Ukraine oo ku eedeysay Ruushka in Afrikaanka uu ku cadaadinayo inay ka qeybgalaan dagaalka

Date:

Wasaaradda arrimaha dibadda Ukraine ayaa ku eedeysay Ruushka in Afrikaanka ku xiran dalkiisa uu ku cadaadinayo inay ka qeybgalaan dagaalka Ukraine.

Bayaan kasoo baxay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ukraine Oleh Nikolenko ayaa sheegay ,“Putin wuxuu muwaadiniinta Afrikaanka ah ee ku xiran Ruushka u diraya dagaalka Ukriane“.

“Waxaan ka codsaneynaa Midowga Afrika iyo dhammaan dowladaha Afrika inay ka dalbadaan Ruushka inuu joojiyo cadaadiska uu ku hayo muwaadiniintooda”.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli dagaalka Ukraine uu ku dhintay wiil ardey ahaa uu kasoo jeeday dalka Zambia.

Lemekhani Nyirenda, oo 23 jir ahaa wuxuu wax ka dhiganayay jaamacadda Moscow, wuxuu muddo 9 sano ah ku jiray xabsi isagoo loo heystay dambiyo la xiriira daroogada.

Wuxuu ku dhintay dagaalka Ukraine bishii September balse haatan Ruushka ayaa ku wargeliyay dowladda Zambia geeridiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...