Home Blog Page 580

SAWIRRO:Shir looga hadlayey Amniga oo ka dhacay Magaalada garoowe.

MUQDISHO-JUUN-12-6-2022-:Shirkan oo lagu qabtay xarunta Gobolka Nugaal oo shir gudominayay Gudomiyaha Gobolka waxaa ka qayb galay Taliyaha Booliska Puntland Sareeye Guuto Maxamed Cali Xaashi,Taliyaha Madaxtooyada Puntland G/Sare Cabdinasir Shaati,Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Gudaha Puntland,Wasiir Ku Xigeenka Amniga Puntalnd,Sarakiisha Ha’adda Nabad Sugida Puntland Ee Pica,Duqa Degmadda Garowe Iyo Sarakiil Kale.

Ciidanka Danab oo qabtay Sarkaal katirsan Al-Shabaab.

0
MUQDISHO-JUUN-2022:Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ku soo qabtay dhagarqabe magaciisa lagu soo koobay Macalin Yaxye oo argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa sameynta qaraxyada, waxaana lagu qabtay meel u dhow degaanka Caliyow-barow ee gobolka Shabeellada Hoose.
Ururka 4-aad, guutada 16-aad ee kumaandooska Danab ayaa howlgalkaas fuliyey.

Kumanaan mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay guud ahaan dalka Mareykanka si ay ugu baaqaan in la adkeeyo sharciga hubka ka dib toogasho ka dhacday gobolka Texas.

MUQDISHO-JUUN-12-6-2022-:Dibadbaxayaasha ayaa sheegay in la joogo waqtigii la tusi lahaa siyaasiyiinta in dadka Maraykanku ay dalbanayaan oo ay mudan yihiin inay ku noolaadaan nolal xor ka ah rabshadaha iyo dhibaatooyiinka hubka la xiriira. Dibadbaxyadan ayaa ka dhacay inta badan magaalooyiinka waawayn ee dalka Mareykanka.

DHAGEYSO:Labada Golle Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta fadhi wadajir ah ka leh Miisaaniyadda DFS ee sanadka 2022.

MUQDISHO-JUUN-12-6-2022-:Waxaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa in Xarunta Shirarka ee Villa Hargeysa inay Kulan wadajir ah ku yeeshaan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya golaha shacabka iyo kan aqalka sare.

Madaxweynaha JFS oo ganacsato Soomaliyeed oo ka soctay dalka Kenya kala hadlay kaalintooda ku aaddan gurmadka abaaraha Dalka.

MUQDISHO-JUUN-12-6-2022-:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan kula qaatay  xalay Villa Soomaaliya Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Kenya ayaa kala hadlay kaalintooda ku aaddan gurmadka abaaraha Dalka.

Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo maanta la kulmay masuuliyin katirsan dalka Uganda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha dalka Uganda Mudane John Patrick Amama oo ay wehelinayaan Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka dalkaas.

Senetor Kobac oo boggaadiyey dadaalada Gargaarka lagu gaarsinayo Dadka Abaaraha ay saameeyeen.

Muqdisho-Juun-11-6-2022:Senetor Xasan iidoow kobac oo ka mid ah Mudanyaasha aqalka sare ee dalka ayaa ku  boggaadiyay socdaalkii Madaxweyne Xasan Shiikh uu dhawaan uu ku tagey Maamulada Koonfur galbeed iyo Galmudug taa uu ugu kuur galayay Madaxweyne xasan xaalaha deegaanada Mamuladaasi iyo sida ay abaaraha u saameeyeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaliya oo maanta kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Madaxwaynaha JFS u qaabilsan arrimaha Abaaraha.

Muqdisho June 11,2022;Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Madaxwaynaha JFS u qaabilsan arrimaha Abaaraha mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wasrsme oo ay weheliyaan gudigga gurmadka Abaaraha, kulanka oo diirada lagu saaray sidii wax loogu qabanlahaa Abaaraha soo-noqnoqday.

DAAWO:Madaxweyne Hassan sheikh oo guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.

MUQDISHO-JUUN-11-6-2022-:Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Benaadir oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.

Ergayga gaarka ah ee arrimaha bini’aadannimada iyo gargaarka oo kulan la qaatay wasiirada gargaarka iyo maamul goboleedyada.

0
Muqdisho Juun 11, 2022- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Wasiirrada Gargaarka ee Dowlad Gobolleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.