Home Blog Page 586

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo maanta booqasho ku tagay Isbitaalka guud ee Demartino

0

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa maanta booqasho ku tagay Isbitaalka guud ee Demartino.

Wasiirka ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Isbitaalka iyo xubno ka tirsan maamulka isaga oo ka waraystay xaaladaha bukaanada Isbitaalka ku jira kana dhagaystay warbixinada adeegyada isbitaalka uu bixiyo iyo daryeelka bukaanada loogu fidiyo.

Wasiirka ayaa intaa kadib booqday qeybaha bukaan jiifka si uu ugu kuurgalo xaaladahooda Caafimaad, Wasiirka ayaa ku booriyay dhaqaatiirta iyo howlwadeenada isbitaalka sii wadidda iyo joogtaynta daryeelka dadka nugul ee u soo adeeg doonta isbitaalka Demartino.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho

0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) ayaa Maanta xarunta wasaaradda gashaadhigga kulan kula qaatay Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho.

Wasiir Cabduqadir Maxamed Nuur iyo Anita Kiki Gbeho ayaa waxay kulankooda uga wada hadleen xoojinta wadashaqeynta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Qaramada Midoobay iyo sidii la iska kaashan lahaa fulinta Qorshaha hortabinta u leh Wasaaradda Gaashaandhigga.

Madaxweyne Xasan sheekh oo xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu lahaa

0

Muqdisho, Ogoosto 30, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku saleeyey Xeerkan Madaxweyne, sharciga dhismaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee Lr. 14, soona baxay sanadkii 1970-kii, codsi uu soo gudbiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo muhiimadda ay leedahay in dib loo soo celiyo xuquuqdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan, si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka.

“Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey.”

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay, Ogoosto 30, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

 

Wasaaradda Waxbarashada Hidaha & Tacliinta Sare oo Maanta Kulan Dood Wadaag ah oo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Agaasimeyaal iyo Bahda Waxbarashada ku qabatay Muqdisho

0

Kulanka Bandhigga Warbixinta Kormeerka Qaran Ee Dugsiyada Dalka oo ay ka qeyb galeen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada XFS iyo Wasiiro iyo Agaasimeyaal ka kala socday Wasaaradaha Waxbarashada heer Dowlad Goballeed iyo mas’uuliyiinta Bahda iyo Dalladaha iyo wakiilada hay’adaha Waxbarashada Gaarka loo leeyahay ayna soo agaasintay Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinra Sare ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo kormeertay waaxyaha qeybta Gaadiidka ee wasaradaas

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xildhibaan Fardowsa Cismaan Cigaal oo u kuurgalaysa howlasha shaqo iyo adeegyada Bulshada ee ka socda, ayaa kormeertay waaxyaha qeybta Gaadiidka, halkaa oo ay warbixinno ku siiyeen Agaasime waaxeedyada iyo howlwadeennada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo u ambabaxay dalka south Africa

0

Muqdisho Ogoosto 30,2022 Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa safar ugu ambabaxay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika isagoo uga qeyb galaya shirka Guddoomiyeyaasha baarlamaannadda Afrika ee (Pan-African Parliament).

Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugan yahay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika uu shirka ku soo
bandhigi doona horumarinta Golaha Shacabka BJFS iyo sidii wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen Baarlamaanka Afrika iyo kan Soomaaliya.

Ra’iisulwasare ku xigeenka XFS oo kulan la qaatay Wasiiradda xubnaha ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha iyo xubno ka tirsan Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa kulan la qaatay Wasiiradda xubnaha ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha iyo xubno ka tirsan Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn, isaga oo ka dhagaystay xogihii ugu danbeeyey ee la xiriira saamaynta abaartu ku yeelatay dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, ayaa faray in howlaha gurmadka abaaraha la dedejiyo, maadaama abaartu ku sii fidayso deegaanno hor leh, dadka ay abaartu saamaynta ku yeelatayna u baahan yihiin in gurmad lala gaaro.

 

Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya oo maanta la kulmay taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka ee Africom ee Soomaaliya iyo saraakiil kale

0
Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya, mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Muqdisho kula kulmay taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka ee Africom ee Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya

0

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire K. Foster

Madaxweyne Xasan sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo goordhaw ka soo duulay garoowe

0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku joogay maalmihii danbe deeganada puntland ayaa maanta soo gabagabeeyey socdaalkiisa isaga oo goordhaw halkaas ka soo duulay isaga iyo wafdiigisa iyaga oo ku soo wajahan Magaalada Muqdisho.