Home Blog Page 529

Tirada dadka ku dhintay Qaraxii ka dhacay Masaajid ku yaalla Peshawar oo sii kordhay

Tirada dadka ku dhintay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lala beegsaday masaajid ku yaalla magaalada Peshawar ee dalka Pakistan ayaa gaaray 93 qof, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan caafimaad  Pakistan.

Ruuxii fuliyay weerarka ayaa ku jiray safka hore ee masjidka, kaasi oo markii salaada la bilaabay isku qarxiyay Jameecadii Masaajidka, sida ay sheegeen laamaha amaanka.

Dalalka Islaamka iyo Mareykanka ayaa cambaareeyay weerarkan argagixiso ee lala beegsaday dadkii ku cibaadeysanayay masaajid ku yaalla Peshawar .

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka ismiidaaminta ah, waxaana bayaan ka soo baxay xafiiskiisa lagu yiri “Waa wax laga yaqyaqsado in la weeraro goob cibaado.”

Gudaha dalka Pakistaan waxaa bilahii u danbeeyay ku sii badanayay Qaraxyada ismidaaminta ah ee aan loom eel dayeynin, kuwaasi oo ay geysanayaan Kooxaha argagixisada.

 

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimillada XFS Khadiijo AL Maqsuumi oo safar shaqo ku joogta dalka Finland

0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimillada XFS Khadiijo Maxamed AL Maqsuumi oo safar shaqo ku joogta dalka Finland ayaa kulamo la leh madax ka tirsan dowladda waddankaas.

“Booqasho rasmi ah oo muddo Afar maalmood ah qaadaneysa ayaa maanta inooga billaabatay Finland, Waxaan kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimillada Finland oo ay hoggaamineyso wasiir Maria Ohisalo” ayay tiri Wasiir Khadiijo.

wasiirka ayaa hadalka intaas ku dartay” Finland waxay nagu garab siineysaa dadaalka aan ugu jirno la tacaalidda dhibaatooyinka ka dhashay isbedelka cimilida”.

 

Booliska Soomaliya oo Deegaanka Garasbaaleey ku qabtay nin loo haysto Burcadnimo hubeysan

0

Ciidanka Booliska Deegaanka Garasbaaley ayaa Saakay Aroor hore gacanta ku dhigay ninkaan oo loo haysto Burcadnimo hubeysan, xilli dadka Shacabka ah ee deegaanku ay cabasho ka keeneen kooxo burcad ah oo dhac u geysta.

Ninkaan ayaa rasaas ku furay Ciidanka Amniga isagoo dilay qof shacab ah, laba kalana ku dhaawacay sida uu sheegay taliska Boliiska deegaanku.

“Ciidanka ayaa Nikaan ka qabtay Waaxda 3-aad ee deegaanka Garasbaaley, xilli uu qof dumar ah ka qaatay teleefan waxa uuna watay Qoriga loo yaqaan M-16” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Boliiska.

Soomaaliya oo martigelineysa shir ay magaalada Muqdisho ku yeelanayaan  Wasiiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidammada ee dalalka deriska

0

Soomaaliya ayaa maanta martigelineysa shir ay magaalada Muqdisho ku yeelanayaan  Wasiiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidammada ee dalalka deriska, loona yaqaano Dalalka Safka Hore. Waddamada Soomaaliya ku wehliya kulanka maanta ayaa kala ah Kenya, Djibouti iyo Ethiopia.

Shirkan oo lagu gorfeynayo  dhameystirka hawlgallada dib u xoreynta degaannada ay weli ku harsan yihiin Khawaarijta, isku dubaridka taageerada muhiimka ee Dalalka Safka Hore iyo iskaashiga dalalkan ee hawlagalada ka socda Soomaaliya, ayaa gogol xaar u ah Shir Madaxda Dalalka Safka Hore ay beri ku yeelanayaan magaalada Muqdisho oo uu horkacayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidammada ayaa kulankooda maanta ku diyaarin doona ajendaha shir madaxeedka beri dhacaya oo la filayo in natiijada ka soo baxda ay qeexi doonto hawlaha baaxadda leh ee lagu dhameystirayo hawlgalada milateri ee ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta iyo guud ahaan amniga gobolka.

Shirkan ay Dalalka Safka Hore isugu imaanayaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa madaxda ay si hoose iskula eegi doonaan in si wadajir ah looga hortago khatarka Khawaarijta baxsadka ay ku keeni karaan nabadgelyada gobolka, iskaashi buuxda oo ay yeeshaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS iyo Ciidanka aan ATMIS ka tirsaneyn ee Soomaaliya jooga. Iskaashigan ayaa la filayaa in natiijada ka dhalata ay horseedi doonto in si dedeg ah waddanka looga xoreeyo Khawaarijta oo toddobaadyadii ugu dambeeyay dherbaaxo culus lagu gaarsiiyey goobaha dagaalka, dhul balaaranna looga xorreeyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay dhanka kale cudur daar ka bixineysaa saameynta tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga magaalada Muqdisho oo shirkan martigelinaysa ay ku yeelaneyso dhaqdhaqaaqa iyo nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho. Dowladda ayaa sheegtay in baahi ay keentay in labada maalmood ee maanta iyo beri la xadido dhaqdhaqaaqyada iyo weliba duulimaadyadii Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho,, isla markaana ay shacabka la dareemayso culeyska ay tallaabooyinkani leeyihiin.

Shirkan ay maanta Muqdisho ku yeelanayaan madaxda Dalalka Safka Hore ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay Soomaaliya martigeliso, waxaana uu ku soo beegmayaa Soomaaliya oo cagta saartey dariiqii dalka dib nabad buuxda loogu soo celin lahaa, loogana sifeyn lahaa argagixisada caadeystey daadinta dhiigga shacabka 15 kii sanno ee la soo dhaafey..

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ergeyga dalka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Marwo Linda-Greenfield Thomas

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay Caasimadda Muqdisho Ergeyga dalka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Marwo Linda-Greenfield Thomas.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo gudoomiyay Maanta Shirka Golaha Wasiirada Dowladd Goboleedka Hirshabeelle

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gudoomiyay Maanta Shirka Golaha Wasiirada Dowladd Goboleedka Hirshabeelle.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo ka faa’iidaysanaysa hibada dhallinyarada Soomaaliyeed oo bilaabaysa Olole Wacyigelin ah

0

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo ka faa’iidaysanaysa hibada dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa bilaabaysa Olole Wacyigelin ah oo balaaran oo ay ugu horeeyaan mid dhallinyarada Soomaaliyeed looga digi halista Maandooriyaha ( Daroogada) looguna sheegi kaalinta dhallinyarada ee dowlad dhiska iyo Nabadda dalka.

Howlgal qorsheysan oo ciidanka Qaranku ka fuliyeen gobolka Shabeellada hoose oo lagu qaarijiyay 136 ka mid ah Khawaarijta, 98 kalena waa lagu dhaawacay

0
In ka badan 136 ka tirsan khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal ayaa lagu dilay Howlgal qorshaysan oo Ciidanku ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir oo shir guddoomiyay Kulan Laba geesood ah oo dhex maray Gobolka Banaadir iyo hey’adda UNOPS

0

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamud Guure ayaa shir guddoomiyay Kulan Laba geesood ah oo dhex maray Gobolka Banaadir, iyo hey’adda UNOPS.

Xoghaya Guud ee Golaha Shacabka BJFS oo ka qeybgalay kulanka Xoghayayaasha guud ee Baarlamaanada Islaamka oo lagu qabtay Aljeeriya

0

Xoghaya Guud ee Golaha Shacabka BJFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐞 (𝐉𝐚𝐚𝐛𝐢𝐫𝐢) ayaa ka qeybgalay kulanka Xoghayayaasha guud ee Baarlamaanada Islaamka oo lagu qabtay wadanka Aljeeriya.