Ra’iisulwasaare Hamza Abdi Barre oo gaaray Magaalada Jigjiga ee Caasimadda Itoobiya

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida.

 

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka dayaaradaha Garaad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mudane Mustafa Cumar, masuuliyiin ka tirsan dowlad deegaanka iyo dadweyne aad u fara badan.

 

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadli doona sidii la isaga kaashan lahaa arrimo dhawr oo muhiim ah oo ay ugu horreyso la dagaallanka argagixisada.

 

Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maalmihii danbe caasimada Dalka Itoobiya ee Addis abba ku joogay Booqasho isaga oo halkaas kula kulmay madax kala duwan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...