Ra’iisulwasaare Hamse Abdi Barre oo booqday dhawacyadii ku waxyeelobay Qaraxyadii Zoobe

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa caawa ku booqday isbitaallada Madiina, Banaadir iyo Erdogan dhaawacyadii ay wax yeeladu ka soo gaartay weeararkii kooxaha Khawaarijta ah ay ka geysteen isgoyska KM5.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee ay yaalaan dhaawacyada, ayaa Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad degdeg ah, intii dhimatayna naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo, isagoo cadeeyey in Soomaaliya ay dagaal kula jirto kooxo argagixiso oo aan cidna u tureyn.

Mudane Xamse oo warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaallada uu booqday, ayaa ku ammaanay dhaqaatiirta iyo howlwadeenada gacanta ku haya dhaawacyada kaalintooda naf hurnimada ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Shacabka Soomliyeed in ciidamada ay ku garab siiyaan dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha khawaariijta ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...