Madaxweyne Qoor-Qoor iyo Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo gaaray degmada Hobyo

Date:

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhiga XFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa saakay soo gaaray Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Ujeedada safarka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku aaddan dardargelinta howlgalada dib u xoreynta ah ee ka socda deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafidigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Xarunta Degmada Hobyo, halkaas oo uu kulan kula qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida, gudoonka gobolka, maamulka degmada iyo masuuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...