Home Blog Page 581

Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay Shir gudoonka Ururka xakamaenta Ayaxa ee dalalka bariga Africa iyo XFS oo ka hadashay

0

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Axmed Madoobe Nuunow ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda uga qayb galay shirka sanadlaha ah ee ururka xakameynta Ayaxa iyo dulimada hayaama ee dalalka Bariga Afrika magaciisana lagu soo gaabiyo DLCO-EA, ururkaas oo la aas-aasay sanadkii 1962 kaasoo sanadkiiba mar la qabto.

Shirkan oo ahaa mid heer wasiir ah oo ay kasoo qayb galeen dhammaan wasiirada beerahah dalalka bariga Afrika ayaa waxaa shir gudoonka 2022 ilaa 2023 la wareegay dowladda federaalka taasoo ugu dambeysay sida uu wasiirku sheegay in ay shir gudoomiyaan sideetameeyadii.

Soomaaliya ayaa inta badan kasoo muuqanaysay dhamaan ururka ay xubnaha ka tahay ee heer gobol iyo heer caalami intaba

 

Dowladda Maraykanka oo sheegtya in uu yahay Shiinuhu khatarta ugu sarraysa ee danaha Maraykanka

0

PENTAGON – Sida lagu sheegay Qorshaha Difaaca Qaranka ee Maraykanka oo dhowaan la sii daayey, dalka Shiinaha ayaa ah caqabadda ugu sarraysa ee danaha amniga qaranka ee Maraykanka, halka Ruushka lagu tilmaamay in xaaladdiisu ay tahay mid “ba’an”, maadaama uu sii wado dagaalka “axmaqnimada” ah ee uu ka wado dalka Ukraine.

“[Jamhuuriyadda dadka ee Shiinuhu] waa dalka keliya ee tartan xooggan kula jira [Maraykanka], marka la eego hindisaha ah, in dib loo qaabeeyo nidaamka caalamiga ah, iyo iyada oo ay sii kordhayso awoodda uu sidaas ku samayn karo” ayuu yidhi xoghayaha difaaca ee Maraykanku oo khamiistii weriyayaasha kula hadlay Pentagon-ka.

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca ee Maraykanka oo warbaahinta la hadlay, hase ahaatee magaciisa qariyey, ayaa sheegay in awooda Shiinuhu ay sii kordhayso, isaga oo horumariyey nidaam uu kula tartami karo Maraykanka, marka la joogo dalalka caalamka, gaar ahaan dhinaca Milateriga, dhaqaalaha, farsamada casriga ah iyo diblomaasiyadda.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay, in Maraykanku uu dib u casriyeeyey hannaankiisa dagaalka, gaar ahaan dhinaca hawada sare iyo dhinaca internetka, si loogu muujiyo cid kasta oo cadow ah, “dhibaatada uga iman karta haddii ay ku gardarroodaan Maraykanka ama xulafadiisa”

Warbixinta Qorshaha Difaaca Qaranka ee Maraykanka oo ah mid la baahiyey, ayaa ku soo aadaysa xilli Maraykanka iyo Shiinuhu ay ku kala aragti duwan yihiin xaaladaha Taiwan. Shiinaha ayaa marar kala duwan ku hanjabay inuu xoog kula wareegi doono Taiwan haddii ay lagama maarmaan noqoto, sidoo kale Ruushka ayaa isagu weerar toosa ku qaaday Ukraine bishii February, isagoo si joogto ah u duqeynaya magaalooyinka dalkaas oo uu xataa u isticmaalay diyaaro ay samaysay Iran.

Nuqul sir ah oo ka mida warbixinta ayaa loo gudbiyey Congresska horraantii sannadkan.

Sarkaale sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca oo la hadlay weriyeyaasha ayaa sheegay in hubka Nukliyeerku uu sii ahaan doono “udub-dhexaadka” tallaabooyinka ay ciidamada milateriga ee Maraykanku ay u isticmaali doonaan cabsigelinta.

Sida ku cad warbixintan, Maraykanka ayaa haatan waajahaya tartan uga imanaya laba quwadood oo ku hubaysan hubka nukliyeerka, oo kala ah Ruushka iyo Shiinaha.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay in gardarrada uu Ruushku ka wado dalka Ukraine, inay abuurtay halis degdeg ah, wuxuuna sheegay in Maraykanku uu kor u qaaday ciidamadii ka joogay qaaradda Yurub, kuwaas oo hore u ahaa 80,000 halka uu haatan gaadhsiiyey 100,000.

 

 

 

Madaxweyne Deni oo kulan Sagootin ah la yeeshay James Swan

0

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho kulan sagootin ah Kula qaatay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo usoo dhammaatay shaqadii diblumaasiyadeed ee uu Soomaaliya u joogay.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland wada shaqeynta iyo doorkiisa hoggaamineed ee ku aadan Dowlad dhiska Soomaaliya iyo shaqada uu ka qabtay Puntland ee sida horumarka iyo hirgelinta dimuqraadiyadda.

Sidoo kale Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Danjire James Swan uga mahadceliyay doorkii uu ka qaatay marxaladihii kala duwanaa ee Soomaaliya soo martay intuu Xafiiska joogay, sida Amniga, Arrimaha bani’aadantinimo iyo dadaalada Dowlad wanaaga, wuxuuna ku maamuusay Hadyad.

Ciidamo Cusub Oo Gaaray degmada ceelberde gobolka bakool. (Sawiro).

Degmada Ceelberde Gobolka Bakool waxa ka socda diyaargarow cadowga argagaxisada alshabaab looga xureynayo deegaanada gobolka bakool oo 10 sano ka hor jid gooyo aay ku sameeyey Argagixisadu

Ceelbarde maanta waxa ka soo dagay ciidamo dhowaan tababar uga soo dhamaaday magaalada baydhabo ee caasimada ku meelgaarka dowlad goboleedka koonfur galbeed oo aad u hubeysan kana yimid magaalada waajid waxay qeyb ka noqonayaan howgalka maleeshiyaadka shabaab looga sifeynayo gobolka.

Abaanduulaha ururka 175-aad guutada sagaalaad Maxamed Cali Xasan Maanay oo isaga iyo saraakiil ka tirsan guutada 9-aad qeybta 60-aad ciidanka xooga dalka ee gobolka bakool ciidamada soo dhoweeyey ayaa ka warbixiyey ciidamada ceelberde ku soo dhoweeyeen iyo sida ugu diyaar garoobeen ladagaalanka cadowga shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tol ayaa soo dhoweyn iyo dardaaran u jeediyey ciidamada ku soo biirey ciidamadii horey uga sugnaa magaalada ceelbarde.

Maamulka Galkacyo Oo Daah furay Diiwaan galinta guryaha iyo dhulalka.

0

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa Maanta si rasmi ah u Daah furay Diiwaan galinta guryaha iyo dhulalka banaan Ee Degmada Gaalkacyo.

Munaasabaddaan Daah furka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Mudug axmed shire qoodaar Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Galkacyo Eng: Maxamed Cabdi Cilmi, Xubno katirsan Gollaha Deegaanka, lataliyaha sare Dowladda Hoose, qaar ka mid ah agaasimayaasha iyo
gudoomiyaasha xaafadaha Degmada Gaalkacyo.

Diiwaan galinta Guryaha iyo dhulalka banaan ayaa bulshada Degmada Gaalkacyo ugu fadhiya faa’idooyin badan oo ka mid ah iska warqabka bulshada iyo maamulka Degmada, sugida amniga, hormarinta xaafadaha iyo hagaajinta nadaafadda Magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka amniga Galmudug oo Cadaado Tababar ugu soo xiray 200 Boolis ah.

Wasiirka amniga Galmudug, saraakiisha Booliska Galmudug, maamulka degmada Cadaado iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa ka qaybgalay xiritaanka tababarka ciidankan Booliska ah oo muddo 3-bilood ah lagu tababarayey duleedka degmada Cadaado.

Gaashaanle dhexe Maxamuud Cilmi Gulaafe madaxa tababarada iyo qorshaynta Booliska Galmudug ayaa xusay ciidaankan oo 200 oo askari ka kooban ay qaateen koorsooyinka jireed ee ciidanka iyo sharciyada Boolisku ku shaqeeyo sida dambi baarista, la dhaqanka shacabka, xuquuqul insaanka iyo xeerarka madaniga ah ee dalka.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa sheegay in ka degmo ahaan ay ku faraxsanyihiin ciidankan tababarka dhammaystay, kuwaas oo ka qayb qaadan doona xoojinta ammaanka deegaanka iyo ilaalinta sharciga.

Taliyaha Booliska Galmudug gaashaanle sare Khaliif Cabdulle maalin ayaa u mahadceliyey saraakiisha dugsiga tababarka, waxaana ay faray askarta tababarka dhammaysatay inay si ficil ah uga muuqato cilmigii la baray mudadii sadexda bilood ahayd ee ay dugsgan ku jireen.

Wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aaden Gaboobe ayaa xusay in ciidankan tababarka dhammaystay ay ku soo aaday waqti xasaasi ah oo Galmudug ay ku jirto dagaal ka dhan ah argagixisada.

Waa dufcadii 1-aad oo ka soo baxa dugsiga tababarka Booliska Galmudug ee degmada Cadaado, waxaana ciidamadan ay ka qayb qaadan doonaan xasilinta deegaanada laga saaray kooxda Al-shabaab.

Shirka Madaxda Qaranka Iyo Maamulada oo Xamar ka Furmay.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ka soo qeyb galeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen,Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Shirkaan ayaa si gaar ah Diiradda Waxaa Loogu saari Doonaa Arrimaha Amniga, La dagaalanka Argagixisada oo hada ka socda Qaybo ka mid ah Gobolada Dalka, iyo Kheyraadka.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qayb gelaya shirka Wasiirada Maaliyadda Dalalka Jaamacadda Carabta

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayaa gaaray  Dalka Algeria, halkaas oo uu uga qeyb gali doono shirka Wasiirada Maaliyadda Dalalka Jaamacadda Carabta.

 

wasiirka ayaa Waxaa soo dhaweyn u sameeyay Wasiirka Ganacsiga Xukumadda Algeria Mudane Kamal Razik iyo Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Algiers Mudane Cabdulwahab Mocalim Maxamed.

 

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayaa inta uu socdo shirka Wasiirada Maaliyadda Dalalka Jaamacadda Carabta Waxaa uu kusoo Bandhigi Doonaa Horumaada maaliyadeed ee laga hirgaliyay Soomaaliya iyo fursadaha maal gashi ee ka jira Dalkeena

 

Wasiirka Gaadiidka XFS oo Lakulantay Safiirada Ingiriiska iyo Imaaraadka.

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta kulamo gaar-gaar ah ku qaabbishay safiirrada waddamada Ingiriiska iyo Imaaraadka Carabta.

Wasiirka ayaa Amb. Kate Foster, Safiirka UK ee Soomaaliya iyo Safiirka Imaaraadka Carabta , Amb. Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi waxaa ay ka wada-hadleen xoojinta iskaashiga dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Muqdisho Kusoo Dhoweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

0
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa goordhow waxaa uu garoonka Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho kusoo dhoweeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen.
Madaxweyne Laftagareen oo u yimid kaqeybgalka madasha wadatashiga qaran ayaa hadal kooban oo uu soo dhoweynta kadib jeediyey sheegay sida ay maamulkiisa uga go’antahay ladagaalanka Al-shabaab iyo in dadka Soomaaliyeed helaan adeegyo dowladeed.
Dhankiisa, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay hortabinaneeda ka mid tahay ladagaalanka Al-shabaab iyo arrimaha xasillinta.
Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa si weyn ugu diyaargarowday soo dhoweynta dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo wufuudooda oo lagu wado in ay soo gaaraan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.