Home Blog Page 594

Xaalada bini-adanimo dadka ku nool Tuulooyin hoostaga Degmada Mahadaay oo laga deyrinaayo.

Waxaa laga deyrinayaa xaaladda bini-adanimo dadka ku nool Tuulooyin hoostaga Degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo uu ka dilaacay xanuunka shuban biyoodka.

Wafdi ka socda Hay’adda Wadaniga ah ee Tadamun oo ka shaqaysa arrimaha bulshada oo kulan la qaatay madaxweynaha Dowlad goboleed Koonfur Galbeed

Wafdi ka socda Hay’adda Wadaniga ah ee Tadamun oo ka shaqaysa arrimaha bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Howlaha Gargaarka iyo Horumarinta ayaa xalay  kulan la qaatay madaxweynaha Dowlad goboleed Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Madaxweyne Hassan sheikh maxamuud oo ka tacsiyeeyey Geeridii ku timid Marxuum Cabdulaahi Maxamed Shirawac.

Muqdisho, MAY 29, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Ergayga gaarka ah Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha gurmadka abaaraha iyo wasiirada Gargaarka dowladd goboleedyada oo kulmay.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa xalay kulan fogaan arag ah la yeeshay dhammaan wasiirrada Gargaarka Dowlad Goboleedyada ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, xubno kale oo ka kala tirsan Xafiiska Raysal wasaaraha iyo Wasaarada Gargaarka ee XFS.

Ra’iisul-wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid marxuum Cabdullahi Maxamed Shirwac

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyey geerida allaha u naxariistee Marxuum Cabdullahi Maxamed Shirwac oo xubin firfircoon ka ahaa dalladda Bulshada Rayidka ah ee Soomaaiyeed oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho

DHAGEYSO:Qof Nuucee ah ayuu Ahaa Rabbi ha Unaxariistee Cabdullahi Maxamed Shirwac oo muqdisho ku geeriyooday.

Alle ha Unaxariistee waxaa  xalay xilli danbe Magaalada muqdisho ku geeriyooday sida ay warbaahinta u xaqiijiyay ehelkiisa, Prof Cabdullahi Maxamed Shirwac oo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ku xanuunsanaa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay Danjiraha Qatar .

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulan la qaatay Safiirka dowladda Qatar u fadhiya dalkeenna Amb. Hassan bin Hamza Hashem.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan gurmadka abaaraha oo kulan la yeeshay safiirka Ingriiska ee Soomaaliya.

0

Muqdisho May 28, 2022- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la yeeshay Danijira ha Boqortooyada Ingriiska Kate Foster.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha oo kulan la qaatay James Swen .

Muqdisho-May 28, 2022– Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha, Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swen iyo Xariiriyaha gargaarka bani-aadannimada Adam Abdelmoula.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MARXUUM CABDULLAAHI CABDI GARRUUN IYO MARXUUMAD JAWAAHIR AXMED CILMI.

uqdisho, May 28, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdullaahi Cabdi Garruun iyo Marxuumad Jawaahir Axmed Cilmi oo labaduba soo noqday Sanataro hore oo ka tirsanaa Aqalka Sare ee Baarlamaank JFS.