Xildhibaano katirsan BFS oo booqday Cisbitaalada lagu dabiibayo dadkii ku waxyeeloobay, Qaraxyadii lala beegsaday

Date:

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxay booqdeen Cisbitaalada lagu dabiibayo dadkii ku waxyeeloobay, Qaraxyadii lala beegsaday dadka birmu-geydada ah ee lagu gumaaday Isgoyska Zoobe ee Muqdisho, Xildhibaannada oo mid mid u dul istaagay dhaawacyada ayaa waxa ay Alle uga baryeen inuu caafimaad deg deg ah siiyo, sidoo kale Xildhibaannada ayaa deeq lacag ah gaarsiiyay bukaanada ku jira Cispitaalada.

Xildhibaannada ayaa dhammaan ka codsaday mas’uuliyiinta Dowladda, Hay’addaha gargaarka, Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed in gargaar deg-deg ay gaarsiiyaan goobaha Caafimaadka iyagoo adkeeyay in dhaawacyada weli ay u baahan yihiin dhiig iyo daryeel Caafimaad.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...