MUQDISHO-JUUN-11-6-2022-:Labada Xisbi mucaarad ee soomaliland ugu waa weyn WADANI iyo UCID ayaa sheegay in maanta hakiyeen mudaharaadyo ay doonayeen inay maanta ka dhigaan dhamaan deegmoyinka iyo deeganada maamulka soomaliland .
Dhagarqabe katirsan Argagixisada Al-shabaab oo isku dhiibay ciidamada Nabad sugida Magaalada Garbahaareey.
MUQDISHO-JUUN-11-6-2022-:Taliska ciidanka Nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa Magaalada Garbahaarey ee caasimada Gobolkaas ku soo bandhigay Cabdicasiis Maxamuud Diiriye oo 12-kii sano ee lasoo dhaafay ka tirsanaa Argagixisada Maleeshiyadka Al-Shabaab.
Ergayga Gaarka ah Arimaha Bini’aadanimada oo Kulan Laqaatay Safaaradda Jarmalka.
rgeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan qadka fogaan aragg aha la yeeshay deeq bixiyeyaasha fadhigoodu yahay Nairobi.
Kulanka oo uu soo agaasimay Safiir ku xigeenka Jarmalka Sascha ayaa bogaadiyey masuuliyadda Madaxweyne Xasan Sheekh iska saaray gurmadka abaaraha iyo sida firfircoon ee Xafiiska ergeygu u dhaqaajiyay howlahan, ayaa caddeeyay in dawladiisu ay xil iska saarayso gacan siinta Soomaaliya. Wuxuu safiir ku xigeenku sheegay in ay sanadkaan ku bixiyeen Soomaaliya ilaa 45 Milyan oo Yuuro.
Ergayga oo Dowladda Jarmalka iyo dawladaha kaleba uga mahadceliyay sida ay ugu heellanyihiin mar walba gacan siinta dadkiisa ayaa uga warramay xaaladda daran ee abaaraha iyo sida looga baqanayo in ay macluul isu beddesho.
Ergeyga ayaa intaas kadib ku tirtirsiiyay kasoo qeybgalayaashu in ay kordhiyaan tageeradooda dhaqaale Isla markaana ka gacan siiyaan sidii indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa xaaladda bini’aadannimo ee ka taagan Soomaaliya.
Danjireyaasha ayaa ballanqaaday in ay ku dedaali doonaan in dowladahoodu kordhiyaan gacan ka geysashada abaaraha Soomaaliya iyaga oo Dhanka kalena tilmaamay in ay aad u daneynaynayaan wax ka qabashada sababaha iyo helista xal waara.

Shirweynaha Ladagaalanka Musuq-maasuqa Oo Ka Furmay Jabuuti.+SAWIRO.
Shirwaynaha 8-aad ee caalamiga ah ee madashada Afrika ee la dagaalanka Musuq-maasuqa ayaa lagu qabtay dalka Jabuuti.
Masuuliyiin ka tirsan guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa ayaa ka qeybgalay shirkaan oo socday sadaxdii maalin ee lasoo dhaafay, waxaana looga hadlay arrimo badan oo quseeya la dagaalanka Musuq-maasuqa iyo sida dalalka Afrika ay isaga kaashan karaan ciribtirkiisa.
Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay xubin ka noqotay Hey’adaha isku dhafka ah ee la dagaalanka Musuq-maasuqa (FIGE) iyo kan bariga Africa.

Madaxweynaha JFS oo Qodobo muhiim ah uga hadlay Khudbaddii Caleema saarkiisa +Sawirro






















Madaxweynaha JFS Oo Muqdisho Lagu Caleemasaaray.
Caleemasaarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka soo qeyb galay wafuud heer caalami ah iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka ku soo dhaweeyay Madaxda iyo wufuudda caalamiga ah ee ka qeyb galey munaasabadda caleemosaarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugana mahadceliyay ka soo qaybgalkooda caleemosaarka madaxweynaha JFS.
Sidookale madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka soo qeyb galay xafladda caleemasaarka madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu ku faraxsanyahay dowladda cusub uuna dhanwalba si walaalnimo ah uga taageeri doono.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna tilmaamay in dowladdiisu ay wax badan ka qabandoonto arrimaha abaaraha dalka, kana shaqeyndoonto wanaajinta cidkasta oo jecel madaxbanaanida wadankeena.
Madaxweynaha Jabuuti, Ra’isul wasaariyaasha Masar iyo Ethiopia oo soo gaaray Muqdisho +Sawirro
Ra’iisul Waaaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo caleemosaarka madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.
Sidoo kale, waxaa soo gaaray magaalada Muqdisho, Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali oo ka qeybgalaya xafladda caleemo-saarka madaxweynaha 10 aad ee Soomaaliya.
Ra’isul wasaaraha dalka Masar Mustafa madbuuli iyo wefdi uu hor kacayo ayaa kamid ah mas’uuliyiinta heerka sare ee ka qeybgalaysa xafladda, ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaana garoonka ku qaabiley wufuudaas kala duwan.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA


Madaxweynaha Kenya oo Lagu Soo Dhaweeyay Muqdisho +Sawirro
Madaxweynaha Wadanka Kenya Uhuru Kenyatta Waxaa uu kamid ah hogaamiyeyaal heer caalami ah oo ka qeybgalaya xafladda caleemo saarka madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Madaxweyne Kenyatta ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Kenyatta ayaa kamid ah madaxweyniyaal iyo Ra’isul wasariyaal ka qeybgalaya munaasabadda caleemo saarka madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ka socota xarunta ciidanka cirka Soomaaliya ee Afisyone.

Reysul Wasaaraha XFS Ayaa Muqdisho Kusoo Dhaweeyay Wafdi ka Socda Imaaraadka Carabta.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Shakhbout Bin Nahyaan oo soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo caleemosaarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayed Aala Nabyaan.
Munaasabadda Caleemasaarka Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Oo Khamiis ah ka Socota Magaalada Muqdisho, Waxaana Goobjoog ka ah Madax Kala Duwan oo Ka Socda Gobolka Iyo Caalamka.
Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo caawa Magacaabay Lataliyaal Cusub.
Muqdisho, Juun 08, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay La-Taliyeyaasha Arrimaha Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka.




