Dad rayid ah oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Magaalo kutaalla waqooyiga Itoobiya

Date:

Dad rayid ah ayaa lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ka dhacay magaalada Mandi ee galbeedka Itoobiya, oo qiyaastii 500km dhanka galbeed ka xigta caasimadda Addis Ababa, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen BBC-da.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqayntu ay maalintii Arbacada ww la soo dhaafay ka dhacday magaalada ay maamulayeen dagaal yahannada Oromada ee (OLA) maalmo un kadib markii ay dagaal la galeen ciidamada amaanka ee dowladda.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo magaciisa qariyay ayaa BBC-da u sheegay in dowladdu ay bartilmaameedsanayso kooxdaas balse dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay u badan yihiin dad rayid ah.

Qof kale oo ka mid ah dadka magaalada oo si qarsoodi ah ula hadlay BBC-da si uu ammaankiisa u ilaaliyo ayaa ku sheegay tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay duqeyntaasi ugu yaraan 20 qof.

Waxa uu sheegay in ku dhawaad ​​7 ilaa 8 qof ay isla markiiba dhinteen halka 13 kalena la dhigay isbitaalka oo ay halkaasi ugu geeriyoodeen dhaawacyadii soo gaaray.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...