Home Blog Page 596

Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo xalay ka qeybalay munaasabad lagu abaal marinayay guddiyadii iyo howlwadeennadii doorashooyinka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad lagu abaal marinayay guddiyadii iyo howlwadeennadii doorashooyinkii dalka ka dhacay ayaa ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee ay dalka kaga soo gudbiyeen marxaladdii doorashada.

Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo caawa magacaabay Lataliyeyaal Cusub.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu u magacaabay mudaneyaashan hoos ku xusan Lataliyeyaal Madaxweyne;

Madaxweyne Hassan sheikh oo dowladda Imaraadka carabta uga mahadceliyey garab istaaga umadda soomaaliyed .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kula kulmay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Al Cusmaan.

Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Abdi Hashi Abdullahi ayaa Xafiiskiisa Aqalka Sare ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Mudane Mehmet Yilmaz.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta anisxiyey Magacaabista Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo loo magacaabay Mahad Maxamed Salaad.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay Magacaabista Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka kaas oo loo magacaabay Mudane Mahad Maxamed Salaad.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber.

Allaha u naxariistee Ex Senator Jawaahir Axmed Cilmi oo maanta ku geeriyootay dalka Hindiya

0

Allaha u naxariistee Ex Senator Jawaahir Axmed Cilmi ayaa maanta ku geeriyootay dalka Hindiya, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku xanuunsaneed, sida ay ehelladeedu u xaqiijiyeen Warbaahinta Qaranka.

Taliska ciidanka Booliiska Magaalada Gaalkacyo oo gacanta ku dhigay Kooxo burcad ah.

Taliska ciidanka booliiska dagmada Gaalkacyo ayaa faah- faahin ka bixiyay howlgalo lagu sugayay amniga oo ay ka sameeyeen Magaladaas sadaxdii maalmood ee u danbeysay.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha ee Soomaaliya oo la kulmay Isu-duwaha Koonfurta Soomaaliya ee dalladda isku tagga hay’addaha aan dowliga aheyn iyo Guddoomiyaha Hay’adda Tadaamun ee arrimaha samafalka.

0

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha ee Soomaaliya ayaa la kulmay Isu-duwaha Koonfurta Soomaaliya ee dalladda isku tagga hay’addaha aan dowliga aheyn iyo Guddoomiyaha Hay’adda Tadaamun ee arrimaha samafalka.

Xubnahaan ayaa Ergayga gaarka la wadaagay warbixinno la xariira xaaladda abaaraha ee dalka, iyagoo dhinaca kale sheegay in ay muhiim tahay wadashaqeynta hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn.

Ugu dambeyn, Ergayga ayaa u mahadceliyay xubnahaan, isagoo dhinaca kale boorriyay in ay wadashaqeyn buuxda yeelan doonaan, si dalka looga samatabixiyo abaaraha.

SAWIRRO:Ra’iisulWasaare Rooble oo maanta goobjoog ka noqday munaasabad ay dowladda Imaaraadka Carabtu ay Soomaaliya ugu wareejinaysay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ka ahaa munaasabad ay dowladda Imaaraadka Carabtu ay dowladda Soomaaliya ugu wareejinaysay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar.