DF oo tallaabo hormar leh u qaaday ku biirista Ururka EAC.

Date:

Muqdisho.(sntv):- Ergayga madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud u qaabilsan Ururka gobolleedka Iskaashiga dhaqaalaha ee Bariga Afrika {EAC} Cabdisalaan Cumar Hadliye oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa si qoto dheer kaga hadlay halka ay marayaan dadaallada ku biirista  Ururkaas.

Ergayga ayaa sheegay in tallaabo hormar leh ay tahay ku biirista Ururkan {EAC}, islamarkaana madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ay ka go’an tahay ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay Dalladdan oo ka kooban 7-dal.

Wuxuu sheegay in wafdi ka socda Ururka gobolleedka Iskaashiga dhaqaalaha ee Bariga Afrika {EAC} oo gaaraya 30 ilaa 40-xubnood ay imaanayaan magaalada Muqdisho 22-ka bishan ilaa iyo 3-da bisha dambe, kuwaas oo u kuurgalaya xaaladda dalka iyo sida ay u shaqeyso dowladda gaar ahaan xagga dhaqaalaha, siyaasadda iyo xagga wax soo saarka.

Sidoo kale, Ergayga madaxweynaha JFS u qaabilsan Ururka gobolleedka Iskaashiga dhaqaalaha ee Bariga Afrika {EAC} Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa tilmaamay in xilligan meel wanaagsan uu marayo hanaanka ay Soomaaliya ugu biireyso Ururka {EAC}, madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud uu dadaal xooggan geliyay dadaallada ku biirista  Ururkan.

“ Waxaa soo nooleeyay, eeg Soomaaliya labo labo jeer ayay codsi u dirsatay ururka {EAC}, wax daba raac ah ma jirin oo inta ay Soomaaliya u tagtay ururka isbaheysiga Afrikada Bari lama diidin Soomaaliya wali, laakiin waxaa muhiim ah iminka oo ay ka duwan tahay sidii hore, madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa la hadlay madaxda 7-dal oo yiri waxaan rabnaa inaan ku biirno,” ayuu yiri Mr. Hadliye.

Dowladda Federaalka oo xoojineysa hannaanka ansixinta codsiga dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta horumarineed ee ay ku yeelan karaan Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed

Addis AbabA- Intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareyneysaa Weerarradii lala Beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

War-saxaafadeed.Muqdisho, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa...

Ciidanka Xoogga Dalka goor oo dib ula wareegay deegaanka Sumadaale

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow howlgal qorsheysan dib...