Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS oo qaabilay ergayga gaarka ah ee dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta Geeska Afrika

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta Geeska Afrika Suldaan Saciid Axmed, ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowladda Finland oo uu wehliyay Agaasimaha Geeska iyo Bariga Afrika u qaabilsan Finland Jukka Pajarinen.

Guddoomiyaha iyo ergayga ayaa ka wadahadlay kaalinta dowladda Finland ay ka gaysan karto taageerada howlaha shaqo ee Aqalka Sare, ka xoraynta dalka ee Khawaarijta Al-Shabaab, dib u heshiisiinta, dowlad wanaagga, iyo wada shaqaynta Aqalka Sare iyo baarlamaanka dowladda Finland.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...