Home Blog Page 543

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga XFS iyo dhigiisa Dalka uganda oo kala saxiixday heshiis

0

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibriil Abdirashid Hagi Abdi oo qeyb ka ahaa weftigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ee dalka Uganda, ayaa isaga iyo dhiggiisa dalkaas Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Iskaashatooyinka, Hon. Mwebesa Francis, waxay si rasmi ah u saxiixdeen heshiis is-af-garad oo u dhaxeeya wadamada Soomaaliya iyo Uganda kaas oo ku saabsan iskaashiga ganacsi ee labada dal.

Ku dhawaad 500 oo arday oo jaamacadda ACCORD ee Muqdisho ka diyaarisay shahaadda heerka 2aad ee jaamacadda

0

Xafladaan oo aheyd mid si her sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ku qalin-jabinayay dufcadii 2aad ee ardayda jaamacadda Accord ee magaaladda Muqdisho.

Munaasabadda oo lagu qabtay Tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir,masuuliyiin hore xilal kala duwan usoo qabtay, xilldhibaano ka tirsan golaha shacabka BJFS oo qaar kood ka mid ahaa ardayda qalin jabineysay, iyo waliba guddoomiyaha guud ee jaamacadda Accord oo safar shaqo ku timid magaaladda Muqdisho inta munaasabadda Socotay.

Guddoomiyayaasha Degmooyinka Waaberi iyo Warta Nabadda, Sugal Cali Ayaanle iyo Saynab Xaabseey ayaa ka hadlay muhimada ay leedahay waxbarashada.

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka BJFS iyo sido kale Agaasimaha guud ee Tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Ismaaciil Yuusuf Cisman ayaa bogaadiyay ardayda ka qalin jabineysa Jaamacadda Accord.

Prof. Florence Norris oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda ACCORD oo dalka Mareykanka ka timid ayaa kasoo qeybgashay xafladda qalin jabinta dufcada 2aad ee ardayda, waxaana ay ku bogaadisay in ay sii wadaan waxbarashada.

Inta ay socotay munaasabadda waxaa sido kale farriimo kusoo bandhigay macalimiinta ajaanibta ah ee wax ka dhiga jaamacadda maadaama ay nasiib u yeelan waayeen in ay yimaadaan goobta xaflada lagu qabanayay.

Barbaarta gaashaaman, fanaaniinta iyo afmaalo kale ayaa inta ay xafladda socotay kusoo bandhigay suugaan ka turjumeysa qiimaha ay leedahay waxbarashada jaamacadda Accordka.

Ra’iisul Wasaare Hamse oo qaabilay Ergayga gaarka ah ee Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya

0

????????, ??, ???????, ????-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay, Ergayga gaarka ah ee Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa kala hadlay xoojinta taageerada hay’adaha QM ay siiyaan Soomaaliya.

Wakiilka QM ayaa ugu hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha, ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda oo shalay ay meel mariyeen Golaha Shacabka, isagoo xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay hay’adaha QM in ay xoojiyaan taageeradooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, xukuumaddiisuna ay diyaar u tahay in si dhow ay u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.

Wasaaradda Waxbarashadda Dalka oo digniin adag u dirtay Iskuulada dalka

0

Muqdisho-8-8-2022-Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Waxaa ay faraysaa dhamaan Iskuulada dalka in ay dhaqan geliyaan fulinta labiska Ardayda dhigata Iskuulada ee wareegtada ay kasoo saartay Wasaaradu, Tariikh: 5/6/2022.

Fulin la’aanta arintaan Wasaaradda Waxbarashadda waxaa ay-u-arki doontaa amar diido waxaa laga qaadaya tilaabo ku haboon waafaqsana sharciga dalka.

Madaxweyne Xasan sheekh oo gaaray magaalada Kampala

0

Muqdisho, Ogosto 8, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay dalka Uganda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Kampala ee Caasumadda dalkaas.

Madaxweynaha oo garoonka diyaaradaha calaamiga ah ee Entebbe uu ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Mudane Odongo Jeje Abubakhar, ayaa salaan Sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaas, halka kooxo ciyaar dhaqameed ah ay bandhig-dhaqameed ku maamuuseen booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashadiisa Uganda ay qaadaneyso saddex maalmood, ayaa wada-hadallo ku qotoma xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga la qaadan doona dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu ka qeyb geli doonaa madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, iyadoo ganacsatada iyo khubarada dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn doonaan iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca waxsoosaarka.

Madaxweynaha Hiirshabelle oo maanta daahfuray shirka banbaxa Golaha Wasiiradda ee Maamulka Hirshabeelle.

0

Muqdisho: 08, Agoosto, 2022: Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta daahfuray shirka banbaxa Golaha Wasiiradda ee Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka Uganda, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas

0

Muqdisho, Ogosto 8, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Uganda, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.

[DAAWO]Madaxweyne Ku xigeenka Jubbaland oo soodhaweeyey Golaha Cusub ee Wasiirada XFS

0

MUQDISHO-8-8-2022-:Madaxweyne kuxigeenka Dowladd Goboleedka Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo wareeysi siiyay Radio Muqdisho ayaa soo dhoweeyay golaha wasiiradda cusub ee dhawaan uu magacabay Ra’iisulwasare Hamse Abdi Bare shalayna ay ansixiyeen Golaha Shacabka BFS.

Kooxaha Argagixisada ah ee Al shabaab ayaa gubay Ceelashii biyaha ay ka dhaansan jireen dadka ku nool tuulooyin u dhaxeeya Maxaas iyo Baledweyne

0

Muqdisho-8-8-2022-:Dagaalyahano ka tirsan kooxda Argagixisada Al-Shabaab ayaa bur-buriyay xaruunta ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku laheyd deegaanka Goobo oo qiyaastii 15-KM u jirta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Hassan Sheikh oo ka guddoomay safiirka Qadar dhambaal uu uga siday Amiirka dalkaas

0

Muqdisho, Ogoosto 07, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Villa Soomaaliya kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Qatar Mudane Xasan binu Xamsa Haashim, ayaa ka guddoomay Martiqaad uu uga siday Amiirka dalkiisa Mudane Tamiim binu Xamad.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Safiir Xasan binu Xamsa farriin iyo salaan uu u diray Amiirka Dowladda Qatar, waxa uuna uga mahadceliyey mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyeen gudaha dalka, isagoo rajeeyey in dhambalkan iyo booqashada rasmiga ah ee uu ku tagayo dalkaas ay sii xoojiyaan iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya Mudane Xasan binu Xamsa Haashim ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha aqbalaadda martiqaadka uu u soo diray Amiirka Qatar, isaga oo muujiyey sida ay u garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Dhambaalkan uu guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa nuxurkiisu yahay sidii loo sii amba-qaadi lahaa, loona horumarin lahaa hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo xoojiinta xiriirka labo-geesoodka ah ee labada dal, kaasi oo ku dhisan walaaltinnimo iyo wax-wada-qabsi.