Home Blog Page 587

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal dagaayey maalinta Qaran ee dalka Taliyaaniga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal dagaayey maalinta Qaran ee dalka Taliyaaniga oo ku beegan 2-da Juun.

DAAWO:Sidee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud loogu soodhaweyey Magaalada Dhuusamareb.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur si diirran ugu dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, masuuliyiin Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Muuqaalo iyo sawirro Quseeya sodhaweynta Madaxweynaha halkaan Ka Fiirso

 

 

 

 

DAAWO:Wasiiro ka tirsan koonfurgalbeed iyo Gudoomiyaha Gobolka shabeelaha Hoose oo maanta gaaray Magaalada Baraawe .

Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Mudane Maxamuud Maxamed Kheyr Qeybna uu ka yahay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Mudane Ibraahim Aadan Ali Najah ayaa Gaaray Magaalada Baraawe ee Caasimada DGKGS.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo qaabilay masuuliyiin katirsan Midowga Yurub.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Midowga Yurub, Amb. Tiina Intelmann oo ay wehelinayeen Safiirka Sweden Amb. Per Lindgarde iyo Maria Groeneveld oo ka socotay Xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi.

Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha 10aad ee Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan sheikh Maxamuud iyo Wafdi Balaaran oo  uu Horkacayo kuwaas oo ay ku Jiraan Xildhibaano,Wasiiro, iyo Saraakiil Katirsan Madaxtooyada Qaranka ayaa gaaray Haatan Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka cimilada ee Maamulka Galmudug oo maanta Tababar u soo xirtay xubno ka kala socdey Hey’addaha maamulkas.

Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka cimilada ee Maamulka Galmudug ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb tababar ugu soo xirtay xubno ka kala socdey Hey’addaha Dowlada, ururada Maxaliga ah iyo ururada Bulshadu, waxaana tababarkan uu ku saabsanaaa balaarinta arimaha deegaanka iyo maamul daadejinta arimaha deegaanka.

Wafdi ka socda Koonfur galbeed oo maanta gaaray Magaalada Baraawe.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Mudane Maxamuud Maxamed Kheyr Qeybna uu ka yahay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Mudane Ibraahim Aadan Ali Najah ayaa Gaaray Magaalada Baraawe ee Caasimada DGKGS.

DAAWO:Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya Sacuudi Carabiya oo Booqday Xarunta Jaamacadda Islaamiga ee Madiina Al Munawara.

0
Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudi Carabiya ee uu wehliyo qunsulka guud ee Somaaliya u fadhiya magaalada Jiddah oo booqasho ku tegay Xarunta Jaamacadda Islaamiga ee Madiina Al Munawara.

DAAWO:Madaxweyne Hassan Sheekh oo Farriin u Diray Bulshada Koonfurgal Galbeed iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabad soo dhoweyn ah loogu sameeyey Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa bulshada Koonfur Galbeed iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyey muhiimadda dib-u-heshiisiinta, nabadaynta iyo in loo istaago gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaarahu ay dhibaateeyeen.

DHAGEYSO: Laamaha Amniga oo Degmada Deyniile ku qabtay Dhagarqabayal ka danbeeyey qarax shalay halkaas ka dhacay.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgalo dad badan lagu qabtay waxa ay ka sameeyeen xaafada Kordamac ee Degmada Deyniile Ee Gobolka Banaadir.