadihii laga Soo Gudbay. Wasiir hore Galmudug Abdiqaadir Ali Jaamac Qalabxoor oo ka mid ahaa aas aasayaashii Galmudug ayaa Sheegay dhismaha galmudug loo dhanyahay laga soomaray Caqabado Culus.
“Waxaa Farxad weyn ii ah 16sano kadib inaan caawa joogo Dabaal dagga Maamulka oo San Geed fariisi usoo ahaa Maalmo badan si loo dhiso Galmudug” ayuu Yuri Wasiir Qalab-xoor.

Xildhibaan Abdirahman Cagaweyne iyo Xildhibaan Omar Ali Abdi ayaa sheegay Inay ka Shaqeyn doonaan Galmudug Xor ah, Nabadoon oo Deegaanadoodu Nabad Loogu Dabaal Dago.

16 8 2006 Ayaa Galmudug aas aaskeedi Laga Bilaabay Koofurta Galkacyo Waxaana labalaariyay 2013kii kolkaasi aay isku Biireen Maamuladii Gobolada Dhexe.

Ciidamada Amniga deegaanka Buursaalax ee Puntland oo gacanta ku dhigay ninkii ugu saareeyey kooxaha deeganada maamulkaas galiya waxyabaha maanka dooriya

0

Taliska ciidanka Booliska Degaanka Bursaalax ee Gobolka Mudug dhanka maamulka Puntland  ayaa ka warbxiyey hawl-galo ay ku soo qabteen maandooriyaha khamriga iyo kooxihii watay.

[DHAGEYSO] Dab ka kacay magaalada Jigjiga oo  la sheegay iney ku dhinteen 4 carruur oo hal qoys ah.

0

Dabkaan oo ka kacay xaafad kamid ah magaalada Jigjiga, ayaa ka kacay xaafad ay ka soctay xaflad aroos oo xalay halkaasi ka dhaceysay.

Ciidanka isku dhafka Xasilinta booliiska Gobalka Mudug oo lagu wareejiyey laba gaari oo ah nuuca dagaalka

0

Masuuliyiin ka tirsan dowladd gobaleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta si wadajir ah ugu wareejiyay labo gaari Ciidanka isku dhafka Xasilinta booliiska Gobalka kuwaas oo suga amniga Gobolka Mudug.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilalka u kala wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Wasiirkii hore

0

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga XFS Xildhibaan Jibriil Abdirashiid Xaaji, Wasiiru-dawlaha cusub Md. Abdisalaan Shariif Xuseen iyo Wasiir ku xigeenka cusub Md. Osman Mohamed Abdi(Daalo), ayaan maanta xilkii Wasaaradda si rasmi ah uga la wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xildhibaan. Khaliif Cabdi Cumar, Wasiiru-dawlahii hore Md. Abdulkaadir Shariif Sheekhunaa Maye iyo Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaraddaas Md. Cali Maxamed Sheekh Bagadi.

Munaasibadda xil-wareejinta oo ka qabsoontay xarunta Wasaaradda, ayaa waxa goob-joog ka ahaa oo xilka u kala wareejiyey Ra’iisal Wasaare ku xigeenka XFS Md. Saalax Axmed Jaamac.

Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay deeq raashin oo ka timid dalka aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta

0

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Gen. Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Maxamed Abuukar Zubeyr iyo masuuliyiin kale ayaa la wareegay deeq raashin oo ka timid dalka aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta.

Deeqda oo ka kooban 40 konteenar ayaa isugu jira cuntooyin kala duwan oo loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Dowladda Soomaaliya waxay ka shaqeyneysaa inay u gaarsiiso dadka ugu baahida badan ee gobollada dalka sida ugu dhaqsiyaha badan.

FG: Sixid tirada konteerada waa 40

Wasiirka cusub ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Xamse Siciid Xamse

0

Wasiirka cusub ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Xamse Siciid Xamse, ka dib, munaasabad ka dhacday Xarunta Wasaaradda oo goob-joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Wasiirka xilka wareejiyey shaqadii uu dalkiisa u soo qabtay, isagoo u rajeeyey Wasiirka cusub in Eebe u fududeeyo shaqooyinka qaranka.

Xildhibaano katirsan BFS oo maanta gaaray deegaanka Hees oo kamid ah deegaandii dhawaan laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-shabaab

0

Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Buraale Raaxeeye oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray deegaanka Hees oo kamid ah deegaandii dhawaan laga xoreeyay maleeshiyaadka argagaxisada ah ee Al-shabaab.

Waxaana kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka ee is abaabulay oo dhawaanahaan iyagu qeyb ka ahaa howlgalada, deegano katirsan gobalka hiiraan looga xoreynayay maleeshiyaadka argagexesada ah ee Al-shabaab.

Xildhibaanadda ayaa dhiiri-galinayay ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo isku kaashanaya sidii la isaga dulqaadi lahaa kooxaha nabad diidka ah ee argagaxisada Al shabaab.