Putin oo 200 muwaadiniin Mareykanka ah ka maamnuucay inay soo galaan Ruushka

Date:

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa Jimcihii sheegtay inay ka mamnuucday 200 oo qof oo Maraykan ah inay soo galaan Ruushka, kuwaas oo ay ku jiraan saddex la dhalatay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

 

Cunaqabateyntan ayaa jawaab u ah mid hore oo Washington ay kusoo rogtay shakhsiyaad Ruush ah.

 

Waxa ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushku in shakhsiyaadka ay mamnuucday ay ku jiraan madaxweyne Biden walaalihiis, kuwaas oo kala ah Valerie Biden Owens, James Brian Biden iyo Francis William Biden.

 

Waxaa sidoo kale ku jira liiska cunaqabateyntan la saaray xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karine Jean-Pierre.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...