Home Blog Page 529

Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka XFS oo Muqdisho kula kulmay xildhibaano iyo dhalinyaro aqoonyahan ah. (SAWIRO).

Kulankan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa isugu jiray bogaadin iyo kala warqaadasho dhex maray wasiir kuxigeenka wasaaradda Caafimaadka XFS Hon Dr Mohamed Hassan Mohamed iyo qaar kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax ku soo baartay jaamacadaha dalka Shiinaha.

Waxaa sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya,iyadoo wasiirkana uu kamid ahaa ardaydii horey wax uga soo baratay dalka Shiinaha kana faa’ideystay saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha, maadaama dowladda Shiinaha ay deeqo waxbarasho ay siiso Soomaaliya sanadkasta.
Mudadii kulanka uu socday ayaa dhalinyaradii soo qaban qaabisay kulankaasi waxaa ay u balanqaadeen wasiir kuxigeenka caafimaadka Somaaliya Hon Dr Mohamed Hassan Mohamed in ay markasta garabkiisa taagan yihiin.

 

Dhankiisa ayuu muujiyay wasiirka sida uu ugu faraxsan yahay in uu waqti la qaato qaar kamid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed oo ay wax ku soo barteen dalka dibadiisa,islamarkaan uu shacbka Soomaaliyeed uu ugu adeegi dooni si hufan cilmigii uu soo bartay iyo mas’uuliyadda ka saaran bulshadiisa, ka wasaarad ahaan.

Boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa ka faaideysata deeqaha waxbarasho ee dowladda Shinaha ay siiso Soomaaliya,iyadoo intabadan aqoonyahanadii wax ku soo bartay dalkaasi ay aqoontooda dalka ay dib ugu soo celiyeen, islamarkaana haatan ay ugu adeegayaan bulshada.

 

Madaxweyne Xasan sheekh oo si kulul uga hadlay falkii bahalnimada ahaa ee ay argagixisada arxan-laawayaasha ah ee Al-Shabaab ku xasuuqeen muwaaddiniin Soomaaliyeed

0

Muqdisho, 03, 9,2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay falkii bahalnimada ahaa ee ay argagixisada arxan-laawayaasha ah ee Al-Shabaab ku xasuuqeen muwaaddiniin Soomaaliyeed oo nolol-maalmeedkooda caadiga ah watay, kuwaasi oo ku sugnaa deegaanada Afar-irdood iyo Cadakibir ee kala hoos yimaada Gobolka Hiiraan ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo Gobolka Galgaduud ee Dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ficillada gurracan ee argagaxisadu, ee aan sal iyo raad toonna ku lahayn diinta Islaamka, waddaniyadda iyo dhaqanka suubban, ay tusaale u yihiin cadaawadda ay u qabaan shacabkeenna biri-mageydada ah iyo sida ay caqabadda ugu yihiin guud ahaan horumarka dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in nabad-diidka Al-shabaab aysan Shacabka Soomaaliyeed u oggolayn nolol, nabad, xasillooni, amni iyo hurumar, taas beddelkeedana ay isku dayayaan cabsi-gelinta, daadinta dhiigga muwaaddiniinta, dhaca hantidooda,burburinta ceelasha ay dadka reer miyiga ahi xoolaha ka waraabsadaan iyo xasuuqa dadka rayidka ah.

“Dadka Soomaaliyeed waa og yihiin dhagarta iyo arxan-darrada argagixisada bannaysatay dhiiggooda iyo maalkooda, waxaana rajeynayaa in ay adkeystaan oo aanay isdhiibin maalmahaan kooban ee ka haray dabar-goynta kooxdan sharwadeyaasha ah ee naf la caariga ah, aniga oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaya inay taageero buuxda la garab istaagaan ciidamadeenna halyeeyada ah ee dagaalka kula jira kooxdan fitnawadayaasha ah, dhabbaha kaliya ee looga adkaan karana waa isku duubni iyo inaan u midowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo is garabsanaya ay tallaabooyin wadajir oo degdeg ah qaadayaan kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo Argagixisada Al-Shabaab, si loogula xisaabtamo jarriimooyinka ay u geysteen dadka biri-mageydada ah ee ay ku laayeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee Dowlad-goboleedka Hiirshabeelle iyo guud ahaan dalka.

Madaxweyne Xasan ayaa bogaadiyey dadaallada naf-hurnimada leh ee ay wadaan Ciidamadeenna geesiyaasha ah iyo Shacabka is abaabulay ee ku nool Gobolka Hiiraan ee Hirshabelle iyo Gobolka Galgaduud ee Galmudug si ay isaga dulqaadan dhagarta cadowga ummadda Soomaaliyeed, isagoona baaq adag u diray shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan si loo ciribtiro kooxaha dhiigyacabka ah ee caadeystay gumaadka iyo dibindaabyada dadka Soomaaliyeed.

Madaxda ugu sareeyso dalka oo maanta ka qeybgalay salaadda janaasada Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq oo ahayd hooyadii Madaxweynihii 7-aad ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed

0

Muqdisho, Sibteembar 03, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tukaday salaadda janaasada Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq oo ahayd hooyadii Madaxweynihii 7-aad ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadda janaasada kaddib murugada la wadaagay qoyska iyo qaraabada ay ka baxday Marxuumad Xasno Cabdulle, isagoo kulan la qaatay Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah xubnaha qoyskeeda.

“Alle ha u naxariistee, hooyo Xasno Cabdulle Isaaq, waxaan Alle uga baryaa in uu hoygeeda ka yeelo jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan qoyska iyo ehelka ay ka geeriyootay marxuumaddu”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa kala qeyb-galay tukashada Salaadda Janaasada ee Marxuumadda, Ra’iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaareyaal Hore Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo mas’uuliyiin ka socday labada Gole ee Dowladda.

 

 

Ra’iisul Wasaare Hamse oo ka tacsiyadeeyey Dadkii Shacabka ahaa ee Argagaxisada Xasuuqday

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa si kulul uga hadlay weerarka bahalnimada ah ee ay kooxda argagixisada al—Shabaab ku laayeen dad rayid ah, kuna gubeen 7 gaari iyo hantidii saarnayd, deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

“In la laayo dad Muslimiin ah, masaakiin ah, shacab xoogsato ah, la gubo gaadiidkoodi, dabna la qabadsiiyo hantidoodi — waa fal aan sal iyo raad ku lahayn diinteena suubban, waa dhaqan xun oo Islaamnimada ka baxsan, waa astaan muujinaysa cadawtinimada iyo nacaybka gaamuray ee ay Shabaab u hayaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in xukuumaddu garab taagan tahay ciidammada halyeeyada deegaanka ee is abaabulay kuwaas oo khasaare badan gaarsiiyay kooxda argagixisada ah ee tabartoodu ku soo aruurtay gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qoysaskii – dadkaasi aan waxba galabsan ee cadawgu sida arxan darrida ah u laayay – isagoo Allaah Subxaanahu Wa Tacaalaa, uga baryay inuu Jannadii Fardowso ka waraabiyo.

Madaxweynaha KGS oo maanta qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UN-OCHA

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UN-OCHA Martin Griffiths

 

Kulanka waxaa looga hadlay Arimaha Abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa Bulshada ku nool guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed ee Saamaysay Abaarta Daran ee ka dhacday guud ahaan Dalka.

 

Kulanka waxaa ka qeybgalay Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed.

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarka wuxuushnimada ah ee Al-shabaab ku dileen  dad rayid ah

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xuntahay weerarka wuxuushnimada ah ee kooxaha Argagixisada ah ku dileen  dad rayid ah, kuna gubeen hantidooda ee ka dhacay deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Weerarkaan waxaa uu muujinayaa cadownimada kooxda nabad-diidka ah ee Al shabaab iyo in aanay dadka Soomaaliyeed u tureen, waxa kale oo uu  hoosta ka xariiqayaa xanuunka ka gaaray dagaaladii wadajirka ahaa ee ay la galeen bulshada deegaanka oo kaashanaya dowladooda.

Weerarkani wuxuu sidoo kale tilmaamayaa in maleeshiyaadka arxan laawayaasha ah ay sii tabar darnaanayeen oo aanay awooddin in ay wajahaan Ciidanka Qaranka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay garab taagan tahay dadka deegaanka ee is abaabulay una taagan iska kor qaadidda kooxahaan cadowga ku ah jiritaanka dadka Soomaaliyeed, waxaana iyada oo kaashanaysa dadka deegaanka ka bixin doontaa jawaab u dhiginta.

Waxaa naga go’an in kooxda Khawaarijta ah ee Alshabaab in waddanka laga ciribtiro, weerarada bahalnimada ah oo ay shacabka u geesanayaan waxa ay ka marqaati kacayaan fikirka iyo hadafka kooxdaan, waxa ayna xoog iyo iskaashi u noqon doonto dadweynaha iyo dowladooda oo u taagan in maleeshiyadaan dalka laga xoreeyo.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ka qayb galay xiritaanka  shirweynaha 11-aad ee Guddoomiyayaasha Baarlamaannadda Afrika

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qayb galay xiritaanka  shirweynaha 11-aad ee Guddoomiyayaasha Baarlamaannadda Afrika oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Madaxweyne Deni oo maanta dhaggax dhigay dhismaha Wadada isku xirta degeeganada Dangoroyo iyo Eyl

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhaggax dhigay dhismaha Wadada isku xirta degaanada Dangoroyo iyo Degaanka  Eyl ee Gobolka Nugaal.

[DAAWO] Al-shabaab oo dad badan ku dilay Gobolka Hiiraan

0

Sida ay xaqiijiyeen maamulka gobolka Hiiraan Inta u dhaxeysa Degmooyinka Maxaas & Baladweyne waxaa ka dhacay weerar lagu gubay ku dhawaad 10 Gaari oo ah nooca xamuulka qaada.

Wasaaradda Howlaha Guud Ee KGS oo Wada Qorshe Dib Loogu soo celinayo Xarumihii Wasaaraddaas

0

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud Guryeynta iyo Dib u dhiska Dowladd gobaleedka KGS Dahir Abdi Abdullahi (Dr,Go) oo Wareysi gaar ah siyay Warbaahinta Qaranka Ayaa sheegey iney ka shaqeyn doonaan dhawaan sidii dib gacanta maamulka loogu soo celin lahaa xarumihii wasaaradda ay ku shaqeyn jirtey si ay wasaaradda dib ugu soo nooleyso kaabayaashii dhaqaalaha.