Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo maanta toogatay Maleeshiyaad katirsan Al-shabaab

Date:

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka fagaaraha Iskuul Bulusiya ee Magaalada Muqdisho waxaa ay xulunkii dilka toogashada ahaa kufulisay Saddex rag ah oo katirsanaa kooxda khawaarijta Al-shabaab kuwaas oo lagu helay Qaraxyo ay ku dileen Shacab & Masuuliyiin kale.

Raggaan oo lagu kala Magacaabi jiray Xasan Macalin Cali Barre (Boy) , Abtigiis Sayid Cali Aadan Nuur (Istiimoow) iyo Isaaq Keerow Aadan, kuwaas oo Maxkamadda Ciidamada ay xukunka dilka toogashada ah kuriday Bishii December ee sanadkii 2019-kii.

Xasan Macalin Cali Barre (Boy)  ayaa sigaar ah loogu helay in uu wade ka ahaa Gaari qarax siday oo ku qarxay Suuqa Xaafada Kaawa Godeey ee degmada Wadajir, kaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 12 Ruux tiro kalena ay ku dhaawacmeen, halka Isaaq Keerow Aadan lagu helay in uu qeyb ka geystay dilal qorsheysan & weeraro ka dhacay Gobolada, Shabeellaha Hoose, Banaadir iyo Hiiraan.

Nuur Ibraahim Mahad-alle oo katirsanaa Ciidamada gaarka ah ee Booliska, balse sidà maxkamaddu sheegtay laga saaray kadib markii uu lunsaday Hub ay dowladdu laheyd, isla markaana uu intaasi kadib kubiiray khawaarijta, isaga oo ka dambeeyay qarixii lagu dilay guddoomiye kuxigeenkii Amniga degmada Maxaas, waxaana xukunka dilka toogashada ah lagu riday 30-kii Bishii Octoober ee sanadkii 2019-kii.

Xeer ilaaliye kuxigeenka Maxkamadda Cuidamada Qalabka sida Maxamed Cabdullaahi Khaliif ayaa Warbaahinta u sheegay in saddex sano kadib dil toogasho lagu fuliyay Saddexda ragga ah ee katirssnaa kooxda khawaarijta Al-Shabaab laguna helay dilalka iyo weerarada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...