Ku-simaha madaxweynaha oo Gudoomiyaha Hiiraan kala hadlay dagaalka Al-Shabaab

Date:

Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan oo howlo shaqo u jooga magalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

 

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu warbixiyay xaalada gobolka Hiiraan iyo dagaalaada dalka loogu xorreynaayo kooxda Khawaariijta Al Shabaab oo jab xooggan lagu gaarsiiyay degaannada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, oo ciidaanka geesiyaasha kala wareegeen degaanno hor leh.

 

Ku-simaha Madaxweynaha oo boggaadiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo mas’uuliyiinta ku sugan jiida hore ee dagaalka ayaa ammaanay Ciidanka Qaranka oo har iyo habeen u soo jeeda sidii guud ahaan dalka looga xorreyn lahaa kooxda Khawaariijta Al Shabaab, isagoona kula dardaarmay in la xoojiyo loona midoobo dagaalka Khawaariijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...