Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac oo qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ms Tina Intelmann

Date:

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha Ahna Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ms Tina Intelmann.

Labada dhinac ayaa intii uu kulunku socday waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyo sidii loo dardargelin lahaa wadashaqaynta ku qotonta danaha labo-geesoodka ah.
Ms Tina Intelmann ayaa dhankeeda ku bogaadisay dowladda Soomaaliya horumarka baaxada leh ee mudada kooban ay kaga gaartay dagaalka khawaariijta, iyadoo tilmaantay in Midawga Yurub uu diyaar u yahay in uu dowladda Soomaaliya ka gacan siiyo xasilinta dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dalka Ciraaq u qaabilsan Soomaaliya 

Muqdisho, Arbaco, 11 Febraayo 2026: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo La Kulmay Danjiraha Shiinaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta,...

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu...