Home Blog Page 594

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraaakiil kale oo gaaray deegaanka Teedaan oo shalay laga xoreeyey Al-shabaab

0

Muqdisho-15-8-2022:Iyadoo Gobolka Hiraan uu ka soconayo  hawlgalo lagu baacsanayo Argagixisada Al-shabaab ayaa Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi Taliyaha Qaybta 27aad CXDS , iyo Saraakiil kale ayaa Booqday maanta Furimaha Hore dagaalka Gaar ahaan degaanka teedaan oo shalay afka ciida loogu daray Argagixisada iyagoo kulamo la qaatay Saraakiisha Hogaaminaysa Ciidanka iyo masuuliyiinta kale Ee heer maamul goboleed iyo heer fadaraal ee Sugan Agaas.

Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle oo gaaray Buula-Burde

0

Muqdisho: 15, Agoosto, 2022: Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Buulo Burde.

Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Wafdigiisa oo si diiran loogu soo dhoweeyay Degmada Buulo Burde ayaa inta ay joogaan waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Maamulka Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa sidoo kale xoojin doono howlgalada baahsan ee lagula dagaalamayo kooxaha argagixisada ee ka socda Degmooyinka Maxaas iyo Matabaan.

 

 

[SAWIRO]Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo gaaray maanta Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

0

Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Maxamed Isxaaq Cabdi oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada KG Mohamuud Maxamed Khayre, Gudoomiyaha Gobolka Baay Cabdifataha Maxamed Ibraahim Biano, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta KG iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray maanta degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

[Daawo]Maxaa iska bedelay ciyaaraha ama madadaalada caruurta gaar ahaan gabdhaha da’doodu ka yartahay 10-ka sano.

Muqdisho-15-8-202-:Warbixintaan waxa ay ka hadlayaa Maxaa iska bedelay ciyaaraha ama madadaalada caruurta gaar ahaan gabdhaha da’doodu ka yartahay 10-ka sano.

Markab sarreen ka qaaday dalka Ukraine oo la filayo inuu gaadho dalka Djibouti

0

Markab u kiraysan Qaramada Midoobay oo sida illaa 23,000 oo metric ton oo sarreen ah ayaa ka soo ambabaxay dekedda Yuzhne ee dalka Ukraine, isaga oo ku sii jeeda dalka Ethiopia, taasoo ah shixnaddii ugu horraysay ee nooceeda ah ee lagu caawinayo dalalka ay cunto yaraantu ka jirto, oo ka dhoofa dekedaha dalka Ukraine tan iyo bishii February ee sannadkan.

 

Markabkan ayaa la filayaa inuu ku xidho dekedda dalka Djibouti, halkaas oo lagaga dejin doono sarreenka iyo sahayda kale ee uu sido, iyada oo loo wareejin doono dalka Ethiopia, iyada oo la raacayo tilmaamaha hay’adda cuntada dunida ee WFP.

 

Dalalka Ukraine iyo Ruushka ayaa heshiis ku gaadhay dalka Turkiga bishii July 22-keedii, si dib loogu bilaabo in sarreenka, hadhuudhka iyo gallayda laga dhoofiyo dekedaha ku yaalla badda madow, iyaga oo aan carqalad la kulmaynin.

 

Itoobiya ayaa safka hore kaga jirta, shan dal oo ay sheegtay Qaramada Midoobay inay qarka u saaran yihiin inay ka dillaacaan macaluuli.

VOA XIGASHO

 

[MUQAALO+SAWIRO]Madaxweyne Qoor-Qoor oo magaalada Cadaado uga qeyb galay, xaflada 16sano guuradii kasoo wareeegatay dhismahii Maamulka Galmudug

0

MUQDISHO-15-8-2022-:Madaxweynaha Dowladd Goboleedka  Galmudug, mudane Axmed Cabdi kaariye, madaxweyne kuxigeenka Galmudug, mudane Cali Daahir Ciid, gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug, labada gole ee Dowladda Galmudug, maamulada gobolada Mudug iyo Galgaduud iyo gudoomiyayaasha qaar ee degmooyinka Galmudug ayaa shacabka iyo maamulka degmada Cadaado kala qeyb galay xalay  munaasabadda 14 Agoosto oo ku beegan 16 guuradii ka soo wareegatay markii la aasaasay Dowladda Galmudug.

Ciidanka Xoogga Dalka oo deegano badan oo katirsan gobalka Hiiraan kala wareegay Argagixisada Al-shabaab

0

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidanka degaanka ee Macawiisleyda ayaa Argagixisada arxanka daran kala wareegay degaananda kala ah Teedaan,Ragso,Xasan Raqay,Sulmo oo dhamantood hoostaga degmada Maxaas ee gobolka hiiraan.

Intii Hawlgalku socday Argagixisadu waxay isku dayeen iskacaabin balse ciidanku waxay mariyeen cagta iyadoo laga dhigay wax la dilay, wax la qabtay, waxa la sii baacsanayo, waxaana ka mida dadka la dilay horjoogihii Argagixisada u qabilsanaa deegaanadaas kaas oo lagu magacabay Maxamed Wehliye Waasuge sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi (Shariful Arwaax) Oo Hogaaminaya Hawlgalka ka soconaya gobolka Hiraan.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa waxa uu mahadceliyey Saraakiisha , Askarta naftood hurayaasha ah Ee Ciidamada qalabka sida & bulshada Degaanka oo u horkacayo maamulka gobolka Hiraanka.

Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud oo Ergay gaar ah u magacaabay ka mid noqoashada Soomaaliya Dalladda Bulshada Bariga Afrika

0

Muqdisho, Ogoosto 14, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya qorshaha ka mid noqoashada Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa u magacaabay Ergey Gaar ah oo u qaabilsan arrimahaas Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Ergayga Gaarka ah looga fadhiyo sidii uu uga miro-dhalin lahaa dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku bixineyso ololaha ku biiridda Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), si dadka Soomaaliyeed ay u soo bandhigaan fursadaha ganacsi, dhaqaale, bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin iyo doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta ay ku leeyihiin guud ahaan Gobolka.

Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa khibrad, aqoon iyo xirfad wanaagsan u leh arrimaha diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah, taas oo u sahleysa in uu xaqiijiyo hiigsiga Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Wasiir Cabdisalaam oo horay u soo hoggaamiyey hay’addo kala duwan oo waddani iyo kuwa caalami ah ayaa soo noqday Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu taageerayey Xukuumadda oo Muqdisho lagu qabtay

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu taageerayey Xukuumadda oo ay soo qaban-qaabiyeen qaar kamid ah bulshada Caasimadda.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta gudoonshay Shirka Golaha Wasiiradda Hirshabeelle

0

Muqdisho,14, Agoosto, 2022: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoonshay Shirka Golaha Wasiiradda Dowladda Hirshabeelle.