Home Blog Page 596

Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddoomiyey shir looga hadlayey amniga iyo arimaha Garsoorka

0

Madaxweynaha Dowladd goboledka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoonshay shirka guddi hoosaadyada Golaha Wasiiradda ee Tiirarka Siyaasadda loo dhanyahay, Amniga iyo Cadaaladda.

Kulankaan ayaa looga hadlay xaqiijinta nabad galyada Caasimadda oo wax badan laga qabtay iyo Howlgalada lagu baacsanayo Kooxaha argagixisada ee ka socda degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay Dardargalinta qaab dhismeedka Hay’addaha Garsoorka, dib u howlgalinta iyo geeddi socodka dhismaha Golayaasha Deegaanka.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay dhamaan Guddi hoosaadyada Golaha Wasiiradda iyo Howlwadeennada Madaxtooyda ee Tiirarka Siyaasadda loo dhan yahay iyo Amniga iyo Cadaaladda oo aad isugu howlay qabsoomida shirkaan iyo dabagalka fulinta qodobada lagu balamay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo saraakisha amniga kala hadlay adkeynta amniga Maamulkaas

0

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey Shir deg deg ah oo ay isagu imaadeen Saraakiisha Laamaha Amniga Qeybahooda kala Duwan,kuwa Atmis iyo Saraakiil ka socday Dowlada Ingiriiska.

 

Shirka waxaa diirada lagu saaray Xoojinta Amniga,Iskaashiga qeybaha kala duwan ee Ciidanka,Wadaagida Xogaha Argigixisada ay ku dhibaateyaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Xoojinta Howlgalada Socda.

 

Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre oo maanta xilalka u kala wareejiyay Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha iyo wasiirka cusub ee wasaaradaas

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshisiinta  Mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Jen Mukhtaar Xuseen Afrax.

[DAAWO+SAWIRO]Wasiirka Cusub ee Wasaarada Warfaafinta oo maanta si rasmi ah xilkiisa ugala wareegay

0

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejiyay wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta XFS Sen. Cusmaan Abuukar Duube iyo wasiirka Cusub ee wasaaradda warfaafinta XFS Daa’uud Aweys Jaamac.

 

Munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha wasaaradda warfaafinta ayaa waxaa ka qeybgalay, wasiir ku xigeenka wasaaradda, agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, agaasima waaxeedyada wasaaradda, shaqaalaha iyo marti sharaf kale.

 


Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho oo digniin adag diray

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay dib-udhiska Buundada 1-Aad ee Israac oo dhaxmarta degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab oo ay ka muuqato burbur.

Argagixisada Al-shabaab oo laga saaray deegaano katirsan goabolka Hiraan

0
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ,Saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka , NISA &Booliska dowlad goboleedka Hirshabelle sidoo kale Dadka degaanka oo is Abaabulay ayaa qeybka ah Hawlgalka dib u Xoreynta Gobolka Hiiraan.

Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo weli wada howlgalka ka dhanka ah Argagixisada Allshabaa

 

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ,Saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka , NISA &Booliska dowlad goboleedka Hirshabelle sidoo kale Dadka degaanka oo is Abaabulay ayaa qeybka ah Hawlgalka dib u Xoreynta Gobolka Hiiraan.

Howlgalkan ayaa lagu baacsanayaa Argagixisada alshabaab oo dhibaato Xoogan ku haysay Shacabka ku dhaqan Gobolka Hiraan, waxana laga tilmaami karaa Falalka ay gestaan Gubida Guryaha ay dagan yihiin shacabka, Ceelashii ay biyaha ka cabi jireen iyo Ateenooyinka isgaadhsiinta.

Saraakiisha Ciiidamada & Masuuliyiinta Maamulka Hiraan ayaa sheegay in Guulweyn laga gaaray Hawlgalka ka socda gobolka Hiiraan.

Kullan ciyaareed kubadda cagta ah oo lagu soo dhoweynayay, looguna hambalyaynaayay wasiirka cusub ee dhallinyarada iyo ciyaaraha ee XFS oo lagu qabtay magaalada Istanbul

0

Kullan ciyaareed kubadda cagta ah oo lagu soo dhoweynaayay, looguna hambalyaynaayay wasiirka cusub ee dhallinyarada iyo ciyaaraha ee XFS, mudane Xildhibaan Mohamed Bare Mohamud ayaa lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Shacabka Bariga Gobolka Mudug oo Ka Dayriyay Xaalad Nolal Xumo oo Aay Wajahayaan.

0

Bulshada ku dhaqan deegaanada Bari ee gobolka mudug ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda bini aadanimo ee soo wajahay dadka iyo xoolaha.

Maamulka iyo qaar kamid ah shacabka deegaanka Fayuuke ayaa warbaahinta Qaranka Soomaliyeed u sheegay inay jirto xaalad ka dhatay abaarta Gobolka mudug  ka jirta  mudada ku dhow 5-ta sano .

Qaar ka tirsan Odayaasha dhaqanka deegaanka ayaa sheegay in ay dadka iyo duunyaduba ku dhaqan halkaasi ay iminka soo foodsaartay xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Gudoomiyaasha Bandarqaali iyo Fayuuke ,Sh Muxuyidiin iyo C/risaaq ayaa xaqiijiyay in deegaanada Bariga Gobolka mudug ay ka jirtaan  xaalado biniaadanimo oo u baahan ghurmad degdeg ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kaddib Booqasho Rasmi Oo Uu Ku Joogay Dalka Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku joogay muddo afar cisho ah dalka Uganda ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa dalka Uganda waxa uu kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni, waxa ayna labada Madaxweyne si wadajir ah u shir guddoomiyeen Madasha Iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Uganda oo ku saabsnayd fududeynta maalgashiga, kobcinta wax-soosaarka, xaqiijinta is-dhaafsiga ganacsiga iyo badeecadaha ee labada dowladdood.
Sidoo kale, wafdiga heer wasiirro ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku wehelinayey safarkan ayaa dhiggooda dalkaas la saxiixday heshiisyo lagu dhaqan-gelinayo go’aannadii ka soo baxay kulanka labada Madaxweyne iyo Madasha Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda, si loo dardargeliyo qorsheyaasha hortebinta u leh labada dal ee shaqo abuurka dhallinyarada, xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, warshadaha iyo hannaanka maaliyadeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga amniga labada dal iyo nabadda Gobol, si loogu guuleysto dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah.