Home Blog Page 542

Madaxweynah Qaranka Oo ka Qeyb Galay Madasha Ganacsiga Somaliya Iyo Uganda. (SAWIRO).

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Madasha Iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Uganda ayaa ka warbixiyey fursadaha iyo koboca dhaqaale ee labada dal ay ka faa’iidayaan hirgelinta iskaashiyada ay wada gaareen iyo xaqiijinta is-dhaafsiga ganacsiga iyo badeecadaha.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha laga dhaxlay heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo Uganda sanadkii 2016-kii, oo horseeday in uu kobco isdhaafsiga dhaqaale ee labada dal, fududeynta socdaalka iyo duulimaadyada tooska ah, mataaneynta Jaamacadaha, iskaashiga xiriirka diblumaasiyadeed iyo amni, isagoo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda marti-gelinta madashan.

Furitaanka Shirkan oo ay wadajir u guddoomiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni, ayaa ganacsatada labada dal waxa ay ka arrinsadeen sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen maalgashiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, shaqo abuurka dhallinyarada, xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, warshadaha iyo hannaanka maaliyadeed.

Inta lagu guda jiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda, Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jabriil Cabdirashiid ayaa heshiis ku saabsan iskaashiga dhaqaale la saxiixday dhiggiisa dalka Uganda Mudane Mwebesa Francis, halka Agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Mudane Asad Yusuf iyo dhiggiisa Uganda Mudane Rwakakamba Morrison iyo Rugaha Ganacsi ee labada dal ay kala saxiixdeen heshiisyo kale oo ku saabsan fududeynta ganacsiga iyo isweydaarsiga khibradaha.

Ugu danbeyntii, Labada Madaxweyne ayaa faray Wasiirrada Labada dal in ay xaqiijiyaan dhaqan-gelinta heshiisyada iyo talooyinka ka soo baxa Madasha Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda, sidoo kalena ay ku sameeyaan dib-u-eegis joogta ah, si loogu kuurgalo horumarka laga gaaro hirgelintooda, loona sahamiyo dhinacyo kale oo Labada dal ay iska kaashan karaan.

Furitaanka Madashan waxaa ku weheliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruse, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh Maxamed iyo Danjiraha dalkeenna u fadhiya Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud.

Wasiirka Cusub Ee Amniga Oo Xilka Lawareegay (SAWIRO).

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Wasiirkii hore ee Amniga, sida howlkarka ahayd ee u soo hoggaamiyey Xafiiska, isagoo kula dardaarmay wasiirka cusub in looga fadhiyo shaqo culus, maadaama amnigu uu yahay mid kamid ah tiirarka muhiimka ah ee xukuumadda.

Waxaa Si Dardar ah Ku Socda Howsha Xil la Wareegista Golaha Wasiirada Cusub, Waxaana LA Filayaa In Bilowga Todobaadka Danbe Lasoo Gabagabeeyo Si loosii Anba Qaaday Dardar Galinta Shaqada Xukuumadda Dan-Qaran ee Dhawaan uu Soo Dhisay RW Hamse Abdi Barre.

Kulan Looga arinsanayay Xalka Abaaraha Gobolka Oo Lagu Qabtay Galkacyo.

0

Kulanka looga arimsanayay xaalada abaaraha iyo gaarsiinta deeqaha dadka ay abaartu ku saameeysay deegaanada hoostaga dagmada Galkacyo ayaa maanta lagu qabtay xarunta dowlada hoose ee dagmada Galkacyo

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Maxamed Cabdi Cilmi ayaa maantay shir gudoomiyay kulan laysaga xog wareysanayay abaaraha iyo xaaladaha ka jira deegaanada hoos yimaada Degmada Gaalkacyo.

Kulankaan oo inta badan ay ka soo qeyb galeen Gudoomiyasha deegaanada iyo tuulooyinka hoos taga Degmada Gaalkacyo ayaa waxaa looga dhageystay warbixino la xariira xaalada abaaraha xiligaan adeg ka jira deegaanada ay matalaan isla markaana ay ka yimaadeen

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo Eng Maxamed Cabdi Cilmi ayaa markii uu kulanku soo idlaaday ka warbixiyay kulanka iyo qodabadii layska warsaday waxaana uu baaq u diray Dowlada Fadaraalka soomaaliya iyo Hay’adaha samafalka taas oo ku aadan in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira deegaanada hoos yimaada Degmada Gaalkacyo.

Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay degaanno hoos taga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraa

-Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgallo lagu baacsanayo maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab, ka wado degaanno ka tirsan Gobalka Hiiraan, ayaa cagta mariyay goobahii ay kaga dhuumaleeysanayeen degaanka Qabno ee hoostaga degmada Matabaan.

Ciidamada ayaa ka war helay in maleeshiyaadka argagixisada ay isku aruursanayeen degaanka Qabno, waxaana halkaas argagixisada looga dilay Toban kamid ah argagixisada, halka tiro intaas ka badana looga dhaawacay.waxana ciidamadu ay la waregeen degaanno ay kamid tahy Garmcadde,Beer gadiid, xawaale gacameey iyo degaanno kale halkaa oo argagixsada ay dadka shacka ah ku dhibateen jireen.

Ciidamada kumaandooska Danab oo kaashanayo kuwa marekanka ay sidoo kale duqeeyn xalay ay ka fuliyeen degaan u dhow Hees oo ay sida la sheegay argagixisadu isku aruursaneysay,iyadoo halkaa lagu dilay 40-katirsan maleeshida Al-shabaab halka tira inta ka badana looga dhaawcay

Saraakiisha guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay Al-Shabaab ka sifeyaan degaannada u dhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo beryahii ugu danbeeyay ay howlgallada ka socdeen.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, oo qeeyb ka ah hoggaanka  howlgallada ay Ciidamada ka wadaan inta u dhaxeeysa Matabaan iyo Maxaas, waxaana  intii ay socdeen howlgalada lagula wareegay dhowr degaan oo ay horay ugu sugnayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Warshad soo saarta qalabka Ciidamada Milateriga ee Uganda

0

Muqdisho, Ogosto 9, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee ku sugan dalka Unganda ayaa booqday deegaanka Nakasongola oo ay ku yaallaan Warshadaha Luwero ee soo saara qalabka Ciidamada Milateriga ee Uganda.

Madaxweynaha ayaa shacabka iyo dowladda Uganda ku bogaadiyey dadaallada wax ku oolka ah ee ay ku bixinayaan kobcinta wax-soosaarka iyo warshadaha dalkooda, taas oo dhiirri gelinaysa dalalka Gobolka iyo hal abuurka Shucuubta Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Uganda iyo guud ahaan gobolka ay door firfircoon ku leeyihiin ganacsiga iyo wax-soosaarka Warshadaha dalalkan, waxa uuna ugu baaqay in dowladda Soomaaliya ku garab istaagaan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacasiga iyo kobcinta dhaqaalaha dalkeenna.

Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku wehelinayey booqashadan, waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruse, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh Maxamed iyo Danjiraha dalkeenna u fadhiya Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud.

Ra,isul wadaare ku xigeenka dalka oo maanta xilalka ukala wareejiyay wasiirka gadiidka iyo duulista hawada iyo wasiirka dekedaha iyo gadiidka badda

0

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore Gaadiidka Hawada iyo Duulista, Mudane Duraan Axmed Faarax iyo Wasiirka cusub Marwo Fardowso Cismaan Cigaal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa magacaabay Guddi KMG ah oo soo baara dhacdadii Fowdada aheed ee 7 bishan ka dhacday Xarunta Golaha

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Mohamed Nuur Madoobe  ayaa magacaabay Guddi KMG ah oo soo baara dhacdadii Fowdada aheed ee 7 bishan ka dhacday Xarunta Golaha, halkaasoo dhowr Xildhibaan ay fowdo ka sameeyeen fadhiga.

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, oo xilalka u kala wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub ee XFS Mudane Salah Jama iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xilalka u kala wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub ee XFS Mudane Salah Jama  iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore Mudane Mahdi M. Gulaid.

Qaraxyo qasaaro uu Dad rayid ah kasoo gaaray oo ka dhacay Deegaanka Cabdala Biroole ee Duleedka Kismaayo

0

Wararka naga soo gaaraya Galbeedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Maanta ay halkaasi ka dhaceen qaraxyo fara badan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Laamaha Amniga Mudug oo gacanta ku dhigay agab ka kooban Walxaha Qarxa iyo gaarigii waday

0

Gudoomiya Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa ka qayb galay kulan Deg Deg ahaa oo lagu soo bandhigayey Laamaha Amniga Gobolka Mudug oo ku guulaystay soo qabashada Agab ka kooban Walxaha Qarxa iyo gaarigii waday oo la rabay in lagu khal-khal galiyo Amniga iyo Horumarka Bulshada.