Wasiiru-dowlaha Batroolka oo Kulan Laqaatay Agaasime Qeybsada Wasaaradda (SAWIRO)

Date:

Ku simaha Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Mudane Maxamuud Axmed Maxamuud (Mashruuc) ayaa kulan la qaatay dhammaan Agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.

Ujeedada shirkan ayaa ahaa
sidii loo dar dar gelin lahaa qorshayaasha hortabinta u leh siyaasadda guud ee qaranka ee ku aadan soo saarka khayraadka dalka iyo ka faa’iideysigiisaba.

Mudadii uu shirku socday Agaasimayaasha Waaxyaha ayaa soo gudbiyay qorshe howleedka waaxyaha iyo caqabada jira, sidoo kale waxaa lagu falanqeeyay xalka lagaga gudbi karo caqabadahaas jira.

Ugu dambeyn, ku simaha Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Maxamuud Axmed Maxamuud (Mashruuc) ayaa soo xiray shirka, waxa uuna faray dhamaan Agaasimayaasha waaxyaha in ay dar dar galiyaan howlaha horyaal waax kasta, lana fuliyo dhammaan qorshayaasha Socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...