Home Blog Page 542

Ciidamada XDS iyo kuwa Deegaanka oo haatan la wareegay Magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud

0

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Khawaarijta ka xoreeyey magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud, sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya Ciidamada ATMIS oo dilay 23 xubnood oo ka tirsanaa Khawaariijta Al-shabaab

0

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya Ciidamada Hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS ayaa saaka hawlgal qorshaysan ku dilay 23 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaariijta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo sagootiyay Safiirka Turkiga oo muddo xileedkiisa shaqo ee rasmiga ah uu ka idlaaday

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa xalay ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mehmet Yilmaz, oo muddo xileedka shaqo ee loo igmaday uu ka dhammaaday.

[DAAWO] Taliska Booliska Galmudug oo war ka soo saaray halka uu marayo howlgal lagu baacsanayo 7 nin habeeno ka hor dilay dad shacab ah

0

Booliska Maamul Goboleedka Galmudug ayaa Howlgal balaraan oo ay ku baadi goobayan kooxo Maleeshiyo ah oo maalmo ka hor dad shacab ah ku xasuuqay deegaano dhaca Xaduudka kala Qeybiya Mudug ,Galgaduud iyo Dalka Itoobiya kawada halkaas.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo qaabilay wafdi uu hogaaminayay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

0
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Amniga iyo Badbaadada, Mr Gilles Michaud.

[DAAWO] Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray hoolka uu ka furmayo shirka dib u heshiisiinta koonfor Galbeed

0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Baydhabo u jooga furitaanka Shirka dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa kormeeray qeybo kamid ah goobaha la dajiyay martida ka soo qeyb geleysa Shirka Dib u Heshiisiinta KGS.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan sagootin ah Madaxtooyadda Qaranka ugu qabtay safiirka Turkiga ee Soomaaliya

0
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalkeenna.

Madaxweynaha Jabuuti oo qaabilay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam

0
Madaxweynaha Jamhuuriyada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle ayaa Xarunta Madaxtooyada Jabuuti ku qaabilay Wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.
Madaxweyne Axmed Islaam ayaa Dowlada iyo shacabka Jabuuti uga mahad celiyay tageerada walaalnimo ee ay la garab taagan yihiin Dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

[DAAWO] Gudoomiyaha Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka ayaa maanta ka dhagax dhigay magaalada Beydhabo xarunta Gurmadka deg degga ah ee Koonfur Galbeed.

0
Gudoomiyaha Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka Maxamud Macallin Cabdulahi ayaa maanta ka dhagax dhigay magaalada Beydhabo Xarunta Gurmadka Deg degga ah ee Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo shir Guddoomiyey shir looga hadlayo dardargelinta hawlaha hortabinta u leh Xukuumadda Dan Qaran

0
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salax Axmed Jaamac oo shir guddoomiyey shir looga hadlayo dardargelinta hawlaha hortabinta u leh Xukuumadda Dan Qaran iyo adeegyada dowladnimada ee sanadda 2023,
Kulan waxa ka qayb galay Isuduwayaasha Mashaariicda gaar ahaan kuwa Bangiga Aduunka (World Bank Project Implementation Units)
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa warbixino ku saabsan hawlaha hortabinta leh ee mashaariicda dalka ka dhagaystay dhammaan xiriiriyayaasha iyo isuduwayaasha mashaariicda kala duwan ee dalka ka socda.