Home Blog Page 543

Guddiga Gaadiidka Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada

0
Guddiga Gaadiidka, Garoommada, Dekedaha, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha Shacabka BJFS oo gudanaya waajibaadkiisa uu u xilsaaranyahay ayaa maanta Xafiiska Guddiga ugu yeeray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada; Xil. Fardowsa Osman Egal oo ay weheliyaan Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda; Agaasimaha Guud iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.
Kulanka oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Xil. Abdillahi Abdi Mohamed (Geelqaad) ayaa masuuliyiinta wasaarka looga dhageystay war bixinno ku saabsan sharciyada wasaaradda muhiimadda u leh ee u qorsheysan, Qoshe-hawleeedka Wasaaradda, heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay hawada Soomaaliya, istiraatiyadda guud ee Wasaaradda, caqabadaha fursadaha iyo fursadaha wasaaradda horyaalla.
Xildhibaannada Guddiga ayaa iyaguna dhinacooda talo soojeedin iyo su’aalaba waydiiyey masuulinta wasaaradda.
kulanka oo ku soo dhamaaday is fahan ayaa lagu kala qaatay waajibaad shaqo, sidoo kale waxa lagu dardaarmay in shacabka Soomaaliyeed loogu shaqeeyo hufnaan.

Booliska Galmudog oobaadi goobayo dableey hubeysan oo dad shacab ku laayay wadada u deegaanka kaxandhaale

0
Ciidanka Booliiska Gobalka Mudug ayaa maalintii labaad ka wada deegaano ka tirsan Gobalka Mudug howlgallo lagu baadi goobayo dableey hubeysan oo dad shacab ku laayay wadada u dhaxeysa deegaanada kaxan dhaale iyo Galgalad oo ku yaala galbeedka gobalka Mudug

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo kulan la qaatay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

0
Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Adan ayaa kulan mira-dhal ah la yeeshay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna isku duwaha howgallada arrimaha bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane Adam Abdelmoulu.
Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xoojinta iskaashiga wadajirka ah ee lagu horumarinayo kalluumeysiga gudaha, Dhaqaalaha badda, iyo abuuridda fursado ay dadka Soomaaliyeed uga faa’iideysan karaan kheyraadka badda.
Wasiir Ahmed ayaa ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya la wadaagay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay xoojiso wax soosaarka gudaha, si dadka Soomaaliyeed uga maarmaan deeqaha dibadda sidaa darteed ka wasaarad ahaana ay doonayaan in arrimaha horumarinta kalluumeysiga gudaha muhiimad gaar ah la siiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Waraaqaha aqoonsiga danjirenino ka guddoomay Safiirada dalalka France, Nederland iyo Slovakia

Muqdisho, Jannaayor 14, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Faransiiska, Netherlands  iyo Slovakia ee loo soo magacaabay Soomaaliya.

Wasiir Mukhtaar Roobow oo Heshiis la Saxiixday Dowladda Sacuudiga

0
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ku sugan Boqortooyada Sacuudiga ayaa Heshiis la saxiixday dhiggiisa dalkaas.

Wasiiirka dhalinyarada XFS oo Maanta Dhagaxdhigay Garooonka Kubada Cagta Dr Ayuub Jeenyo ee Ee degmada Balcad

0

Wasiiirka Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo uu weheliyo wasiirka wasaarada Dhalinyrada iyo ciyaaraha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Caynte, Xildhibaanno Ka tirsan golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Guddoomiyaha Xiriiirka Kubada Cagta Hirshabeelle iyo guddoomiyaha degmada Balcad ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Garooonka Kubada Cagta Dr Ayuub Jeenyo ee Ee degmada Balcad.

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo deeq gargaar ah gaarsiisay in kabadan 600oo Qoys oo ku nool Deyniile

0

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA iyo Hay,adda Gift of the givers ayaa gargaarkaan gaarsiiyey kaamamka barakacayaasha ee Ramaas, Damalay iyo Baryo-samo ee degmada Deyniile. Qoysaskaan oo ah kuwo mar dhow ka soo barakacay deegaanadoodii ayaa gaaraya 600 oo qoys, gaar ahaan gobollada Shabeelooyinka ayaa la sheegay in tirada ugu badan ee qoysaskaan ay ka soo barakaceen.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo Qaabilay Safiirka dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salax Axmed Jaamac  ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada waddan iyo arrimaha horumarka iyo xasilinta deegaannada laga xoreeyey khawaarijta.

Galmudug oo Bogaadisay qabashada ciidamada Qaranka ee Maanta Deegaanka Ceelhuur ee Gobolka Mudug

0
Bayaan ka soo baxay Madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu bogaadiyey howlgal ciidamada xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo ciidanka kacdoonka ee dib u xoreynta ay maanta Khawaarijta uga xoreeyeen deegaanka Ceelhuur ee gobolka Mudug.

Ciidamada Isra’iil oo toogasho ku dilay dhalinyaro falastiiniyiin ah

 

Ciidamada Isra’iil ayaa subaxnimadii hore ee maanta, labo dhalinyaro Falastiini ah ku dilay magaalada Jeniin ee waqooyiga daanta galbeed.

Wariyasha ka howlgala daanta galbeed ayaa sheegaya in labada wiil oo dhalinyarada ah oo lagu kala magacaabi jiray Ciza-Diin Xamaamra  oo 24 sano jir ahaa iyo Amjad Khaliili oo isagana 23 sano jir ahaa, la dilay ka dib markii Gaari ay wateen ay Rasaas ku  fureen Ciidamada Isra’iil, xilli ay marayeen tuulada Jaba, ee koonfurta Jenin.

Dilka dhalinyaradan ayaa qey ka ah dilal isdaba jog ah oo Ciidamada Isra’iil ay beryahii danbe u geeysanayeen muwaadiniinta reer Falastiin.

Dhanka kale, Dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Xamas, ayaa Jimcihii shalay Marinka Qaza,  ka abaabulay howlgallo lagu taageerayo kooxaha wax iska caabinta si loo difaaco Masjidka Al-Aqsa.